Dowladda FKMG Somalia oo maanta dib u soo cusbooneysiisay Wasaaraddii Xanaanada Xoolaha ee magaalada
Muqdisho
Munaasabad ayaa maanta xariga looga jaray xarunta wasaarada xanaanada xoolaha iyo weliba dhirta iyo daaqa ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadaasi oo si heer sare ah u dhacday ayaa waxa iska soo xaadiray madaxda sar sare ee
DFK sida Wasiirka ganacsiga C.rashiid Ciro wasiirka dib u dhiska Xuseen Cilaabe Faahiye wasiirka wasaarada haweenka iyo hormarinta
qoyska Dr.Foosiya Max’ed Sheekh iyo weliba mas’uuliyiin kale oo ka mid ah
madaxda DFK.
Madaxda Dowlada ee maanta iska soo xaadiriyay munaasabadaasi ayaa kulanka badankiisa la isla meel dhigay
sidii xoolaha Soomalida loogu dhoofin lahaa dibada iyagoona rajo weyn ka muujiyay in dekadaha Muqdisho ay waqti dhow bilaabi doonaan howshaasi.
Xarunta wasaarada xanaanada xoolaha iyo dhirta iyo daaqa ayaa mudooyinkaanba
waxaa ka socda shaqooyin dib loogu dayac tirayo taas oo maanta lagu soo gabagabeeyay munaasabadaani lagu qabtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dib markii looga quustay dagaalada iyo
burburka jira muda’da 20-ka sano ee Dowladii Militariga aheyd general Max’ed Siyaad
Barre meesha ay ka baxday.
Arintaa ayaa ku soo beegmeyso xili ay dowladu ku mashqulsan tahay dagaalo ay kula jirto kooxo diidan siyaasadeeda iyo joogitaanka ciidamda shisheeye ee gudaha
Soomaaliya, iyada oo kooxahaasi u qabteen ciidamada dowlada in ay hubkooda ku soo wareejiyaan mudo kooban oo hada wax yar ka dhiman
yihiin
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin : SomaliTalk.com | July 07, 2009 |