SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DAMACA AABASIINIYA IYO DHULKII FILKA WAYNAA EE SOOMAALIYEED Hooy! doqoneey itoobiya kaamatagin

Ilaahay baa iska leh mahad dhamaanteed,waxaan halkan kusoo gudbinayaa fariin kusocota inta siyaasada ku jirta guud ahaan gaar ahaan culimo udiinka soomaaliyeed iyo shacabka somaaliyeed dhamaanba. waxaan in yar idin xasuusinayaa waxaad ogtihiin.

ABASIINIYA itoobiyaan ama xaaro

Waa dal daris wadaag aynu nahay,ku xeel dheer arimaha diinta kiristanka oo dalkooda ka hirgashay tariikhdu markay ahayd 100 oo ay soo gashay diinta masiixiga ee kirsitiyaanka ah,kahorna waxaa ka jiray diimo iyo boqortooyo ilaa xiligii nabi suleeymaan oo boqoradii xukumaysay itoobiya balqisa laga sheekeeyay.waa dad leh aqoon ah sida wax loo guumaysto oo carab guumaystay in kabadan qarni,abraham oo yaman fadhigiisu ahaa ilaa uu kacbadii alle kuduulay quraankaa kawaramaya asxaabu fiil oo ah kooxdii maroodiyada.

Damacooda dhulbalaarsi maha mid sahlan waxa ayse aamin sanyihiin in xeebaha soomaaliya ay lawareegaan,damacooduna waxa uu xoogaystay xiligii xayle salaase oo uu damcay in aan kiristiyaanku ama gumaysigii cadaa ee aydiinta wadaageen itoobiyaanka uu ku wareejiyo xeebaha soomaaliyeed halka uu ku wareejiyay uun dhulka bariga ah ee looyaqaan OGADENIYA AMA SOOMAALI GALBEED.

Xagrabi iyo soomaalida oo xiliyadaa siwada jir ah isaga difaacday ayaan kubad baadnay oo ku helay xoriyad iyo madaxbanaani 1960kii.waligeedba waxa hortaagnaa itoobiyaanka geesiyaal quursi diiday oo soomaaliyeed oo lamari waayay reer galbeedna ka quustay oo wado cad kamaray.IMAAM AXMED GUREY,SAYID MAXAMED CABDULLE, SIYAAD BARE.S.Y.L XISBIGII DHALINYARADA SOOMAALIYEED. itoobiya waxay taqaan inay reer galbeed xod xodoto oo ay kubarido arimo diineed,halkaasay kaheshaa garab iyo dhaqaale.

Waxay soomaaliya soo gashay iyadoo kafaa iidaysanaysa oo boondhka isku qarinaysa nidaamkii waalaa ee argagixiso ladirir loogu magacdaray ee maraykanka iyo reer galbeedku wadeen ee bilawday 1991 gaar ahaan.waxay baarinimo umuu jinaysaa iyo dhago nugeeyl danaha reer galbeedka ayadoo diin usii maraysa laakiin hoosta ku haysata arimo gumaysi iyo dhuldoon taasoo reer galbeedku aanu xiiso u haynin waxna ka qabin haday awoodo itoobiyo iny sidaa fushato.Falsafada itoobiya ayaa waxay tahay in dadkuna yihiin itoobiyaan waagii islaamku soogalay soomaaliya la islaamiyay oo sidaa ku diidan itoobiyaanimada dhulka iyo dadkaba inay leeyihiin bay isu sheegaan oo waa falsafad fog oo larabo in lagu mooro doogo oo lagu dhaxlo dhulka iyo dadka soomaaliyeed ee filka wayn ilaa qarniyadii faraaciyiinta ee la oran jiray dhulkii punt ama fooxo iyo beeyada iyo uduga.

DHAMAADKA WAXAY KU SHEEGEEN ARGAGIXISO LADIRIR MASHRUUCII AHAA.

Waxa dhamaaday danihii guracnaa ee baasaa ee gaalka qooqay keenay kaasoo shaydaan kushaqaysanayay.intuu hareerihiisa eegay wax rag iyo hubyaala ayuu is yiri malaha cirka iyo dhulkaba adaa iska leh,dabadeedna dadyaw dhulkoodii jooga oo aan waxba galabsan ayuu duunyo iyo dadba xaaqay gaalkaa qooqay.calaamooyinka yaabka leh markaan ufiirsano gaalo oo dhan meel ay joogaanba intuu u qayshaday wuxuu hub iyo rag hayayna isugu geeyay ayaa xaafad kamid ah baqdaad laga saari waayay wilishii lahaa oo qoryo fudud haysta bal calaamadaa daya dadoow!!.xikmaa kusugnaatay halkaa oo ah aduunyadan nina ma qooqi karo alaa iska leh cirka dhulka iyo samaawaadka iyo waxa kusugan kiisa xadkiisa soo dhaafa ee kibra ilay is arkayaan.

Waxyaabaha inoogu filan ayaad iyo cilmi ku qaadasho waxaa kamid ah war baldaya sida gaalkii qooqay loo duleeyay oo loo qabjabiyay ninkii islahaa adaa aduun usareeya oo aanba cagaha dhulka ku haynin ayaa waxa lagu soo saaray oo xukunkii isagoo dulaysan uu ku wareejiyay gaban yaroo madaw!! oo uu uhaysto in loo abuuray in uu ninka cad u shaqeeyo ama uusan ahayn mid ufikiri kara sida aadamaha ama cadaanka oo aan xil qaadiba karin,kiibaa ilaahay ku yiri utiri xilka,kolkaasuu uqaadan waayay!! toolaayeey ayuu yiri asagoo kufaanaya cadaanka aqoontooda,hubkooda,tiradooda ayuu liqi waayay in xilka uu ku wareejiyo midaan gayin.xigmadaa waxay tahay ayad oo ilaahay waxa uu quraanka kusheegay ninkuu doonuu waxsiiyaa ninkuu doonuu boqonimada iyo madaxnimada iyo cisiga iyo sharafka siiyaa kuudoonuu duleeyaa isagaa awooda leh.cadaanku haday wax kasayaan bush marka uu arlada fasaadinayay ayay qaban lahaayeen haday waxkasayaan,makra siyaaso uguma aysan dhiibin gabanka madaw ee inagaa ilaahay wax inagu barayaa aduunkana alaa iska leh maha kasmo cadaankatimid.

Mowduucii baan kayara dheeliyay,Abasiiniya waxay hada raacday dhamaadka mashruucii argagixiso ladirirka ahaa sidaasaa keentay inay kabaxdo dalka soomaaliya oo cidina hada uma heelana lacag kubixin mashruucaas,marka laga reebo geesiyada soomaaliyeed ee culimada diinta ah ee hurdada udiiday waligoodna udiidi jiray in jirleeyda.waxayse hada maleegaysaa itoobiya codsiyo ah in arinta soomaaliya loo eego si gaara maadaama uu dhamaaday argagixiso ladirirkii arintan in laga dhigo mid gaara oo hada soomaaliya waxa lawareegay badalkayaqii markaan kasoo baxnay bay dhaheen itoobiyaanku wadaado xag jir ah oo khatar ku haya jiritaanka itoobiya iyo geeska afrikaba.waxaay aad u qalqaalinyaan reer galbeedka gaar ahaan marykanka oo ay farta uugu fiiqayaan wadaadada oo ay been iyo waxaan jirin dhoob dhoobayaan.kol haday sidaa tahay waxay rajo ka qabaan in marlabaad lagu siiyo dhaqaale ay kusoo galaan soomaaliya siyaasad ahaana lagu taageero.

CULIMADA QIIMAHALEH EE SOOMAALIYEED EE DIIDAY GUUMAYSIGOOW MAXAA XAL AH

Kolhaday itoobiyo ina iibinayso oo reer galbeed inagu dirayso waa in aan la nimaadnaa xeel intaa ka fog madama damaca itoobiya uu yahay dhaxal wareejin in dalka laynaga qaado dadkeenana la bahdalo oo la adoon sado,iyadoo loomarayo in dadkeena laysku diro dhexdiisa deedna maskaxda laynaga dilo.madama aan hada hayno soomaali kuleh itoobiyaankaan rabaa ama soomaali adoo ah ayaan kaa jeclahay,sidaa weeye sida laynagu dilayo maha uun xoog mana aha wax dag dag ah oo itoobiyaanku waa dad sabirbadan oo waa arin si aayara usoconaysa ilaa 70 sanadood iyo kabadan hada midhihii baa labeerayaa.

wadaadadii hadaa tihiin iyo difaacii diinta iyo dalka waxaa waajib ah in aad wixii shalay inaga qaldamay oo ahaa in aynu dagdagnay,ismaqli waynay,cadawgii inaga faa iidaystay shacabkeenii laynaga horkeenay waa inaan taa inagoo kafaaiidaysanayna aan u fakara xalka 100 sano ee hadii ilaahay yiraahdo inagu soo fooleh,waa inaan beeninaa fikirka siyaasadeed ee itoobiya ayrabto inaynu dhexdeena kudagaalo,inaynu dawlad nabad galyo dhisan wayno deedna ay tiraahdo daya maxaan sheegayay dalkaygaykusoo socdaan meeshan soomaaliya nabad maha markaa inaan wax kaqabanaa larabaa.taa waa inaan beeninaa.waa in aan is xaq dhawraa oo wadaadkii qaldama ilaahay loobaryo loona aqliceliyo,waa in dhexda mujaahidiinta khilaafka yaala lagadhigaa xalay dhalay.waxkasta oo dhexda maxaakiimta ahaa xukumayay xamar lixdii bilood waa in laga dhigaa iscafin isuturid iyo isu tanaasul si dalkeena unoqdo mid leh maamul dawladeed oo lamid ah kuwa dunida ka jira islaamka ah.

waa in labeeniyaa fikirka ah al-shabaab iyo maxaakiib garabka jabuuti wax layiraahdo ayaa isdagaalaya oo is arka waa in fikirkaa cadawga labeeniyaa iyo xaqiirka iyo xaasidka soomaaliyeed ee wali raba dal iyo dad baabasanaa mudo 20 sano ku dhaw raba inay kusii jiraan halaagaas iyo ciqaabtaas.waa in culima udiinku samata baxshaan diinkooda iyo dalkoodaba halista u ah wax walba oo lafilankaro oo xumaan iyo khatarba ah.

FIRQO

Firqo xiligeed lama joogo iyo isasixid caqiido toona,isku duubni baa larabaa iyo dadka oo kuli hoosta lasoo gashado si horarka iyo waraabaha looga ilaasho,tuusaale ahaan hadii nin haysto tusbax oo uu kuwardiyo waxaan ognahay inuu soo watay tusbaxaan mudo qarniyaal ah anagoo ogsoon nabigeena caleeyhi salaam inuu faraha kuwardiyi jiray hadana maha in tusbixii qarniyaal lawatay aan maalin kusuulinaa,madama qaybihii kale aynu kasimanahay walaalka tusbaxa wata yaynaan ku mashquulin tusbax,waxaa haboon inaan ufikiro inaan tusbaxa aayar ureebno mudo 100 sano gudahood ah aan dadka wacdiga iyo walaalnimada ladaba taagnaano,qabriyada lasiyaartaa kamid ah maha inaan kumashquulo dhagax iyo shamiito iyo lafo aboor wax kawaayay jajabintooda!!! wax xikma ah kuma jirto kolhadii walaalkeen u heeysto kheer iyo wanaag iyo barako inay ku jirto waxaa haboon asluubta loo booqan karo qabri in labaro oo nabigu sidii uu yeeli jiray layeelo,taana in aan ladaba istaagno qarniyaal dadkeena ayaa larabaa ee idinka ma mudadaa dheer baa diidantihiin oo dagdag baa jira? yaa ina faray dagdag in dadka wax loobaro? dadkeenaan caqiidada dadku waa islaame kula dagaalaa sixideeda mise horarka iyo cadawgaan iska celinaa?shardi hal haynoo ahaato oo kaliya qofku ma ashaahadanayaa oo ilaahay iyo nabi muxamed caleeyhi salaam ma aamin sanyhay oo marumeeyay haa waxkale looma raacan karo waa walaalkeen dhab ah oo islaam ah fakara meel dheer ka fakara marka nin rabo in dalkeena uu kafuro kaniisad kiristaan ninka xadraynayaa waa dahab iyo dheeman indhaha fura walaalayaal dawlad aad idinku isku khilaafsanayn hogaamiya ama raaca mid aad kabadin waydeen sababo jra awadood laakiin khilaaf maanta inooma qalmo mana qaadikaraba culaabtaas.fursada aan haysano waxay ku jiri kartaa hal arin oo kaliya waa samir ninba walaalkii khaldamay cafiyo isu tanaasul ilaahay oo la baryo

CABAAS CALI <goldogob2006@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS