SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BIXITAANKII CIIDAMADA ITOOBIYA MEEE?

ASALAAMA CALAYKUM WA RAXMATULLAAHI WA BARAKAATUHU

Walaalayaal Maxaa ku dhacay bixitaankii ciidamada Itoobiya ee la sheegsheegayey?

Inta aanad isu jawaabin aan ku xasuusiyo wixii la sheegay iyo haddii warkaasi run noqon lahaa wixii la filayey.

WAXAY AHAYD IN AY BAXAAN 6-II OKTOOBAR 2008

9-kii Bishiii juun 2008, waxa lagu saxeexay magaalada Jabuuti heshiis dhexmaray qaybo ka mid ah ururka dib u xoraynta Soomaaliya iyo kooxda Imbigaati. Waxa ay ku heshiiyeen in ay ciidamada Itoobiya ku baxayaan 120 maalmood gudahood. Haddii uu  heshiiskaasi  run ahaan lahaa waxay ahaan lahayd in ay baxaaan ugu dambayn 6-dii oktoobar 2008. Laakiin taasi ma dhicin.

HADDANA WAXA AY AHAYD IN AY BAXAAAN 19-KII DEESEMBER 2008

Heeshiis ka dambeeyey kaas oo isla labadaas kooxood dhexmaray ayaa la saxeexay 19-kii Ogos 2008. Waxa lagu heshiiyey in ay ciidamada Itoobiya ku baxaan 120 maalmood gudahood. Haddii uu  heshiiskaasi  run ahaan lahaa waxay ahaan lahayd in ay baxaaan ugu dambayn 19-kii diisembar 2008. Taasina ma dhicin.

WAXA AY AHAYD IN AY GOOBAHA QAAROOD  KA BAXAAN  21KII NOVEMBER 2008

    26-kii oktoober 2008 waxa ay labada dhinac saxeexeen heshiis kale oo ay ku caddayd bixitaanka ciidamada Itoobiya. Bixitaankaasi waxa uu u dhici lahaa laba weji oo ka hore bilaabmi lahaa 21kii November 2008 oo ay ciidamada itoobiya ka bixi lahaayeen goobo ka mid ah magaalada Muqdisho. Goobahaasi waa  warshadda Baastada, Xeyla Bariise, Towfiiq,  Stadium Muqdisho iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga. Wejiga labaadna wuxu ahaa bixitaanka dhamayska tiran oo ay markaas ka hadhsanayd 54 cisho wakhtigii loo qabtay. Taasna waxba kama hirgelin

WAXAY AHAYD AHAYD IN AY BAXAAN UGU DAMBAYN 31KII-DIISEMBER 2008

    Dawladda Itoobiya ayaa bishii November ku dhawaaqday in ay iskeed uga baxayso Soomaaliya. Waxa ay qabsatay wakhti u gaar ah oo ay ku xaddiday dhammaadka bisha diisember 2008. Laakiin waxa ay wakhtigaas bedeshay isla bishii diisember dhexdeeda iyada oo ka dhigtay wakhtiga ugu dambeeya ee ay ciidamadeeda la baxayso 5-tii jeenawari 2009. Taasina ma dhicin ee waxaabay sii samaysteen  saldhigyo cusub. 

HADDABA MAXAA KU DHACAY BIXITAANKII LA WADA SHEEGAYEY?

    Jawaabta su´aashaasi waa mid kooban oo cad,  waxayna tahay;  Marka horeba muu jirin bixitaan ciidamada Itoobiya laga sugayey, maxaa yeelay?:

  1. Ballan malaha xabashidu oo tan iyo markii ay dalka qabsatay, marar badan ayey sheegtay in ay baxayso oo ay arinkaas go´aansatay. Mararka qaar waxa ay qabsatay laba wiig.  Qofka ay ka hoos baxday ballan –furyada xabashida ee soo noqnoqotay, waxa la gudboon in aanay ka hoos bixin wararka Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa) inooga sheegay kuwa gaalada ah ee dhinaca ballamada. Allaah wuxu leeyahay suuratu Tawbah ayaadda 8aad :

    { كيف وإن يظهروا عليكم لا يرقبوا فيكم إلاً ولا ذمة يرضونكم بأفواههم وتأبى قلوبهم وأكثرهم فاسقون }

    ”Bal ka warrama haddii ay idinka gacan-sarreeyaan, idiinma dhowrayaan qaraabanimo iyo ballantoona. Afkooda ayey idinka raalli gelin, quluubtooduna way diidaysaa, badankooduna waa faasiqiin” waa ayadda 8aad ee suuratu-tawbah.

    Aayaddu waxa ay caddaynaysaa in aanay nimanku ballanka oofinahayn in alla inta ay gacanta sare leeyihiin.

  1. Labada kooxood ee la sheegay in ay ku heshiiyeen bixitaanka ciidamada Itoobiya,               -jirtoo aanay awoodba u lahayn  go´aaan ka gaadhidda bixitaanka Itoobiya, oo taasi ay ka go´do uun itoobiyaanka- haddana heshiiskoodu waxa uu ahaa mid ay ku xidhanyihiin shuruudo aan suurtagal ahayn, manay suuragelin shuruudihii si heshiisku u suurtogalo. sida uu qorayo Qodobka 7aad(b);  Bixitaanka ciiddanka Itoobiya  waxa ay ku xidhan tahay in la helo ciidan ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan, markaasna ay dawladda ku meelgaarka ahi ka codsato Itoobiyaanka in ay u baxaan sidii ay markii horeba iyagu u go´aansadeen”

MAXAA LA GUDBOON URURKA ISBAHAYSIGA DIB U XORAYNTA  GARABKA SH SHARIIF?

Walaalayaal haddii aynu ka soo qaadno in la idinku siray heshiiskan oo la idinku khiyaameeyey. Haddii aynu ka soo qaadno in aydaan gelin heshiisyo hoose. Haddii aynu qaadno in aad diinta, dadka iyo dalkaba daacad  uga ahaydeen heshiiskan. Markaa waxa la idinka sugayaa in aad qaadataan tallaabada habboon ee markan oo kale la faray dadka muuminiinta ah in ay yeelaan. Haddii kale fartii la idinku godayey ayaa idinku sii godmaysa.

Haddii gaalo la dagaallansaa  ay ballan-furyo samayso ama laga baqo in ay ballan-furyo soo wataan, wuxu alle muslimiinta faray in ay heshiiskii si cad uga baxaan oo dagaalka u soo laabtaan. Bal labadan aayadood ila dhuuxa. Wuxu Allaah yidhi:

( وإما تخافن من قوم خيانة فانبذ إليهم على سواء إن الله لا يحب الخائنين )

”Haddii aad ka cabsato in ay ku khiyaamaan qolo (ballan idinka dhexeeyey), ugu tuur (ballankooda) si cad, Ilaahay ma jeclo kuwa khaaimiinta ahe” waa suuratul-anfaal aayadda 58-aad.

Taasi waa haddiiba uu tuhun idinka galo in aanay daacad ka ahayn heshiiska. Haddiise ay toos ballan-furyo  u sameeyaan (sida ay hadda yeeleen oo kale) wuxu Alle aayad kale ku yidhi:

{ وإن نكثوا أيمانهم من بعد عهدهم وطعنوا في دينكم فقاتلوا أئمة الكفر إنهم لا أيمان لهم لعلهم ينتهون }

” Haddiise ay buriyaan dhaartooda ballankoodii ka dib oo ay duraan diintiina, markaa la dagaallama madaxda gaalada waa wax aan ballan lahayne, si ay u joogsadaan” waa aayadda 12-aad suuratul-tawbah

HADDABA ISBAHAYSIGU MA U HOGAANSAMI KARAAN WARKA ILAAHAY SWT?
 

Maxamed Xirsi Guuleed
Abdibashir@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS