SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon guud

1-Su'aal, Sheg meeshay eheed meeshii ay aayada quraanka ugu horeesay ku soo degtay?
1-Jawab, meeshii ugu horeesay ay aayada quraanka ku soo degto waxay eheed Xiraa.
2-Su'aal, sheg imisa sano ayuu Quraanka soo dagaayey?
2-Jawab, Wuxu soo dagaayey 23 sano.
3-Su'aal, Sheg Quraanka yaa u keeni jiray Rasuulka (NNKH) Ama sidee buu ku soo gaari jiray?
3-Jawab, Rasuulka (NNKH) waxaa u keeni jiray Jabriil (CS) isagoo allahiisa ka soo qaadi qaadaaya.
4-Su'aal, Sheg kumuu ahaa Safiirkii ugu horeeyey ee uu Rasuulka (nnkh) uu madiina i diro si uu u baro Quraanka?
4-Jawab, wuxu ahaa wuxu ahaa Muscab Bin Cumeyr (RC).
5-Su'aal, Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay quraanka soo dagaya uruuriyaan?
5-Jawab, Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.
6-Su'aal, Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya?
6-Jawab, Ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya wuxu ahaa Abuu-kabar Sadiiq (RC).
7-Su'aal, Sheeg sababta kaliftay in quraanka la isu soo aruuriyo hadaba sababta maxay ahayd?
7-Jawab, Sababta waxay ahayd (Asxaabtii Quraanka xifdisaney oo dagaalada aad ugu dhimanaayey) Sida dagaalkii ka noqoshada meesha la yiraahdo
Yamaama markaa waxaa laga baqay in quraanka lumo, Sidaas darteed baa dib loogu aruurshay Quraanka.
8-Su'aal, Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?
8-Jawab, Abuu bakar (RC) Wuxu madax uga dhigay asxaabtii quraanka soo uruurineesay asxaabiga la yiraahdo Sayid binu Thaabid.
9-Su'aal, Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda ?
9-Jawab, Qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda waa Cusmaan Bin Cafaan iyo RUkhiya muxammed rc.
10-Su'aal, Sheeg maxay kala yihiin muhaajiriin iyo ansaar?
10-Jawab, Waxay kala yihiin labo (2) 1- Muhajiriin waxaa ladhahaa asxaabtii maka ka timid oo timid madiina. 2-ansaar-na waa asxaabtii Madiina loogu yimid


11-Su'aal, sheeg buurta Africa ugu dheer magaceeda?
11-Jawab, Buurta africa ugu dheer waxa ladhahaa Kalaminjaara.
12-Su'aal, Sheeg Buurta kalaminjaara oo ah Buurta africa ugu dheer wadanka ey ku taalo?
12-Jawab, Buurta Kalaminjaaro waxay ku taalaa xadka tanzania iyo kenya.
13-Su'aal, Sheeg, Wax marka ay siyaadaan sii naaqusa?
13-Jawab, waa dayaxa.
14-Su'aal, Sheeg goorma ayuu geeriyooday Sayid Maxamed Cabdule Xasan?
14-Jawab, Sayid Maxamed Cabdule Xasan wuxu geeriyooday sanadkii 1921.
15-Su'aal, Sheeg wadankii ugu horeeyey oo Afrikaan ah diyaarad lagu weeraro?
15-Jawab, Wadankii ugu horeeyey oo Afrikaan ah diyaarad lagu weeraro (Duqeeyo) waa Soomaaliya.
16-Su'aal, Sheeg meeshii ugu horeesay oo soomaaliya ah Misana diyaarad lagu weeraro?
16-Jawab, Meeshii ugu horesay oo Soomaaliya ah diyaarad lagu weeraro waa degmada teleex, Waxana lagu weeraray xiligii sayid Maxamed Cabdule Xasan.
17-Su'aal, Sheeg dagaalkii u dhaxeeyey Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo England (British) sanadkii uu bilowday?
17-Jawab, Dagaalkii u dhaxeeyey Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo england (British) Wuxu bilowday sanadkii 1900-kii
18-Su'aal, Sheeg gobalka ugu weyn Soomaaliya?
18-Jawab, Gobalka ugu weyn Soomaliya waa Gobalka Bari, magaaladiisana waa Boosaaso.
19-Su'aal, sheeg wadanka Afrika ugu dhulka balaaran?
19-Jawab, Wadanka afrika ugu dhulka balaaran Waa wadanka Suudaan (Sudan)
20-Su'aal, Sheeg Sadaam Xuseen oo ahaa madaxweynihii hore ee ciraaq hadaba sheeg sanadkii uu dhashay?
20-Jawab, Sadaam xuseen wuxu dhashay sanadka marka uu ahaa april 28, 1937. alla yaa raxma sadaam xuseen majiid aamiin aamiin aamiin.....


Waxaa isku soo daba riday Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:- adde053@hotmail.com
Tel number 0060123360041
Kuala lumpur malaysia....

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS