SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xaal Marin Professor Cumar Cali Farjac

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay.

Professor Cumar Cali Farjac, oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed, oo ka dhiidhiyay dhibaatooyinka lasoo darsay Deegaanada Puntland, doortayna inuu uga soo tanaasulo xirfaddiisii iyo meheradiisii, taasoo uu Barre Sare ka ahaa jaamacad ku taala Mareykanka, si uu dadkiisa wax ula qabto, ayaa waxaa dhacday in xaleysto illaa shalay shaashadaha Soomaalida lagu arkayay inuu ahaa Musharaxa kaliya ee aanan wax cod ah helin. Arintaas ayaa ku noqotay dad baddan oo aqoon u leh Prafassoorka arin aan la qaadan Karin. Farjac waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa raggi wax ka dhigi jiray Kulliyaddii Dhaqaalaha ee Xamar, sidoo kale iskuulkii Xisaabaadka iyo cabbiraadda. Wuxuu kaloo ahaan jiray la taliye sare wasaaraddii Qorsheyta Qaranka Xilligii Dowladdii dhexe

Runtii Farjac waxaa uu meesha la tagay maskax ka horeysa ragga lagu sheegayey golaha wakiillada, taasoo ay ku adkeyd inay fahmaan halka uu ka hadlayo Farjac. Waxaa iyadana meesha aanan ka marneyn in uu jiray isfaham la’aan prafassoorka iyo dadka reer Puntland qaabka ay wax u doonayeen.

Farjac wuxuu meel walboo uu tago hadal hayey sidi loo badali lahaa nidaamka Puntland, isagoo aqoonyahanda ku qalqaalin jiray inay waddanka taagan. Farjac wuxuu watay qorshe aad u heer sareeya oo uu doonayey inuu la wadaago dadkiisa. Nasiib darro ma dhicin in laga faa’ideysto.

Haddaba waxaan leeyahay Farjacoow weli wey kuu baahan tahay Bulshada reer Puntland, codka golahan wakiiladana kama tarjumayo codka shicibka, fadlan  go’aankaagii ahaa in aad la shaqeyn doonto ciddii ku guuleysata Doorashada, ka dhabeey, oo maamulkan cusub la shaqeey. Waxaan aaminsanahay inaad tahay shaqsi ay maanta Puntland u baahan tahay.

Sidoo kale iyaguna raggi Musharixiinta ahaa ee sanadkan u tafaxeytay inay qabtaan hogaanka Puntland, oo aan isleeyahay waxey ahaayeen rag u qalmay inay kaalintaas qabtaan, laakiin Ogaada gari labo nin kama wada qosliso. Maanta Puntland wey idiin baahan tahay ee sidii aad ugu soo diyaar garoowdeen inaad ugu shaqeysaan dadkiinii fadlan uga dhabeeya.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Mudane Faroole waxaan kula talinayaa inuu raggaas ka faa’ideysto, oo uu ama xukuumadiisa wasiiradda cusub ku daro ama uu ka dhigto la taliyayaashiis qaaska ah, gaar ahaan Janaraal Ilkojiir, Nuuradiin, Muxayadiin cali Yuusuf, Aadan Gaadaale iyo Farjacba..

Puntalnd inshaa’allaah guul ayeynu u rajeynaynaa iyo bulshadoo soo dhaweysa maamulka cusub, lana shaqeysa una duceysa.

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS