SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

HAMBALYO, BOGAADIN, TALOOYIN IYO TUSAALAYN

Assallaamu caleykum wr wbr

Mudane madaxweyne marka hore waxaad iga gudoontaa salaanta islaamka. Salaan ka bacdi waxaan halkan kuugu hambalyeynayaa xilka madaxweynenimo ee laguu doortay. Waxaana Alle subxaanahu watacaalla kaaga baryayaa inuu kuu fududeeyo, kuna waafajiyo sida ugu haboon ee aad u gudan karto masuuliyaddan weyn ee laguu xilsaaray. Waxaadna ogaataa xadiiskii rasuulka(scw) ee ahaa " kulukum raaci, waa kululkum mas,uul can raciyatihi". Xikmada guud ee xadiiska laga fahamayana ay tahay in qof walba aakhiro la weydiinayo wixii uu mas,uuliyadooda qaaday.

Mudane madaxweyne haddii aan intaa uga soo gudbo hambalyada iyo bogaadinta ayaan waxaan jeclaan lahaa in aan kuu soo jeediyo dhowr talooyin oo wax ku ool ah.

Mudane madaxweyne waxaan kugula talinayaa talooyinka soo socda ee fadlan si fiican ugu fiirso.

Mudane madaxweyne iska ilaali inaad raacdo wadooyinkii hore ee ay qaadeen raggii kaa horeeyey nooceey doontaba ha ahaate, waayo raggaasi fashil bey ku dambeeyey ummaddiina waa baabi,iyeen.

Mudane madaxweyne ka fiirso ragga aad xilka u dhiiban doonto. Ogsoonoowna iyagaa sumcaada iyo himiladaada kor u qaadi kara amase hoos u dhigi kara. Mas,uuliyiinta aa dooran doontana fadlan ku dooro kartidooda, aqoontooda, amaanadooda iyo diintooda.

Mudane madaxweyne waxaan kaaga digayaa nin jecleysiga, sedbursiga iyo caddaalad darrada. Ogsoonoowna taasi waa waxa halkaa soomaaliya dhigaye.

Mudane madaxweyne waxaan aad kuugu boorinayaa, inaad wax weyn aad ka bedesho, amniga, dhaqaalaha, caafimaadka, mashaariicda horumarinta reer miyiga, xaalufinta deegaanka, jirriifka, burcad badeedda iyo tahriibka, mashaariicda dhiraynta iyo wadoooyinka magaalooyinka iyo ugu dambeyn ka shaqaynta soo jiidashada deeganaada sool, sanaag iyo cayn.

Mudane madaxweyne ogsoonoow inaad tahay, nin wax soo bartay oo aadan ahayn nin askari ah oo amar inuu qaato mooyee aan wax maamul iyo maareynba waxba ka garanayn. Waana fursad weyne ee ka faa, iideyso.

Mudane madaxweyne iska ilaali dhagarta ay itoobiya iyo shisheeyuhu u maleegayaan umaddeena, taas oo ah qaybi oo u tali. Fadlan yaan marnaba umadda soomaaliyeed laguu tusin in qayb ka mid ah ay tahay cadowgaaga. Waxaadna ku dadaashaa sidii soomaaliya dhibka ay ku jirto looga saari lahaa.

Mudane madaxweyne waxaa ogsoonataa in ay jiraan aqoonyahano iyo jaaliyado badan oo asal ahaan kasoo jeeda deegaanada puntland, aadna u xiiseynaya amase rajeynaya inuu isbeddel wax ku ool ah uu ka dhaco puntland.


Ugu dambeyntii waxaan kuu rajeynayaa kheyr, wanaag iyo in Alle(swt) kula garab galo hawsha aad dhabarka u dhigatay.


Wabillaahi towfeeq

Mohamad Yusuf Muse

Copenhagen, Denmark

abuyonis114@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS