SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhagar Itoobiya, Dhalanteedka Jabuuti iyo Dharbaaxada Al-Shabaab

Isbaddalada Siyaasadeed, Milatari iyo awoodeed ee Soomaaliya ayaa noqday mid aan la saadaalin Karin, laguna wareeray.  Sadexdii sanadood ee ugu danbeeyay ayaa dadka badankii filayeen in xaaladda Soomaaliya ka soo rayn doonto maadaama ay awoodii iyo taladdii dalku ku ku soo uruurtay kooxo fara ku tiris ah sida TFG, Puntland, Somaliland iyo Maxkamadaha, taas oo rajo laga qabay kadib in marka TFG iyo Maxkamaduhu heshiiyaan in loo gudbi doono heshiis kale oo lagu soo dabaalo maamul-goboleedyada dalka ka dhisan. Nasiib darro sadaashaas waa lagu hungoobay. 

Muddo laga joogo dhowr bilood ayaan soo bandhigay maqaal aan ugu yeeray Burburka TFG kadib maxaa dhici doona? anigoo maqaalkaas faalo dheer kaga baxshay asbaabta keenay burburka TFG-da , iyo anigoo gaba-gabada maqaalkaasi ku odorosay sadex arimood oo aysan ka fursanayn in midkood dhacdo.

Kuwaas oo kala ahaa:

  1. In Nuur Cadde ama uu is casilo ama shaqada ay ka eryaan xubnaha Baarlamaanka TFG-anigoo cadeeyay waxa uu ku galabsaday shaqo ka joojintaasi
  2. In Cabdullahi Yusuf is casilo, anigoo maqaalkasi ku faahfaahiyay ciribta talaabadaas laga dhaxli doono
  3. Iyo in labadda odayba waa Nuur Cadde iyo Cabdullahi Yusufe meesha ka baxaan taas oo aan tilmaamay in ciribta laga dhaxlaa noqon doonto Al-Shabaab oo awooda Koonfurta Soomaaliya la wareegi doonta , taas waxa ka dhalan karana maqaalkaas isaga ah ayaan iyadana ku xusay.

Muddadii aan maqaalkaas qoray kadib waxaa dhacay isbadalo badan oo saamayn ku yeeshay awooddaha siyaasadeed iyo milatari ee Soomaliya.

  • Sida Is casilistii Cabdullahi Yusuf: Bilowgii burburka TFG
  • Doorashada Puntland: bilowga maamulka Faroole iyo dhamaadka maamulkii Cadde Muse
  • Bixitaanka Ciidamadda Itoobiya:  jabkii labaad ee Dagaal oogayaasha
  • Dharbaaxada Al-Shabaab: Fashilkii dhagarta Shirka Jabuuti, jabkii Itoobiya iyo Burburkii TFG.

Dhamaan arimahaas kor ku xusan waxay saamayn ku yeesheen dhabarjabna ku noqdeen Shirka ka socda Jabuuti kaas oo dad badan ay ka dahsoon tahay xaqiiqadiisa dhabta ah.

Dhalanteedka Jabuuti:

Shirka Jabuuti waa shir ay bilowgiisiiba ku hareeraysnayd daruur shaki iyo khilaaf xambaarsan. Shirkaasi oo ay isla soo agaasimeen, Ergayga UN, Safaaradaha Maraykanku ku leeyahay Nairobi iyo Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar geele.   Sadexdaas xulafo midkasta dan gaar ah buu ka lahaa welina ka leeyahay shirkaas isaga ah:

Ergayga Gaarka ah ee UN-ta:  Mr. Ahmedou waxaa laga dhaadhacsay meesha soomaaliya ka quruntay oo hadii xal loo helo colaada Soomaaliya soo afjarmi karta waa Muqdisho, sidoo kale waxaa lagu yidhi qabiilka Muqaawamadu ka socdo , deegaan ahaana degan Muqdisho waa Hawiye sidaa awgeed hadii aad noo saamaxdid oo nagu taageertid waxaanu samayn doonaa xalin khilaafaadka dhexyaala beesha , sidoo kale waxaanu nabad ka dhalin doonaa dalka oo dhan laakiin shuruuda oofinta balantaani waa sidan:

  • -In meesha laga saaro nabad-diid Cabdulahi Yusuf
  • In Itoobiya ka baxdo dalka si aan u helno taageerada beesha iyo kalsoonida muqaawamada

Maraykanka:  Waxaa laga dhaadhacshay in awooda habka lagula dagaalami karo loogana adkaan karo Al-Shabaab ay tahay in laga soo jaro Maxkamadaha , maadaama garabka uu hogaamiyo Shariifku aysan lahayn hadaf aan dhaafsiisnayn bixitaanka Itoobiya sidaa awgeed, kadib markii Itoobiya baxdo, dowlad ay ku midaysa yihiin Maxkamadaha iyo TFG la sameeyo, waxaa la bilaabi doonaa dagaal waji cusub kaas oo la mid ah kan lagula dagaalamay Al-Qaacidada Ciraaq, kaas oo ah waxa loogu Yeero “Surge”.   Sidaa awgeed waxaa maraykanka lagu yiri cida degan Muqdisho maanta waa anaga sidaa awgeed waxaan kuu balan qaadaynaa hadii aad hadafkaan iyo siyaasadaan cusub nagu taageerto inaan dagaal ku qaadno  Al-Shabaab , u diidno hoy ay ku dhuuntaan, soo qabano dadka ajaanibta ah ee aad danaynaysaan.  Sidaa awgeed, maraykanku wuxuu istusay dagaal aan cidi uga dhimanayn, Cadowgiisiina lagu jabin karo, sidaa awgeed taageero buuxda ayuu siiyay shirka Jabuuti.

Jabuuti:  Ismaaciil Cumar Geele waa nin maskax ganacsi leh, meeshii shilin ku jiro aan loo tilmaamin, maslaxado kale ee isxulafaysi iyo ahdaaf intaa ka wayn leh, sidaa awgeed waxaa is tustay shir UN iyo beesha caalamku lacag ku bixin doonaan, maadaama isaga marti loo yahayn uu talo ku yeelan karo, dantiisa shakhsiyadeed iyo aragtidiisa siyaasadeedna ku oofsan karo.  Sidoo kale wuxuu istusay in maadaama dakad wayn uu maanta haysto , ciidankii Maraykankuna Xarun ku leeyihiin dalkiisa in Jabuuti noqon doonto xarun loo isticmaalo ladagaalanka Burcad badeeda, Dib u dhiska Soomaaliya, taas oo suuqa ka saari karta dulaalayda Nairobi fadhiya sida UN iyo NGO kaleba.

Hadaba akhristow waxaa iswaydiin mudan cida lagu heshiisiinayo shirka jabuuti, waxaa kaloo iswaydiin mudan raga shirka jabuuti fadhiya awooda ay ku gorgortamayaan waxa ay tahay iyo meesha ay taal, maadaama aysan jirin goob ama buqcad ay ka taliyaan TFG iyo ARS labaduba.   Dalkii la oran jiray Soomaliya maanta waxuu u qaybsamay sadex aag oo an ka kala taliyaan Somaliland (waqooyi Galbeed) , Puntland (waqooyi Bari), Al-Shabaab oo ka talisa Koonfurta Soomaaliya.

Kolkaa waxaa iswaydiin mudan cida Jabuuti ku shiraysa dadka iyo deegaamada ay matalanaa, kol hadii Somalialand qaadacday shirka, Puntland cadaysan inaysan goobjoog ahayn sidaa awgeedna ay ka soo horjeedaan waxkasta oo ka soo baxa, Al-Shabaab qaadaceen qoortan u dheerayn doonaan waxa ay ugu yeereen caamiliinta ridowday. 

Dhagarta Itoobiya Itoobiya: 

Waxaa xaqiiq ah in Itoobiya aysan sidaa ku tegin, balse ay cayaarayso shaxda loo yaqaan Jeeska. Ulajeedadeeda oo koobana waa dhowrkan qodob:

  • Iyagoo og bixitaankooda ka dib in Al-Shabaab qabsan doonto goobkasta oo ay ka baxaan
  • Iyagoo og in arintaasi walaac ku dhalin doonto wadamada reer galbeedka
  • Iyagoo og in uusan jirin wadan ciidan u soo diri doona Soomaaliya maadaama nabad la sugaaba meesha oolin
  • Iyagoo og in shirka Jabuuti fashil ku dhamaan doono

Ayay goŕansadeen inay iska dhigaan wax baxay balse kulaalaan xuduuda Soomaliya, iyagoo rajo ka qaba inay dhici doonto sidan:

  • In kadib marka Al-Shabaab la wareegaan awooda koonfur Soomaaliya , ay weerari doonaan Ciidamada Africaanka ah , taasna sabab ama fursad soo noqosho u noqon doonta Ciidamada Itoobiyaanka iyo Xulafadooda Hororka ah ee Dagaal oogashaaya
  • Dabadeed in beesha caalamku siiso Itoobiya waxa loogu jeero (open cheque) jeeg furan , oo micnaheedu tahay inay waxay doonaan ka samayn karaan Soomaaliya cid danbe oo iswaydiin doontaana aysan jirin
  • In Itoobiya dhaqaale iyo awood milatari ku heli doonto qabsashadeeda danbe ee Soomaaliya taas oo Dalkii loogu yeeri jiray Soomaaliya ka dhigi doonto ZONE 6 iyo maxamiyad looga taliyo Adis, ilayn maantaba hadaynaan is indha tirayn Adis iyo Zanaawi ayaa loo kala dhuuntaaye.

Dharbaaxada Al-Shabaab:

Xalka Soomaaliya waxaad moodaa in samada lagu laahay, dad geelooda cirka lagu maalayana arintooda Alle ka dhigay.  Balse waxaa hubaal ah in hadii ay Al-Shabaab cayaaraan takhdiid ama taatiko siyaasad iyo feejignan leh inay noqon karaan awood Soomaaliya ka samata bixin karta dhagarta cadowga isbiirsaday ama ha noqondo midka Jabuuti shirku sheega ka wada ama ha noqdo Siyaasada guracan ee Itoobiya iyo beesha caalamkač.

Dad badan ayaa laga yaabaa inay iswaydiiyaan sababta igu kaliftay in aan Al-Shabaab u arko sidan, anigoo ka mid ah ahaanjiray dadka ugu cadcad ee afcaasha Al-Shabaab ka soo horjeeda.

Akhristow Soomaalidu waxay tiraahdaa Gaal dil Gartiisana Sii, marka Al-Shabaab afcaal iyo afkaar badan oo lagu diidi karo ayay la yimaadeen, (sida Rajmintii Gabadhii yaray ee Kismaayo, Gowraca Wiilka ay murtadka ugu yeereen, ismiidaaminta ay ku gumaadaan shacabka aan waxba galabsan iyo iwm),  sidoo kale afcaal iyo afkaar lagu raaci karo oo naadir maanta ku ah Soomaaliya ayay la yimaadeen sida: (inay ka xoroobeen QABYAALADDA iyo inay ka hor yimaadeen dhagarta shisheeyaha), waxaa intaa sii dheer inay xoreeyeen deegaamadii Jubooyinka iyo Shabeelooyinka goobahaas oo lagu dulmay dadka laga tirade iyo tabartaba badan yahay.

Sidaa awgeed waxaan is leeyahay hadii ay khaladkooda saxaan Allaha wayna uga toobad keenaan , shacabka Soomaaliyeed hortiisana raaligelin ka sameeyaan qirtaana khaladkooda, sidoo kaleTalo galiyaan Culimadda, Soo dhaweeyaan Odayadda , indheergaradka iyo dhamaan xubnaha kala duwan ee bulshada, dadka ay deegaamadooda ka taliyaan taladda wax ka siiyaan, meelaha maamuladdu ka jirona wadahadal iyo wax wadaqabsi la yeeshaan , waxaa dhici kari lahayd inay shacabka Soomaaliyeed ee Qabyaaladda iyo Qaxarka dagaalku dulaystay ay ka saaraan dhibaatada una horseedaan cadaalad iyo wada noolaansho samata bixin kara Mustaqbalka Jiilka danbe.

Hadiise madax adaygii, is mahadintii, kaligii Muslimkii,  kaligiis Wadaadkii, iyo kaligiis wax garad la yimaadaan waxaan qabaa inay soo dedejin karto jabkooda iyo burbur aysan ka soo waaqsan kaas oo Soomaaliya u horseedi kara dagaal Huwan magac diimeed oo lagu hoobto, iyo in Itoobiya dalka ku soo laabato iyadoo adeegsanaysa caamiliin aan dad iyo dal u aabayeelayn, taas oo dhalin karta dhamaadkii wax loogu yeero Soomaaliya.

Imisa Dal iyo Dad ingaa awood , caqli iyo cilmi badnaa  oo ifka saarnaa ayaa maanta noqday taariikh la soo dhaafay oo laga sheekeeyo.  Bal dib u yara jaleec, Rooma, faaris, faraaciintii, maaya iyo xadaaradihii kale ee dunida soo maray.  Walee wadadii ummaddihii inaga horeeyay ku hoobtaan, kuna hungoobeen ayaynu haynaa hadii aan la is daba qaban oo aan caqligu ka awood badnaa caadifada qabiilka iyo jahliga, danta guud laga hormarin midda gaarka ah ogaada taariikhda ayaynu baal madow ka geli doonaa dadkeenuna ku danbayn doonaa tiih iyo qaxootinimo ciribteeda tirtirta. 
 

Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS