Islaamka iyo sumcadda
Bismillaahi.
Magaca Allaah kadib, waxaan jeclahay inaan
halkan ku xuso erayo kooban, oo ku saabsan
sumcadda muslimiinta ee luntay, qaababka ay ku
luntay, sida lagu daba qabankaro, iyo waddada ku
habboon ee loo qaadayo baadigoobka arintaas.
Sumcaddu: waa karaamada iyo sharafta shay
kastaa huwan yahay, waxna ku yahay, haddii ay
dhaawacanto ama luntana martabaddiisii hoos u
dhacayso. (micne kale oo sumcaddu leedahay
hadduu jiro hadda uma jeedno qasadkeennu waa
micnahaas karaamada iyo sharafta ah).
Kuma koobna sumcaddu dadka oo kaliya, ee shay
kastaa sumcad ayuu leeyahay, sida badeecadaha
kala duwan, shirkadaha, xoolaha nool, mabaadida
i.w.m. mid kastaa haddii dhaawac gaaro waxay
dhimaysaa xiisihii loo qabay, qof masuul ahi
hadduu ku tunto anshixii martabaddiisa ku
habboonaa waa waayayaa jagadiisa, intaan la
cayrinna dammiirkiisaa faraya inuu is casilo,
waa hadduu yahay mid damqasho ku jirto.
Carabta iyo sumcadda:
Carabtii asalka hayd waa dad nolosha ku
miizaami jiray wax ka duwan waxa ay ku
miizaamaan ummadaha kale, carabtu waa dad faan
iyo tookh jecel, kuna faani jiray: geesinimmada,
deeqsinnimada, aftahammada iw.m. sidaa darted
waxaan oran karnaa waxay ahaayeen dad sumcad
jecel, dagaalkii Beder markay usoo baxeen,
ogaadeenna in hantidoodii Abuu sufyaan waday ay
soo badbaadday, dib uma aysan noqon ee waa kuwii
yiri : “Wallaahi ma noqonayno ilaa aano Beder ku
hilbo qalanno!!, fannaaniintuna noo heesaan!!,
carabina ku sheekaysato wacdarradaanu dhignay!!!”.
Sumcadda ay ilaashan jireen mid xaq ah iyo
mid baadil ah intaba waa isugu jirtay,
nabigeennuna sallalaahu calayhi wasallama wuxuu
yiri: waxaa la iisoo saaray inaan dhammaystiro
akhlaaqda teeda suubban”. Taasoo sumcaddu qayb
ka tahay.
Mabaadida iyo shakhsiyaadka xanbaarsan:
Shaki kuma jiro in mabaadida iyo dadka ku
baaqayaa ay lagama maarmaan tahay inay ku
tilmaamannaadaan sifooyin dadka wax-garadka ahi
aqbali karo, si looga miro dhaliyo ujeeddooyinka
laga leeyahay baaqaas.
Halkudhigyada, dadka xanbaarsan, waddoooyinka
la qaadayo intuba waa inay turxaan-baxsan yihiin
haddii la quuddaraynayo miro wanaagsan iyo guul
lagu taami karo.
Nabigeenna iyo Sumcadda (Muruu’ada):
Akhlaaq kasta oo shakhsi lagu ammaano
nabigeenna sallallaahu calayhi wasallama qaddar
cidna aysan kula loolami karin baa Allaah ka
siiyey, wuxuuna ku tilmaamay suuradda Al-qalam “
Adigu waxaad ku sugan tahay Akhlaaq weyni badan”.
Waana arin Allaah uu kusoo barbaariyey tan
iyo yaraantiisii, oo bulshadiisa qof maamuus ku
leh ayuu ahaa, arintaana magacyo qiimo leh ayuu
ku mutaystay sida: Muxammad Al-ammiin.
Hadalkiisa iyo ficilkiisa, la dhaqanka
ehelkiisa, deriskiisa, bulshada guud ahaan waxay
wada ahaayeen kuwo qiimo iyo qaddarin uu ku muto.
Markii IQRA lagu soo dejiyey ee uu Khadiija
ku yiri “Naftayda ayaan u baqay” sida bukhaari
ku sugan, waxay tiri “ ma jirto, wallaahi
inuusan Allaah ku hoojinayn!! Waxaad tahay mid
qaraabada xiriiriya, culayska xanbaara, waxa la
waayo keena, martida soora, xaqana garab istaaga”.
Carabta miizaankeedu kaas ayuu ahaa, in qofkii
dhaqankaas ku sifaysan uusan baylah noqonayn,
bulshadana taageero ka waayeyn, maxaa yeelay?
Sumcaddiisaa meel sare gaartay.
Haddii nabigu sallalaahu calayhi wasallama
isu taagay gudashada waajibka risaalada, waa
lagama maarmaan inaan turxaan laga helin,
dhaqankii suubbanaana uusan garab marin, si
ummadaha kala duwan ee uu wajahayaa aysan u
durin, Allaah waa ku garab galay arintaa dheef
weyna waa kaga galladaystay, marna cadawgu
kagama gar helin sumcad xumo iyo wax kale toona.
Carbintii saxaabada:
Leylintii heerka sarraysay ee nabigu
Sallalaahu calayhi wasallama leyliyey
saxaabadiisa, qayb weyn ayey kaga jirtay
ilaalinta sumcaddu, taasoo saamaynaysay dhammaan
qaybaha kala duwan ee nolosha, cibaado iyo
dhaqan intaba, waxaan tusaale usoo qaadan karnaa
sidii nabigu uga canaan jiray saxaabada inay
salaadda dadka ku dheereeyaan, iyo inay zakada
marka lasoo uruurinayo xoolaha ishu qabanayso
kasoo xulaan, 1w.m
Dhanka xiriirka caalamiga ah waxaan soo
qaadan karaa sidii nabigu sallalaahu calayhi
wasallama u dhawri jiray heshiisyada la kala
dhigto, sida heshiiskii yahuuddii Madiina uu la
dhigtay, kii Xudaybiya uu Quraysh la dhigtay,
siduu safiirrada u ixtiraami jiray, marna aysan
u dhicin in danjire la dilo, i.w.m
Waddadaas nadiifta ah baa saxaabadu ku
barbaareen markay hogaanka qabteenna ummadda ku
hogaamiyeen, jiilalkii ka danbeeyeyna ku
tarbiyeeyeen.
Sumcadda iyo furashooyinkii dalalka:
Kolkii la bilaabay furashada dhulalkii ka
baxsanaa jaziiradda carbeed, sida Shaam iyo
Ciraaq, Ruum iyo Faaris, iyo dhulalkii
durugsanaa ee Bari iyo Galbeedba xigay,
muslimiintu waxay ula dhaqmeen dadyawgii
dhulalkaa ku dhaqnaa akhlaaq aysan marnaba
filanayn!! maankoodana aan kusoo dhicin!! oo
dhammaan ay soo jiidaynaysay ummadahaas kale,
sida: runta, ammaanada, ballan-oofinta,
caddaaladda i.w.m.
Ummuurahaas oo dhani waxay kor u qaadeen
sumcaddii muslimiinta waxayna suuro gelisay in
ummado kala duwani diintan soo galaan iyagoon
cidna ku khasbin.
Dalal badan oo aan dagaal lagu furan baa jira
oo shakhsiyaad muslimiin ah oo ganacsato ahi
diinta gaarsiiyeen, waxaana u suurogeliyey
dhaqankii wanaagsanaa ee ka muuqday, dalalkaas
waxaa ka mid ah: Indonesia, Malaysia, Thailand,
Cambodia, Philippine, Soomaaliya iyo dalalka
dariska la ah, dhammaan dalalkaas waxaa diinta
gaarsiiyey ganacsato Yemaniyiin ah, maanta waynu
wada aragnaa halka dalalkaasi muslimiinta ka
joogaan iyo qiimaha ay ugu fadhiyaan. Taasna wax
kale ma suuro gelin aan ahayn dhaqankii
wanaagsanaa ee laga arkay ganacsatadaas.
Markhaati-kacii cadawga:
Gaalada kuwooda garsooraa way ka markhaati
kaceen in diinteennu aysan ku faafin seef ee ay
ku faaftay qancin iyo sumcad wanaagsan, dalalka
furashadooda iyo islaamidda dadyawgii laga
adkaaday waxay ahayd laba shay oo kala duwan,
dalalka gacan ayaa lagu furanayey, balse dadka
dhaqanka wanaagsan ayaa lagu hananayey, dalal
badan oo masar ka mid tahay, oo quwadaha dunidu
ku hardameen marar badan, qolana uma suuroobin
inay bedelaan dhaqankii faraacinada, balse
muslimiintu waxay ku guuleeysteen xitaa luqaddii
inay ka bedelaan, sidoo kale gumaysigii reer
yurub kuma guulaysan dalal badan oo uu qabsaday
inuu ka beddelo diintooda, dhaqankooda, iyo
luqqaddooda, maxaa yeelay quwadahaasi waxay
ahaayeen kuwo arxan daran, dhaqankoodana laga
dido, quluubtu ay kahanayso magacooda iyo
muuqoodaba, balse taariikhdu waxay ka markhaati
kacday in muslimiintu sidaa ka beddelnaayeen,
dalal badan oo fardahoodu aysan gaarinna
sumcaddoodu furtay.
Haddaba aynu iswaydiinnee muslimiinta maanta
joogaa sumcad ma leeyihiin? Haddii jawaabtu
tahay maya! Maxaa lumiyey?!!
Waxaan dhihi karnaa arrimo badan oo innagu
aynu gacmaheenna ku kasbannay ayaa sumcaddeennii
wiiqay, halkaana ina dhigay, in dunida saddexaad
la inagu tiriyana ina badday!!! Arrimahaas
waxaan ka tilmaami karnaa kuwan hoos ku xusan:
- Faham xumo
Habdhaqanka dad badan oo islaamka si
khaldan u fahmay, isla markaana isla qumman,
waxay qayb weyn ka tahay sumcad xumada
haysata ummadda muslimiinta, maadaama
dadkaan dhaqankoodu ka tarjumayo in diintu
sidaas qabto, ciddii aan diinta islaamka
aqoon u lahaynna ay eedda islaamka dusha uga
ridayso.
Shiicada iyo suufiyada habdhaqankoodu
meelo badan ayuu ka shabbahaa kiristanka,
hunduuska, buudiga iyo ummado kale,
dhaqammadaas oo noqon kara: Durbaanka oo
lagu cibaadaysto, is-ruxidda, isgaraacidda
shiicada ee 10ka muxarram, nadaafad darrada,
ma shaqaystanimada suufiyada, dilka dadyowga
aan waxba galabsan oo astaan u noqotay
kooxaha takfiirka ah, qarxinta xarumaha
halbawlaha u ah nolosha muslimiinta, dilka
safiirrada gaalada 1.w.m oo xaaraam ku ah
diinteenna balse dad badan la qurux
badnaatay.
- Marjic la’aan:
Waxyaabaha sumcaddeenna xumeeyey waxaa ka
mid ah iyadoo aysan ummadda muslimiintu
maanta qiimo weyn siinin dadka marjica
ummadda u ah, taasoo ay sababo badani
qudheeda keeni karaan. Waxaa dhacaysa in
dadyow muslimiin ahi arrimo ku tallaabsadaan
iyagoon ciddii takhasuska u lahayd aan kala
tashan, ha noqoto inaysan kuba soo dhicin
ama ha noqoto inay ula-kac u yeelaane,
kadibna ay sababto mushkilad lagu
dhaleeceeyo diinteenna.
- Xamaasadda: (Laablakaca)
Xamaasaddu meelo ay ka caagan tahay baa
jira oo aan loo ogolayn inay boos ku yeelato,
waxaana ka mid ah talada iyo goaan gaaridda,
iyo qorshaynta ahdaafta iyo maaraynta
arrimaha murugaysan.
Laablakaca ay ku dhisan yihiin dad badan
oo muslimiinta maanta ka mid ahi waxay
keentaa natiijooyin aan la mahadin,
laablakacaas oo ku laban qaybo badan oo
nolosha bulshada ka mid ah, sida: Tacliinta,
Dacwada, doorinta munkarka, i.w.m iyadoo
maslaxaddii la doonayey mafsaddo ka badani
ay timaaddo marar badan oo hadafka la
beegsanayo waddadiisa aan la qodax tirin,
sidii ku habboonaydna aan looga arrinsan,
taasoo sumcad xumo weyn usoo jiidda bulshada
muslimka ah meelay joogaanba.
- Dabadhilifnimo
Ummadda muslimiinta ah waa kuwo madax
bannaan, maxaa yeelay diin dhammaystiran baa
Allaah ku mannaystay, cibaado, akhlaaq,
hab-ganacsi, arrimo-bulsho, dhaqanka qoyska,
xiriirka caalamiga ah, iw.m ee ummadi ku
istaagto dhammaan waa loo dhammaystiray, uma
baahna inay cid kale ka dhinbil-qaadato,
astaamo madax bannaan baa diinteennu
leedahay, ciido madax bannaan baynu
leennahay, salafkeennii suubbanaa markay
dhaqangeliyeenna ay dunida hogaankeeda
muteen, wax marnaba ina qabta ma aha inaynu
dadyow kale dabadhilif u noqonno, haddii ay
dhacdana sumcad ma yeelan karno, haddii
sumcaddeennu luntana cizi iyo sharaf ma
haweysan karno.
Madax-bannaanidu ma keenayso inaan ka
maaranno wixii kale ee dadyowga kale ina
dheeryihiin ee ku saabsan farsamada ama
maamul wanaaga.
Dabadhilifnimadu meel walba way inaga
gashay, haddii ay tahay manaahijta tacliinta
oo dadyow kale aynu kasoo waaridannay,
habdhaqanka shakhsiga, midka qoyska,
hannaanka dhaqaalaha, garsoorka, siyaasadda,
dhanna uma fiyoobin!!! waxaynu noqonnay dad
koobbi ka ah hadba ciddii dunida ugu itaal
weyn, ama ugu orod badan.
- Gacmo shisheeye
Nabigeenna sallalaahu calayhi wasallama,
wuxuu inoo sheegay inaynu noqon doonno
daad-xoor, aan wax culays ah lahayn,
haybaddeennana laga siibi doono cadowgeenna
quluubtooda.
Haddii taasi dhacday waxay ina
dhaxalsiisay in shisheeyuhu gacanta inagu
hayaan!! Iyagu ina quudiyaan! Dawladdii ay
doonaan inoo dhisaan! Tii ay doonaanna
ridaan!! Madaxweynihii ay rabaan keenaan!!!
Kii ay nacaanna siibaan!!! Maanta nolosha
muslimiintu dhannaba ugama fiyooba gacmo
shisheeye, dal la dhihi karo waa
madaxbannaan yahayna ma jiro!! Haba la is
dhaamo, dadyow la hagaana ma noqon karaan
kuwo sumcad leh.
- xilkasnimo la’aan
qarniyadii muslimiintu dunida
hogaaminayeen waxaa bulshada ku badnayn
xilkasnimada iyo dareenka masuuliyadda, qof
kastaa waxa ku aaddan waa isu xilqaamayey,
duleelka ku beeganna waa buuxinayey, taasoo
sababtay sumcadda muslimiintu inay kor u
kacdo.
Balse markii taa la waayey, anaaniyadu
badatay, xilku uusan cidna dhibin, iskaba
daa wixii umadda ka dhexeeyeye tii gaarka
ahayd la dayacay, waxay ina dhaxalsiisay
inaan noqonno ummad la fududaysto, wax qiimo
ah aan lahayn, maxaa yeelay qofaan isagu
isqiimayn cidna ma qaddarinayso.
Sidee usoo celin karnaa sumcaddeennii luntay?!
Baroori waxba ma tarto, guri dumayna ma
toosiso, qof dhintayna masoo noolayso, waxaa
inala gudboon inaynu dib u amaamudno sidaynu u
toosin lahayn sumcaddeenna dhulka taalla,
taasina waxay ku suuro-geli kartaa laba shay oo
mid saddexeeya aan lahayn: 1- Sababaha sumcadda
keena oo aynu ku sifowno. 2- Inagoo ka fogaanna
wixii sababahaa inay shaqeeyaan hor istaagi kara.
Waxyaabihii todobada ahaa ee aynu ku sheegnay
cadawga sumcadda oo meesha ka baxa, isla mar
ahaantaana lidkood booskooda la dhigaa waa
yagleelid dhammaystiran oo hadafkeennii aynuu
siinnay.
- Si toosan oo shareecada loo fahmo,
iyadoo la qabsanayo fahamkii salafkii
suubbanaa, tallaabo kastoo la qaadayana
sidaa lagu jaangooyo, alleylehe waddo
wanaagsan oo sumcad wanaag horseedi karta
dheh.
- Tallaabo kastoo la qaadayo oo looga
danbeeyo dadka marjica u ah ee takhasuska u
leh, taladoodana la iftiinsado iyadana
wadiiqadii xalka iga dheh.
- Laab-lakaca oo lagu xakameeyo sharciga
iyo caqliga iyadana ifafaalo guuleed dheh!!
- Daba-dhilifnimada oo laga sarriigto,
qofkii laga uriyana la weel-duwo iyadana
dadnimo dheh!!
- Shisheeyaha oo la iska shisheysiiyo
siduu yahayna loola dhaqmo iyadana raganimo
dheh.
- Dareenka masuuliyadda oo bulshada ku
dhex baahda astaan dawladnimo dheh!!!
Intaas baan mawduucan gudaha ballaaran ka
yara iftiiminayaa, wixii aan saxay waa tawfiiq
rabbi, wixii aan khaldayna waa ilduuf aadane.
Mohamed Osman Aadam (Abuuxaazim).
abuuxaazim@hotmail.com