SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

FEDERAALKU WAA QAAB XUKUN ISLAMI AH!!


Tariikhda hab dhaqan-dhaqaalaha Federaalka & sida uu assalahaan uga soo jeedo Dawladdii Islaamka (Qaybta 1aad) :
Aragtiyaha kala duwan ee Soomaalidu ka qabto & danaha siyasadeed ee ku dheehan aragtiyaha qaarkood:

Hordhac

Sidii udubbada loogu taagay Dawladda Ku-Meel Gaarka Federaalka Soomaaliyeed (TFG) oo lagu yagleelay shirkii dib-u-hishisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay xarunta Embegaati ee dalka Kenya ilaa laga doortay Madaxweyne bishii Oktoobar 2004. Ilaa wakhtigaas, goobaha fadhi-ku-dirirka Soomaalida, waxaa aad ugu batay hadalhaynta erayga (Federal) & faallayntiisaba. Goobo fara badan oo aan goobjoog ka ahaa, oo laga doodayo saamaynta siyasadeed ee qaab xukunka Federaalku ku soo kordhinayo masraxa siyaasadda soomaaliyeed, waxaa iiga soo ifbaxay inay dadku ka qabaan aragtiyo aad & aad u kala fog!

Tusaale ahaan, kooxi waxay qabtaa in maamullada ay samayndoonto dawladda (TFG), siday ugu qeexantahay (Axdi Qarameedka Ku-Meel Gaarka), inay midnimada & qaranimada soomaaliyeed lagu weeqayo oo Soomaaliya loo jarjari doono maamullo yaryar oo aan itaal badan lahayn, sida ay badanaaba ku hadaaqi jireen madaxda sare ee Dawladdii hore (TFG) ee lagu dhisay magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayna odhan jireen fikradda (Federaalku) waxaa ka dambeeya dawlado cadow u ah midnimada & qaranimada Soomaaliya! Iyaga oo ulajeedadooda dhabta ahi ay tahay inay Ummadda Soomaaliyeed ku sanddulleeyaan inay mar kale, ka amar qaadato magaala madaxda qaranka ee Muqdisho sida uu xaalku ahaan jirey 1960 illa xilligii burburka ee Jan. 1991.

Koox kale, waxaa iska dhex galay laba qaab xukun oo kala ah (Federal) & (Confederal). Qaabka (Federal) wuxuu khuseeya hal ummadd oo leh hal shakhsiyadeed oo dastuuri ah, hal calan, midaysan, marnaba & sinaba u kala tegi karin sida (The United States of America), marka laga reebo (Texas) oo gadaal ku soo biirtay (The Act of Union – Axdiga Midnimada) shardina ku darsatay inay kabixi karto Dawladda Maraykank haddii shacabka reer (Texas) badankiisu, marka afti laga qaado, ay taladiisu sidaas u badato. Ka labaad (Confederal) wuxuu khuseeyaa laba ummadood/qurumood amba ka badan oo markoodii horena kala lahaa shakhsiyado dastuuri ah, affaf & calammo kala duwan, sidaasna iyagoo u kala madax bannaan ku heshiiyey inay wada samaystaan qaab maamul ay wadagaan. Isbahaysigaas waxaa ka abuurma maamul kale oo hor leh oo (Confederal) ah oo hal calan leh (The Russian Confederation) oo kale. Dalka Switzerland, isna waa tussale kale. Sidaas awgeed, dal kasta ama ummadd kasta oo isbahaysigaas ka mid ah xaq bay u leeyihiin inay dib ugu laabtaan ka qaybgalkiisa kuna noqdaan madax banaanidodii hore, intaanay isbahaysiga (Confederalka) ka mid noqon. Isku-dhexyaacintaas labada qaab, Soomaalida dhexdooda, waxaa dhiirgelinaya siyaasiinta Soomaalida qarkood iyagoo garanaya faraqa labada qaab xukun u dhaxeeya, waxayna ka tahay inay aburaan jaahwareer siyaasadeed oo horseedi kara in Soomaalida loo arko inay yihiin ummado kala duwan, taasina xiliyo dambe fududaynaysa in Ummadda Soomaaliyeed dhowr dawladood oo yaryar loo jarjaro.

Koox 3aad, waxay iyaguna qabaan in maamullada la samayndoono, amaba kuwa haddaba jiraa, inay lahaanayaan xoriyaad kaamil ah oo sida qolo kastaba doonayso u maarayn karto arrimaheeda maamul gudo & debedba, sida loollanka ka dhex taagan maamulada jira qarkood & Dawladda (TFG), gaar ahaana shuruucda la xidhiidha dakhliga cashuurta ka soo xeroota & soo saaridda khayraadka dabiciiga ah!

Aragtiyadaas kor ku xussan & kuwa kale oo ka duwan, oo aan qormadan lagu wada xusi karin, lakiin kuwan aan sheegnay ugu muhiimsan yihiin, waxay hordhac u yihiin falooyin kale oo la xidhiidha oo aan idiin soo bandhigi doono, dhamamaantoodna waxay ka mid yihiin baadhitaan kooban oo lagu qaada-dhigayo halka uu assalahaan ka soo jeedo (Qaab Xukunka Federaalka).& markiisa horeba halka uu ka soo unkamay & duruufaha ay fikradiisu ku dhalatay & dawladdii ugu horraysay oo hirgelisay. Si yolkaas loo gaadho waxaa inoo muuqda inaanay ka fursanayn in gogolxaadh ku habboon loo sameeyo & dulmar lagu baadigoobo dhammaan hababka qaab xukun & dhaqan-dhaqaalhooda siyaasadeed (Qaab Xukunka Guud) ee aadanuhu lahaan jirey & kuwa uu leeyahay illa wakhtigan xaadirka ah. 

Qaab Xukunka Aadanuhu Dhaqangeliyey illa Wakhtigan Xaadirka:

Kutubta ku takhassustay Cilmiga Siyaasadda (Political Science), waxaa ku qeexan halka uu ka soo unkamay qaab xukun kasta & dhaqan-dhaqaalihiisa siyaasadeed ee aadanuhu isku xukumay ilaa maanta, intuu ka gartay baahida uu qabo inuu abuuro qaab xukun uu noloshiisa ku maamulo hormarna ku gaadho.

Si aan ugu kuurgalno yoolkaan ka leenahay baadhitaankan kooban, waa inaynu gadaal ugu jaleecno qaab xukunadii xadaaradihii qadiimiga ahaa ee caanbaxay oo raadkoodi wax laga hayo, sida Xadaaradii Faraaciinta Masar, Greega (Athens), Baabil (Ciraaq), Shiinaha, Yemen, Hindya, Embradooriyaddii Faaris, Embradooriyaddii Rome (Roman Empire), waxayna dhamaantood ahayeen boqortooyooyin soo jireen ah, qaab maamulkooduna uu ahaa qaabka loo yaqaan (Dawlad Dhexe - Central Government), goobta uu xaakinku ama boqorku joogo bay taladu & go'aankuba oollaan jireen.

Xadaaradda Greega (Athens) iyaduna qaab xukunkeedu wuxuu isna ahaa (Dawlad Dhexe), laakiin waxay xadaaradaha dhigeeda ah kaga duwaneyd, waxay lahaan jireen (Barlamaan – Congress) xubnihiisana waxaa laga soo xuli jirey maalqabeenka & waxgaradka magaalada (Athens), qofka reer (Athens) waxaa la odhanjirey (Muwaadin - Citizen) wuxuuna lahaa xuquuq madani ah oo aanay lahaan jirin ummadaha ay xukumijireen xadaaradaha kale oo dadkooda loo yiqiin (Raciyad – Subjects) mana lahaan jirin wax xuquuq madani ah oo sharciyaysan haba yaraate!

Haddaan u soo gudubno xadaradihi ka dambaayey, kuwa aan kore ku xusnay, sida Xadaaradii Dawladdii Islaamka, Xadaaradda Yurub, Maraykanka, Kanada ama guud ahaanba Xadaaradda Reer Galbeedka (The Western Civilizations). Tariikh qorayaasha Yurub caanka ka ah, sida (Arnold Twinby) oo ah mufakkir & tariikhyahan kuna takhassusay cilmibaadhista la xidhiidha Xadaaradaha & Diimaha Bariga, issaga & kuwa kaleba, waxay qirayaan in ilbaxnimada maanta ka jirta Qaaradda Yurub, illa haddana soconaysa ku dhowaad 500 oo sano laga bilaabo Qarnigii 1700, inay assalahaan ka soo jeeddo ilbaxnimadii, aqoontii & cilmigii ay ka dhaxashay Xadaaraddii Dawladdii Islaamku u soo gudbisay Yurub xiligii Dawladii Islaamku ka talinjirtey (Andalus – The Iberian Penninsula), muddo u dhow 400 oo sano, Yurubna xilligaas, wixii ka horeeyey qarnigii 1700, waxay ku jirtey marxalad loo yaqaan (The Dark Ages - Qarniyada Gudcurka)!

Tariikhda Qaanuunka Faransiiska

Tusaale ahaan, qaanuunka hadda adduunka looga yaqaan (Qaanuunka Faransiiska) loona aqoonsanyahay inuu yahay (Aabbaha Qawaniinta Casriga), waxaa intiisa badan sal u ah Fiqhiga Mad-habka Sunniga ah ee Imaam Abu Xaniifa Al-Nucmaan ahna Imaamka 1aad ee affarta mad-hab ee Sunniga ah. Imaamku Dalka Faransiiska ma tegin, lakiin kutubtiisa waxa Dalka Faransiiska geeyey Emperor Napleon Bonapert markuu ku duuley Dalka Masar xoogna ku qabsaday 1798 uuna haystey illa 1881, xiligaas buu kutubtii Imaamka ka XADAY xarunta Al-Azhar Al-Shariif una raray dalkiisa si Af-Faransiis loogu turgumo kadibna waxaa lagu saleeyey 70% waxa hadda adduunka aad looga xushmeeyo loona yaqaan aabbaha qawaniinta!

 Wakhtigan xaadirka ah ee aynnu joogno, hishiis kasta oo caalami ah marka maxkamadaha la horkeeno waxa mudnaanta 1aad iska leh nuskhadda amba koobiga Af-Faransiiska ku dhigan, sidoo kalena Go'aamada Qaramada Midoobay, waxaa mudnaanta 1aad iska leh nuskhadda Af-Faransiiska ku qoran hadii turjumadda afafka kale ku qoran laysku maandhaafo! Emperor Napleon Bonapert, qoraalka qanuunkaas, magac & maamuus weyn buu tariikhda u diwaan geliyey. Lakiin Imaamkii uu kutubtiisa soo xaday adduunka aad loogama yaqaan! Adduunkaba iska dhaafoo, Ummadda Islaamka, ee xuquuqda kutubtaas iska leh, dad yar baa ka warqaba fadliga uu Imaamku ku leeyahay shuruucda maanta adduunka lagu xukumo dalal badan oo aan Islaam ahayn!

Haddaba waxaanay dood badani ka taagnayn, in dhamman qawaaniinta ka hirgashay dalalka loo yaqaan Ummadaha Ilbaxa ah (The Civilized Nations in the Western Hemispher), goobkasta adduunka ha kaga nooladeen & kuwa iyaga higgsanaya oo ay tussalaha u yihiin, qawaaniinta ay isku xukumaan waxaa iyana sal u ah (Qanuunka Faransiiska)! Dhaqangalinta qanuunkaas baa dadkii reer Urub lagu kala jihayey oo cid kastaba xuquuqdeeda lagu qeexay, hadday noqoto mid shakhsi, diineed, madani, dhaqaale, xukun, iwm. Qaanuunkaasi markuu si fiican u hirgalay, waxaa Yurub oo dhan ka dhacday xasilooni guud oo aan weligeed ka jirin! Nabad waarta & hormar dhinac kasta oo nolosha ka mid ah saamayey. 

Marka laga reebo, labadii dagaal ee adduunka, 1aad & 2aad, iyaguna lagu tilmaami karo isku day in tariikhda Yurub dib loogu celiyo xilliyadii lays xoogi jirey kana horeeyey hirgelinta sharciga & qaanuunka. Hasse ahaatee, jabkii labada jeer Jarmalka & xulafadiisa ku dhacay, baa Jarmalku laftoodu ku ogadeen in xilligii Yurub laysku xoogi jirey u dhammaday saacaddana aan gadaal loo celin karin, waxayna garteen inay iyaguna xushmeyaan shuruucda & qawaaniinta Yurub ka hirgashay una hogaan sanaadaan! Kuwii Jarmalka jebiyey laftodii baa Jarmalka dib u dhisay, sidaasuu Jarmalku hormor & nolol barwaqaysan si nabad ah ugu gaadhay. Hormarka uu maanta Jarmalku gaadhay, marka la soo koobo, waxa lagu cabbir qaataa in 5ta makinadood oo dhulka korkiiska ka guuxa inay midi Jarmal tahay! Japaankuna waa tusaale kale! 

Dulmigaas taariikhiga ah ee lagu lunsaday xuquuqdi Imaam Abu Xaniifa Al-Nucmaan, waxaan ku xusuustay, hadal uu mar yidhi Raissul Wasaarihi Ingriika, xilligii dagaalkii 2aad ee caalamka (Winston Churchil): Tariikhdu wax fiican bay iga qori doonta! Mid journaalista ah baa weydiiyey: Sidee baad u hubtaa inay tariikhdu wax fiican ka qori doonto?! Wuxuuna ku jawaabay (Dagaalki aniga ku guulaystay, tariikhdana sideedaba waxaa qora ninka guusha iska leh)! Islamarkaasna (Churchil) raad gaar ah buu ku leeyahay tariikhda Soomaalida, sababtoo ah wuxuu aha (Wasiirka Mustacmaraadka) xilligii diyaaradaha lagu garaacay xarumahii Sayyid Maxmed Cabdulle Xassan 1919!

Waa socotta.....

Qore: Idiris Shire Xussain 
e-mail: idrisshire@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 02, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: