SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Talo iyo tusaale ku wajahan Madaxweynaha dawlada Puntland

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxammed korkiisa ha ahaato.

Waxaa mahad leh Allaha marka hore inaga dhigay dad muslim ah, na garansiiyay waxa dad fara badan ay maanta la’yihiin anaga oo ku nool geeska Africa.

Khamiistii bishu ay ahayd 8tii, Janaayo, 2009 waxaa si dimiqraadiyad ah loo doortay Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole in uu noqdo Madaxweynaha Dawlad goboloodka Puntland, sidoo kalena waxaa Madaxweyne ku xigeen loo doortay Gen. Cabdisamad  Cali Shire waxaan leenahay soo dhawaada waana teegeersanahay dawladiina sida wanaagsan lagu soo doortay

Waxaa mudan in la xuso Madaxweyne Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo si dimoqraadiyad ah, kuna dheehan Islaamnimo, u turida dadkiisa iyo dalkiisa xilkii ku wareejiyay guulaystaha jagada Madaxweynanimada taas oo runtii noqonaysa mid taariikhda ay xusi doonto, arintaas oo ay la il daran yihiin dawlado fara badan oo aduunka ka mid ah gaar ahaan Africa

Hadaba dawladan cusub oo ay u taal arimo aad u culus oo u baahan siyaasad iyo khibrad dheeri ah ayaa waxaa ka mid ah

  1. Gobolada maqan sida Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay gacanta Somaliland hada ku jirto kuwaas oo aan indhaha laga qabsan karin maadaama ay ka mid yihiin deegaan iyo wada dhalashaba reer Puntland, hadaba taas ayaa noqon karta mid iyana aad looga fiirsado iyada oo ay adag tahay in la soo celiyo iyada oo aan dhiig ku daadan.  
     
  2. Burcad badeed sabab u noqotay in ay aduunka u soo dirsadaan maraakiib dagaal taas oo keeni karta khatar ku wajahan reer Puntland iyo sidii arintan loo majo bixin lahaa.  
     
  3. Beelaha iska dhex arki waayay golaha wakiilada kuwaas oo eegaya bal hadana sida laga yeelo dawlada la soo dhisayo inta xubnood ama wasaaradood ay ku yeeshaan taas oo keeni karta qanaaco iyo kalsoonidii beelahaas, hadii sidii caadada ahayd hadana la hilmaamo oo aan waxba laga soo qaadin taas oo keeni karta durbaba in dawlada Dr. Cabiraxmaan lagala noqdo kalsoonidii iyo taageeradii shacabka. Taas oo ah mid u baahan ka fiirsi xeel dheer ayaa si fiican isha loogu hayaa maalmaha soo socda sida wax laga yeelo oo arintan loo xaliyo. 
     
  4. Soomaali weyn oo baadi goob ugu jirto sidii mar uun ay u unkami lahaayeen dawlad lagu kalsoonaado oo ku soo dabaasha dalka iyo dadka nabad iyo hurumar, taas oo laga yaabo in Puntland lagaga daydo ama Puntland in ay noqoto halkii laga hagi lahaa Soomaali oo dhan ayaa ah arimaha kale ee sida fiican iyana dusha looga eegayo 
     
  5. Dawladaha waaweyn ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa waxa ay tusaale fiican u tahay sida quruxda badan ay uga hirgashay dimoqraadiyada kuwaas oo tusaale u soo qaadan doona Puntland si wax uun looga qabto halkan lagu beelay maal iyo nafba. Taas oo aan shaki ku jirin in Puntland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya maamul iyo talana ay xaq u leedahay in lagala tashado ama ay wado hagaanka Soomaaliya. 

Madaxeynaha iyo maamulkiisa waxaan u soo jeedin lahaa in uu abuuro golo la tashi kuwaas oo ka kala imaanaya qaybaha kala duwan ee mujtamaca reer Puntland ugu yaraan hal xubin qayb kasta.

  1. Culumaa’udiinka -----------------------------------------------------> 1 Xubin
  2. Aqoonyahanada -----------------------------------------------------> 1 Xubin
  3. Isimada --------------------------------------------------------------> 1 Xubin
  4. Ganacsatada ---------------------------------------------------------> 1 Xubin
  5. Xirfadlayaasha -------------------------------------------------------> 1 Xubin
  6. Dumarka --------------------------------------------------------------> 1 Xubin
  7. Dhalinyarada ----------------------------------------------------------> 1 Xubin
  8. Beelaha laga tirada badan yahay-------------------------------------> 1 Xubin
  9. Naafada, iyo dadka lixdooda lixaad la -------------------------------> 1 Xubin
  10. Iyo hadii ay jiraan qaybo kale oo aanan sheegin -------------------> 1 Xubin

Marka uu madaxweynaha la tashado qaybahan kala duwan ee mujtamaca reer Puntland waxaa u soo baxaya arimo badan oo u keeni kara in uu ku dhaqaaqo wadadii saxda ahayd sidaasna uu ku gaaro guul degdeg ah

Waxaan Allaah ka rajaynayaa in uu noqdo taladayda mid loola jeedo ALLE dartii si ay u noqota hadii la qaato mid keenta guul

Waxaa kale oo aan ALLAAH uga baryay hadii la qaato in taladan in uu ka dhigo mid barakaysan oo waxtar leh,  
 

Qore: Abu Cabdullahi Mohamed Ahmed

abucabdullaahi@gmail.com 


:::Saxansaxada Cadaalada Mustaqbalka Puntland -Abu C/lahi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS