SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

HOGGAANKA CUSUB EE LOO DOORTAY PUNTLAND (KII NOOHAGAAGEE NOQO LOO HANWEYNYAHAY)

Sidaan la wada soconno, waxaa maanta oo khamiis ah Jan. 8, 2009ka waxaa lagaga dhawaaqay Garowe oo ah Caasimadda DGPL Madaxweyne iyo Madax-weyne Ku-xigeen cusub oo ka soo dhexbaxay 30Musharrax oo u tartamayey labadaas jago.

Muddo 4 sannadood ah oo u dhiganta 40 sano oo Pl ku jirtay dib u dhac weyn iyo dhabaatooyin wadasaameeyey dalka ayaa Alle laga rajaynayaa in aankaga bogsoonno isbeddelka iyo Madaxda cusub eela doortay, inshaa allaah, waxaana ugu baaqayaabulshoweynta dulmanayaasha ahaa ee reer Puntland,walaalayaal waa bishaaree bilkheyr dhaha.

Waxaan u dirayaa Hoggaanka cusub ee Puntland hambalyo iyo bogaadin, waxaana Allaah (swt)ka baryayaa in sida ay mas'uuliyiintaasi ugu farxeenmaskabka adduun ee ay ku guuleysteen maanta ayugu farxaan in ay si daacadnimo ah ugu adeegaanummadda xilka ammaanada ah ku aamintay unadooratay.

Waxaan walaalahaygaas madaxdayda ah ugu duceynayaa in Eebbe u fudeeyo xilka culus ee dusha loo saaray, siiyo caafimaad iyo nabad ay waajibaadkooda ku fushadaan, siiyo iimaanbuuxa, aragti dheer iyo taxaddar ay ku ilaaliyaanhantida dadka, dhaqsona ugu guuleystaan wax-qabad muuqda oo loo aayo inshaa Allaah.

Ku shaqeeya talo midaysan kor iyo hoos iyo go'aanqaadasho aad loo shaandheeyey, iskana ilaaliya weligiin (HARGO MARAN SIDE, HAWLI KAMA TEGIN, HABAARNA U DHEER).

Baahiyo badan oo isbiirsaday oo aan la soo koobikarin ayaa jira, una baahan in loo hawgalo, loonakala hormariyo mudnaanta ay kala leeyihiin aynaugu horreyso nabadgelyada oo cagadhigata dhanwalba, iyo in la isla doono midnimadii Pl, waxaana lagaga xilbeeli karaa Golayaasha MGPL oo loo xulo, lagana hawlgeliyo dad karti shaqo, aqoon iyo waayo aragnimo leh, daacadna ah oo aan seexan ee har iyo habeen hawl heegan u ah, uuna dhan walba ka hareynayo kormeer joogto ah iyo hubin madaxda sare sameyso.

Ha jiro qorshe hawleed tifaftiran, dishibiliin, xisaabtan guud iyo isxisaabin, waana in lagushaqeeyo (nimaan shaqaysan, shaah waa kaxaaraan), hawl baana horuumar leh.Shaqada ha lagu bixiyo maxaad taqaan ee yaanla tixgelin ayaad taqaan, musuqmaasuqana haloo aqoonsado cadoowgeenna koowaad, sinnaan-ta iyo caddaaladduna haka hanaqaaddo Pl.

Halla hubiyo tuhunka sheegaaya in ay jiraan dad aan meelna ka shaqayn, dhammaadka bishana uxaadira mushaar, taasina waa curyaamin dhaqaale iyo dulmi loo geystay umadda.Qaybaha bulsha waxaa la gudboon in ay si wadajirah u soo dhoweeyaan madaxdeenna aan doorannay,la shaqeeyaan, kuna biiriyaan wax kasta oo talo iyo tabar ah, kuna dhiirrigeliyaan shaqadooda iyo sidiidhaqso horumar loogu gaarilahaa.

Shacabka oo ah dawladda runta ah oo wax kasta xukuumaddu marti ugu tahay waa in ay kaalintooda buuxiyaan, waana in ay gartaan in aan wax kasta dawladda laga sugin, laguna fiirsan, hore ayaana loo yiri (HADDAAN BIDIXDU MIDIG TIIRINHAY TAHAR MAGOYSEENE).

Aan yeelanno dulqaad iyo sabbur inta xukuumaddacusubi ka mirodhalineyso himaladeeda u qorsheysan. Aan ka xishoonno oo iska deyno dhaqso u dhaliilid, fadhikudirirka, xanta, waxaa la yiri,yuu yahay, ceebo abuuridda, faalleynta dawladda goobaha qayilaadda iyo wax kasta oo dhaqan xumonoqon kara, fidmona horseed u noqon kara oo Soomaalida qaarkeed shaqada ka dhigato.

FIIRO GAARO

- Maamulku tixgelin weyn iyo fiiro gaar ah ha siiyo dib u soo nooleyntaniyadjabkii ku dhacay.

- halaga hortago oo halla joojiyo waxaloogu yeero tahriibta, sharafdarraddiiinnaga raacdayna waa in Puntland kabogsato.

- hallaga fekero sidaan uga dawoobilahayn burcad-badeedda caalamigaee ay ka abuuraantay burcad-badeedaSoomaaliya.

- waa in aan miyir iyo maareyn u helloburcadda kheyraadka dhulka (macdanta) oo la daldalayo, lagana war hayn cidda ku hawllan, meesha ay ku socoto iyo waxay ugu taal dalka dadka.

- Maamulku haka dabatago waxa ka heshiisyadii hore loo galay oo dhan,gaar ahaan soo saaridda macadantaiyo shiidaalka, macjarka, dekedda iyoairboorka Boosaaso.

- halla xoreeyo saxaafadda runta ah.ee garanaysa waajibaadkeeda.

WABBILLAAHI TAWFIIQWQ,

Muuse Xaaji Abees

Email (abees11@yahoo.com)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS