SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barbardhiga, Muqdisho, Boosaso, iyo Hargeysa


Sadexdaan Magaalo ayaa ah Sadex Magaalo oo Soomaaliya ay leedahay, balse waqti xaadirkaan ay kala duwan yihin, Bilihii lasoo dhafay waxan tagay Sadexdaan Magaalo Moddo Toban Sagaal sano kadib markii aan jiray Waxbarasho aan ku soo dhamaystay Kenya, iyo Sudan.

Intii ay jirtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxa kahanad qaaday wadanka dhisida Magaalooyinka balse waa ay kala xawara badnayeen, Gobolada Waqooyi Bari ee hada loogu yeero Puntland ayaa aheyd meel aan kajirin wax dhaqdhaqaaq ah sida dhisida iyo qurxinta magalooyinka Boosaaso, Gorowe, iyo Galkacyo, markii ay sii liiqaysay Dowlada Dhexe ee Soomaaliya waxa loo dhisay Laamiga weyn iyo Tikada laga Magalada Boosaso, markii ay dhacday Dowladii dhexe uu Hogaaminayey Allaha u Naxariistee Madexweyne Siyaad Barre ayaa waxa dhismay gobolada Waqooyi Bari

Reer Waqooyi Bari ayaa waxa lugu tilmaama in ay yihiin qabiil isku beel ah kadib sanadii 1998 waxa ay gareen in ay dhistaan maamul kadibna ay u hanaan qadaan Raadinta Umada Soomaaliyeed, isla waqtigaas waxa la dhistay Maamul loogu magacyeeray Maamul Goboleedka Puntland oo hada loo doorto Madexweynihi Sadexaad Mudane Cabdiraxmaan Mohamed Maxamud Faroole

Magaalada Boosaso waxa ku hareyraysan Booro iyo Bad waxana ay leedahay Air boor kii hore ee Dowladii Soomaaliye ay dhistay dhawaan waxa gacanta laga qaaday Mid cusub, gabi ahan magaalada ayaa dhisan waxana ka socda xawaare ganacsi iyo maamul bilic ahaan muuqda

balse wili waxa jira Musuq maasuq dhanka kutigri falka Maamilyada ka soo gasha Maamulka Dikada iyo Airporka, tani waxa lugu tilmama in ay dhafeysay dhismaha Ciidanka Booliska iyo kuwa Militariga ah sidoo kale waxa ay keentay Sicir barar xoogleh markii horaantii sanadkii 2007 ay soo galeen Mashiino lacagaha lugu sameeyo wili laga koobin gareen jiray Goobaha ay maamusho Dowlada lakinse hada madexweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa ku balan qaaday in uu la dagaali doono

Caasumada Garowe ayaa ah meel ay ka muuqdaan Gawaari aad iyo aad u quruxbadan iyo madexda dowlada Punland, Hay'adaha Samafalka iyo dalxiisayaal badan markaad soo gashid waxad arkaysaa Hotel aad iyo aad u qurux badan, Dad ka Reer puntland ayaa ah kuwa hadal haya Burcad badeeda ka qolaabaysata Xeebaha Puntland iyo Biyaha Caalamiga ah, ayaa ah kuwa aad iyo aad u labisan markaad fariisatid waxa ay isku xifaleeynayaan waxa uu lacagta ka helay mid ka mid ah walaalkis ama qaraabadiis oo ka mid ah Burcad badeeda ama in ay jiraan dibada.

Magacalada Galkacyo waa magaalo meel ka qurux badan meelna ay ka muuqdaan dhibaadadii Dagaalkii 1991-1992 ka socday Gobolka, lakinse waxa hada ka hanaan qaaday Magalada Galkacyo oo aan sidaas u weyneen laba maamul oo lugu magacaabo maamulka Puntland iyo Mudugland labadaan maamul ayaa waxa ka dhaxeya wada shaqeen aan sidaas lugu tilmaami karin mid weyn.

Muqdisho

Magalada Muqdisho oo aheyd Caasumada wadanka Soomaaliya waxa ay ahed Magaalo aad iyo aad u xadaarad badan, Qurux badan intii ay jirtay Dowladi dhexe ee Soomaliya hadase. Horaantii 1991 waxa ka hulaalay Ciidamadii Qaranka iyo Madexweynahoodi Siyaad bare, Gabi ahaan waxa gacanta ku dhigay Jamhadii USC oo uu hogaaminayey Gen. Mohamed Faarax Caydiid, Komanaan kun oo ku sugnaa Caasumada ayaa Filayey in Jamhada ay dhisi doonto Dowlada madaba ay gacanta ku dhigtay magalada Muqdisho, Dhimihii labatan iyo dhoorka sano uu uhoyan jiray Madexweyne Siyaad bare ayaa waxa galay Gen. Caydiid, Raadiyo Muqdisho iyo Television kii ayaa waxa la wareegay Ciidamada Jamhada waxa ka dhex allosmay Mooryaan kuwaas oo bililiqaystay dhamaan hantidii qaranka

1991 - 2009 Maqalada Muqdisho waxa soo marayey Wajiyo kala gadisan ayadoo aan ka nasan Madfaca iyo Xabadaha, aad iyo aad waxa u mushquulsan isbitaalada oo 24 saac loo keeno ugu yaran 10 qof siyaabo kala duwan wax usoo gareen Magalada Muqdisho waxa gacanta ku hayey Dhimashadii Caydiid Hogaamiye Koxeedyo mid kasbaba meel calameystay waxa ay lahayeen awood aysan fileen in marna laga mija xaabin karin hogaankooda iyo meelaha ay ka talinayeen.

2006 aya waxa ka dhex curtay Maxkamadihii Islaamiga waxa ay ahayeen Dufaan sidata Rooxaamo qof kasta oo Soomaali ah ayaa waxa uu sadalinayey Rajo goox badan dad ka Reer Muqdisho ayaa soo dhaweyey waxa ay garan istageen sidii looga taqluusi laha Hogaamiyayaasha, tani waxa ay suurto gal ka dhigtay in ay gacanta u soo gasho dhamaan Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda badan ma aysan lahayn Siyaasad dagan iyo Jawi kafiirsasho mudan tani waxa ay keentay Caga Jugleen ay udirayaan Dowlada Ethiopia

Silama filaan ah ayaa lugu wayey dhamaan Maxkamadihii ka talinayey Muqdisho iyo Dhamaan inta badan Soomaaliya, Hogaamiyaashii Maxkamada ayaa ayagoo Caga cad galay Raas kabooni oo u dhow Magalada Kismayo,

Ciidamada Ethiopia aya galay Wadanka Soomaaliya waxa lugu arkayey Magalada madexda, Gen.ka wata ayaa ku fariistay Kursigii Madextooyada waxana wehliyey Dowlada Magac uyaalka ah Mudo laba sano ah ayeey maamulayeen,

Xili xaadirkaan ayaa waxa ka socda Dagaalo marar isku badala mid diimeed, lakinse wili ma dhamaan dagaalka Muqdisho,

Markii aan ka dagay Magalada Muqdisho waxad arkaysa xaafado laga guuray, waxad ka seexaneen xamada iyo madfaca Cidaacadaha Mahaliga ah ayaa aad oga shekaysanaya Xaalada Soomaliya dad ka waa ay ku mushquul san yihiin ma jirin dhaqdhaqaaq caalimi ah qof kasta waa uu baqya in uu samiyo ganacsi balaaran halka inta lacagta badan laheyd ay u firdhadeen wadama jaarka ay yihin sida Jabuti iyo Kenya

Bilicda Magalada Muqdisho ayaa ah mid aad u liidata waxa ka jira Bur bur aad u balaaran mana jirto Dowlada ka shaqaysa Gabi ahaan waxa xirmay Iskulaadkii.

Hargeysa. Magalada Hargeysa waa Magaalo aad iyo aad u qurux badan, dhexbartamaha Magalada ayaan ku arkay Diyaarad weyn waxan weydiiyey mid ka mid ah Wariyaasha Diyaarada isagoo igu sheegay in ay tahay Calamad lama ilawaan ah markii uu igu micniyey Tani waa diyaaradi lugu duqeeyey, Wariyaha iyo odayaal aan kadib weydiiyey ayaa igu sharaxay wili lama arag diyaarad ka kacday Magaladeedi duqaysay Isla magalaaladii.

Dadka Reer Hargeysa ayaa asaastay burburkii inta ay Soomaaliya Gubanaysay Maamul Goboleed kadibna waxa ay Raadsheen sidii ay u goosan lahayeen waxana ay labaxeen Soomaaliland, Dad ka Reer Soomaaliland ayaa ku riyoonaya in ay mar hili doonaan Madexbanaani iyo in ay Beesha Caalamka ay ictiraafto, hadii ay tani soorto gasho waxa ay noqonaysa himilada Reer Soomaali land ay heli doonto

Magalada Heyraysa ayaa waxa ka dhisan Daaro aad iyo ad u qurux badan wadooyin iyo ganacsi xaware badan waxa ka jira Gudaha Soomaaliland Xisbiyo tiro badan waxana ka howlagala Cidaacadaha FM ka, waxad arkaysa Taraafik tagan Wadooyinka iyo kashaqeynta Saldhigyada Booliska


Dadka kala daga Boosaso, Muqdisho, Hargeysa ayaa ah dad kala duwan dhanka ahaanka Nabada Dadka Boosaso iyo hargeysa ayan isku misamay in ay yihin dad aan jecleen dhibaatada oo jecel in ay helaan maamul ha xumaado ama hasamanadee, halka ay Muqdisho ay ka jiraan dad hanaaka Nabada aan jecleen mana jirto maamul ka hirgalay halkaas tani waxa ay keentay in aan ku tilmaamo in ay ka jiraan dhismayaal iyo Qurxin Maamulo Labada Muumul ee Soomaaliland iyo Puntland halka ay Reer Muqdisho ay hada ku hoydaan Raraasta, Qaraxyada, iyo Xasilooni darida waxan Jeclaan laha in ay ku daydaan labada Maamul ee wacan kudayashada waxan u soo jeedinaya in ay dhistaan maamul lamid ah kuwa walaalahood


Hadii aan is barbardhigo labada Magaalo ee Boosaso iyo hargeysa ayaan oranaya Hargeysa ayaa quruxbadan halka ay boosaso ay hada soo barbaarayso kuna socdaan dhismayaal horle iyo maal gashi halka Magalada Muqdisho ay muran ka taagan yahay dhisma iska dayee Nabada

Mohamed Ali Maslah
Nairob-Kenya

ilkacase461@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS