Taliyihii Ciidamada Maxaakiimta Dowlada Taageersan Ee Gobolka Hiiraan Oo
Saaka Ku Wareegay Islaamiyiinta Kasoo Horjeeda Dowlada KMG
July 2, 2009
Taliyihii ciidamadii hore ee midowga maxaakiimta dowlada taageeray ee magaalada
beledweyne ayaa saaka (july 2, 2009) isagoo wata ciidamo iyo gawaarida tiknikada
iskaga baxay ciidanka dowlada KMG islamrkaana ku biiray xoogaga islaamiyiinta ee
ururka xisbul islaam iyo xarakatul mujaahidiinul shabaab ee fadhigoodu yahay
gobolka hiiraan
Sh. Ibraahim Yuusuf oo ahaa taliyihii maxkamadaha islaamiga Magaalada Baladweyne
ee gobolka Hiiraan ayaa saaka isagoo ay gelibinayaan gawaarida tiknikada loo
yaqaano iyo weliba ciidamo la sheegay inay badnaayeen ku wareegay xoogaga
islaamiyiinta ee kasoo horjeeda dowlada FKMG taasoo loo aanaynayo khilaaf la
sheegay inuu salka ku hayo ciidamada shisheeye ee kuwa Ethiopia ugu horeeyaan ee
qaarkood yimaadeen deegaano ka tirsan gobolkaasi .
Sidoo kale sh,ibraahin oo saxaafada la hadlayey ayaa tilmaamay waxii maanta ka
dambeeya inuu ku biiray xoogaga islaamiyiinta ee taageeraya shareecada islaamka
islamrkaana uu doonayo inuu dagaal kala hor tago cadowga ethiopianka ee iminka
ay ciidamadoodii ku sugan yihiin qaar ka tirsan gobolka hiiraan
Ku wareegista uu ku wareegay islaamiyiinta Taliyaha ciidamada maxaakiimta
gobolka hiiraan ayaa kusoo beegmaysa xili ay dhowaanahanba ka wadeen deegaano ka
tirsan gobolkaasi dhaq dhaqaaqyo milatari ciidamada Ethiopia kuwaasoo dadka
shacabka ah ku qasbayey inay hubka keenaan islamrkaana la sheegay inuu aad uga
caraysnaa masuulkaasi oo uusan raali ka ahayn faragelinta ciidamada Ethiopianka
ee ku sugan gobolka hiiraan .
Yaasiin maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | July 2, 2009 |