SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

KA DAF OO KA TAG: SIRTA SIYAASIYIINTA SOOMAALIYEED!

Aduunka aan ku nool nahay waxaa jira qawaaniin iyo sharciyo ay dajisteen Dowladaha dunnida oo ku dhowaad ah 200 oo dowladood. Dowladahaan waxaa hogaamiya una ilaaliya sharciyadaasi hogaamiyaal iyo siyaasiyiin ay matalaan dadkooda iyo dalkooda.Wadan kasta ee aduunka hormarkiisa wuxuu ku xiranyahay sida hufan ay u shaqeeyaan hormuudka wadanka iyo hay’adaha dowladda. Hadaba siyaasigu muxuu yahay? Yuu se siyaasi u yahay?

Dhabahaanti siyaasiga waa midka ka saara ummadiisa dhibka, kana damqada xanuunka, gaajada, cudurada, dagaalada iyo jahliga ummadiisa ku habsada. Waa midka u jiheeya umadiisa dhinaca hormarka kana saara gudcurka, kana fekera habeen iyo maalin sidii uga dhigi lahaa dadkiisa mid la jaanqaada dadyawga kale ee Aduunka. Waxaa adduunka jira hogaamiyaal markii xukunka qabsanayeen xeerka dhaqaale iyo kan siyaasi wadankooda aad u liitay; balse markii ay xukunka lawareegeen wax wayn ka bedelay wadankooda. Tusaale, wadanka Malaysia dhaqaalihiisa wuxuu ku tiirsanaan jiray beeraha maantay wuxuu ku tiirsanyahay warshadaha iyo Technologiyada; waxaa u sabab ahaa madaxwaynihii hore ee waddankaasi Mahatir Mohamed oo wadanka ka dhigay mid dhaqaalihiisu ku tiirsanyahay warshadaha (Industrial country) halkii markii hore ka ahaa mid dhanka beeraha ku tiirasan, dadkiina isu bedelay xirfadlayaal (Professionals).

Siyaasiga Soomaaliyeed ma waxaan dhihi karnaa wuxuu siyaasi ku yahay “Imisa Tikniko buu hestaa? Imisa qof buu dilay? Wadankeebu saaxiib la yahay? Ma reer Galbeed mise reer Beri?. Qoladee buu yahay? Ma laandheere mise laan gaab? Jeebka ma buuxin karaa mise maya? Shaqsiga siyaasiga ah waa midka buuxin kara shuruudaha ka yaala siyaasinimada, ahna nin u jajaban hogaamita ummadiisa. Micno ma samaynayso in aad uga sheekaysid dadkaada “aniga waxaa itaageersan wadan hebel ama Urur hebel” waxaa siyaasi u tahay qancina kaaga baahan kuwa aad beenta u sheegayso. Siyaasadu waxay leedahay dan joogto ah ee ma lahan saaxiib joogto ah iyo cadow joogto ah.!

Siyaasi wuxuu siyaasi u yahay dad iyo wadan. Wadamada qaar waxay ku gorgortomaan baaxadda wayn ee dhulkooda, khayraadka dabiicga ah ee ku kaydasan, xeebahooda iyo naflayda ku nool, kaynta wadanka iyo duurjoogta ku nool. Intaasi waxaa sii dheer waa ilaha dhaqaale ee wadanka ku kobci karo. Tusaale waxaa inoogu filan wadanka Ruushka iyo wadamo kale tiro badan. Ruushka waa wadanka ugu dhulbalaaran dunida lehna kharaad dabiic ah gaar ahaan kuwa loo adeegsado warshadaha (raw materials), saliida dunida iyo gas-ka Boqolkiiba Labaatan (20%) waxaa laga soo saaraa wadankaas.
Wadamada qaarna malahan khayraad intaa la eg, hadana waa kuwa aduunka ugu hormarsan dhaqaale ahaan. Switzerland waa wadan yar oo ku yaala qaaradda Yurub; dadyaw badan oo aduunka ah ayaa uqutul yoon taga oo ay Soomaalidu kamid tahay qowmiyahada ku nool wadankaas. Waxaa sidaa ka dhigay waa dadkeeda iyo siyaasiyiinta hogaamisa wadanka.

Siyaasiga Soomaaliyeed ma wuxuu siyaasi u yahay wadan dhirtiisa dollar lagu bedeshay? Siyaasiga soomaaliyeed ma wuxuu siyaasi u yahay wadan goobihii ugu bilicda wanaagsanaan jiray laga iibiyo dowlade kale? Sida Hotel Curubo iyo Hotel Jubba. Ma wuxuu siyaasi u yahay dad intooda badan qaxootinimo ku nool intii hartayna kala noqday kuwo badda ku haraqada iyo kuwo wadaka gudihiisa xabadi ku dhammaysay; bukaankuna buux dhaafiyay Cisbitaalada ,dhakhaatiir la’aantuna usii dheertahay?. Ma wuxuu siyaasi u yahay Wadan xeebtiisa lagu daadiyo sunta Warshadaha iyo tan Nuclear-ka oo waliba ay ku hardamayaan quwado shisheeye, kuna soo gabaday ladagaalan Burcad Badeed?. Xeebta Soomaaliyeed waxay u ogoomowday sidii ilihii dhaqaale ee kale wadanka. Siyaasigu wuxuu siyaasi u yahay dad iyo wadan wada jira. Wadan manaafacaadkiisa laga faa’idaysanayo lagana difaacayo dadka usoo tafa xaydanaya,iyo dad dareensan manaafacaadka wadakooda.

Siyaasiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in uu akhriyo wixii tagay (Past) fahmaana wax soo socda (Future) lana jaan qado isbedellada aduunka. Soomaaliya maantay waxay u bisishahay isbedel dhinac kasta ah ,gaar ahaan hogaaminta. Sidaa darteed waxaan ku talinayaa in la helo siyaasi cusub oo aan lagu arag saaxada siyaasadda Soomaliyeed, kuna firfircoon hogaaminta, lehna aqoonteeda iyada oo aan la dhehaynin Yuu yahay? Balse la iswaydiyo muxuu yaqaana? Kartidiisuse maxay tahay? .Dhaqanka siyaasinta Soomaaliyeed waa mid ku salaysan ku qaraabasho magaca dad iyo wadan aan faraba lagu hayn,intooda badanna waxaa ay ku midaysan yihiin fikradda ah KA DAF OO KA DHOOF.! Sidaa darteed jiilka cusub ee waxbartay waxaa la gudboon in ay ka hortagaan dhaqaakaas ayna iska ilaaliyaan wadada ay ku socdaan kuwa manta horbooda ummadda.

By: CABDULQADIR SULAYMAAN
sabriye04@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS