SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Saxansaxada Cadaalada Mustaqbalka Puntland 
 

Waxaan hambalyo iyo bagaadin u dirayaa dhamaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland taas oo maanta lagu doortay magaalada Garoowe, Puntlad waxaan leeyahay waxaa halkaas ka soo if baxay sansaan dimiqraadiyeed kaas oo aan filayo in ay u keeni doonto Puntland horumar, kalsooni shacab iyo is aaminaad sax ah oo dhexmarta dhamaan umada reer Puntland 

Waxaan rabaa in aan su’aal dhex dhigo waxgaradka, Isimada, Wakiilada, maamulka cusub oo hada la doortay iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee reer Puntland oo ah maxaa sababa mar walba in la dulmiyo oo la hilmaamo umad, qabiilooyin, reero degaan iyo wada dhalasho ka soo jeeda reer Puntland in aan cidna ka hadal waxna loo soo qaadin kuwaas oo ay ka mid yihiin beelaha Madhibaan iyo inta soo raacda? 

Maxaa loo waayay in laga dhex helo golaha wakiilada cid u metesha beelahaas faraha badan ee degan meel walba oo ka mid ah Puntland? Miyayna ahayn in la dulminayo jiritaankooda, aqoontooda, kartidooda, iyo wax walba oo ay leeyihiin beelaha kale oo degaan la wadaagaan 

Hadaba maamulka cusub ee Puntland waxaan ILLAAH uga baryaynaa in uu ka dhigo mid noqda kii umadiisa ugu adeego cadaalad sinaan iyo hurumar waxaan leeyahay beesha madhibaan waa beel ka tirsan reer Puntland wax walba oo ay leedahay wanaag iyo xumaan waa ay la qabaan laakiin ha laga daayo gacan bidixeenta goormaa la gaarayaa horumar inta aadan wax u ogoleyn kii kula deganaa ee dhib iyo dheefba lahaa in uu kula wadaago 

Hadaba waxaan leeyahay oo aan talo wax tar ah u soo jeedinayaa dadka ay qusayso in ay arintaan wax ka qabtaan oo aysan ka aamusin maxaa yeelay aamuska waa calaamad lagu garto arimaha hada ay ku sugan yihiin in aad ku qanacsan tahay. Hadaba inta aan ku qanacsanayn waa in ay ka hadlaan, ka dhiidhiyaan, waxna u soo qaadaan walaalahooda reer Puntland ee sida xaqa ah u leh xuquuqdooda  

Waxaa talo iyo tusaale soo jeedinayaa arimahan 

  1. Waa in la helaa kursigii ay ku lahaan jireen Baarlamaanka ama ay xaqa u leeyihiin waa beelo fara badan oo aan cidna ugu jirin Baarlamaanka, taasina waa mid cadaalada ka fog
  2. In dawlada cusub ee la dhisayo laga helaa xubnihii dawlada ay ku lahaayeen sida wasiirada, wasiiro ku xigeen, iyo qaybaha kale ee dawlada
  3. In dawlada, Isimada, wakiilada iyo waxgaradka reer Puntland ay isha ku hayaan walaalaha muwaadiniinta ah ee reer puntland “Madhibaan” in ay marwalba helaan gasinkooda ay xaqa u leeyihiin
  4. Ugu dambeyn waxaan leeyahay Puntland waa in ay u noqotaa tusaale fiican Somaaliya inteeda kale

Waxaan leeyahay sanadkan cusub, dawladan cusub waa in si toos ah oo aan qarsoodi ahayn ay u helaan walaalaheen Madhibaan iyo inta la midka ah xuquuqdii ay lahaayeen oo ay ku lahaayeen dawlada iyo mujtamaca reer Puntland  

Walaalayaal tusaale ka qaata aduunka intiisa kale sida Maraykanka oo maanta doortay nin Madoow ah anaga ayaaa kaga awlaysan waa walaalaheen Soomaaliyeed, reer Puntland, Muslim ah, dhalasho iyo deegaana nala wadaaga, dhib iyo dheef waa in ay inaga dhaxaysaa taas ayaa ah cadaalad, taas ayaa ah dimoqraadiyada, taas ayaa ah dad wanaaga lagu yaqaan reer Puntland ha nalaga arko, ha loo kaco, ha loo tuso walaatinimo iyo sinaan 
 

Waad mahadsan tihiin 
 

Qore: Abu Cabdullahi

abucabdullaahi@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS