SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maalmihii dhaarinta Xildhibaanada cusub ARS ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti, iyadoo Xaruntii Baarlamaanka DFKMG ee Magalada Baydhbo ay ka talinayaan Xoogaga Al-Shabaab maalintii Saddexaad

SAWIRRO: Sawiraddii Dhaarta halkan ka daawo

Waxaa 28/01/2009 si rasmi ah loogu dhaariyey Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti 140 Xildhibaan oo ka tirsan Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale oo ka tirsanaa Golihii dhexe iyo fulinta Is-bahaysiga, waxaana dib loo dhaarindoonaa 60 Xildhibaan oo qaarkood dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ku kala maqan yihiin, halka kuwa jooga goobta shirkuna lagu balamey in la dhaariyo 29/0/1/2009-da inkastoo dhaarta xubnahan cusub ay ka dhigeyso Soomaaliya oo yeelatey Baarlamaankii ugu badnaa abid intii ay xornimada qaadatey.

Wajiyada Xildhibaanadan cusub qaarkood waxaa ka muuqdey farxad, halka kuwo kale ay ahaayeen kuwo aad u xanaaqsan, kadib markii lagu dhaariyey wax ay hore uga soo horjeedeen oo ah in ay dhowrayaan Diinta, Dastuurka dalka, dadka iyo shuruucda u taala, halka kuwo kaley ay ahaayeen kuwo khabaar moog ah oo dhexda looga soo darey Reero Guuraaya.

Xubnihii la dhaariyey waxaa ka mid ah Wasiirka Dibu-heshiisiinta Cabdi Waaxid Cilmi Cumar, arintan ayaa waxay muujineysaa caqabadihii Dowlada Federaalka KMG ay la socon weysey mudadii ay jirtey, dadkuna waxay leeyihiin waxaa jiri kara xubno ka tirsan Baarlamaanka cusub iyo kuwii hore oo la shaqeynayo Xoogaga All-Shabaab.

Kulan ay soo xaadireen 220 mudane oo Baarlamaanka FKMG 28/01/2009-da oo ay ku yeesheen Guriga Ummada ee Caasimada dalka jabuuti oo shir gudoominayo Siihayaha xilka Madaxweynaha DFKMG, ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo ku xigeenadiisa ayaa lagu Ansixiyey waqtiga ay jireyso dowlada cusub ee TNG-da, islamarkaana lagu shaaciyey xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha, laguna kordhinayo xubnaha gudiga doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka tiro kale oo ka socota Xildhibaanada cusub.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta Dowlada jabuuti Dr. Xaamud Suldaan, Wakiilka Qaramada midoobey ee arimaha Soomaaliya Amb; Axmed Wallad Cabdallah iyo Walkiilo ka kala socdey Jaamacada Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Dowlada Mareykanka, Talyaaniga, qaar ka mid ah Diblamaasiyiinta joogta Caasimada iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen Safiirada Soomaaliya ee ka jooga dalallka caalamka ayaa Baarlamaanku wuxuu cod u qaadey in wax laga bedelo qodob Dastuuri ah oo Axdiga KMG ah, qodob kaasoo ahaa mudada jiritaanka Baarlamaanka TNG in laga dhigo 2 sano iyo 8 bilood, waxayna xildhibaanada cod balaaran ku ansixiyeen in jiritaanka TNG uu ahaato Augosto 211-ka xiliga u dhiman TFG iyo 2-sano ee lagu heshiiyeyBaarlamaanka TNG jiritaankiisa, 211 mudane ayaa cod ku ogolaatey 6 mudane waa ay diideen, ma jirin wax ka aamusey.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka TNG aan wax ka weydiiyey Doorashada Madaxweynaha dhicidoonta xubnaha isugu soo hari doono iyo cid ku guuleysaneysa ayaa Xildhibaanadan waxay isku raaceen Sheekh Shariif iyo Nuur Cadde inay isku soo haridoonaan, halka kuwo kale ay sheegeen in ay jireyso in kuwo kale oo qarsoon soo bixikaraan. Sidoo kale Mid ka mid ah Akh-ristayaasha National Post oo halkii ay ka dhaceysey Dhaarinta xubnaha cusub ee Baarlamaanka TNG)-da oo aan kula kulmey, islamarkaana codsadey inaan magaciisa la xusin, waxna ka weydiiyey sida uu u arko qaabka ay wax u socdaan iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub ayaa wuxuu yiri "shirka ka socda jabuuti, waa mid ku dambeyn doona bur bur; sababtoo ah ma ahan shir loo dhan yahay, dadka hada is dooranaya meel ay ka taliyaan ma jirto dalka, waana wadadii Soomaaliya ay ku gaari lahayd Maxmiyad hoos tagta Qaramada midoobey, taasoo aan la garaneyn cawaaqibka ay keeni doonto, doorashada Madaxweynaha waxaa ku soo bixidoona Sheekh Shariif, wuxuuna xarun ka dhigan doonaa Hoteel lafweyn, xaafadihii Ethopia-nku ka guureena lagama taageeridoono Sheekh Shariif, sababtoo ah wuxuu uga baxay balamo fara badan taasoo aad ka garankarto dadka Koofurta Muqdisho degan oo taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Nuur Cadde, waana Musharaxa ay ku mideysan yihiin marka lagu daro Xasan Daahir Aweys, wuxuuna xeyndaab ka dhigtey xubno kasoo kala jeeda Gobolada Woqooyi Barri, Baay,Bakool,Jubooyinka, Sh/Dhexe iyo Gobolka Hiiraan, taasoo aysan ku qanacsaneyn Beesha Koofurta Muqdisho" ayuu kusoo gebagebeeyey Akh-ristahan.

Laakiin marka si guud loo eego Xildhibaanada labada dhinac ayaa waxaa kuu soo baxaya sawiro badan oo micnooyin kala duwan sameyna, kuwaasoo aan laga hor dhicikarin, balse ay iska cadahay marka si kooban loo sheego in ay dhib badnaandoonto qaabka ay isul jaan qaadayaan, waayo hawsha hada socota waxaa la wada oo ku dhex jira xubno kala duwan iyo dano gaar ah oo mid kasta eeganayo, balse marka ay soo geba gebowdo ayaa la arkidoonaa halka ay wax ku dambeyndoonaan hawlaha la wado.

SAWIRRO: Sawiraddii Dhaarta halkan ka daawo

Liiska Xildhibaanada cusub ARS ay u qaybsatey 4.5-ka oo Dhameystiran
200 oo ah magacyada xubnaha cusub ee lagu kordhin doono Baarlamaanka DFKMG ka akhri halkan....

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

Letter to the members of the Somali Jaaliyadda from Ahmedou Ould-Abdallah

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2009

 

BAARID | SEARCH


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS