SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Difaaca Culumada Waa Muhiim

W/Q: C/qani Qardhaawi

qardhaawi@yahoo.com

www.qardhaawi.com

_________________________________________

 

 

 

 

 

 

الحمد لله حمدا كثيرا مباركا فيه كما يحب ربنا ويرضى، وأصلي وأسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.

أما بعد:

 Waxaa baryahan dambe soo if baxaya in ay badatay aflagaadhada iyo been abuurka lagu samaynayo culumada soomaliyeed iyadoo la rabo in lagu dhimo sharaftooda iyo booska ay ku leeyihiin bulshada soomaaliyeed. Waxaa lagu yaqaanaa dadka munaafiqiinta iyo calmaaniyiintaba in ay had goor duraan culumada muslimiinta iyagoo waliba ka xun khayrka ay wadaan.

Waxaa webebka soomaalida qayb ka mid ah lagu soo qoray been abuurayo lagu been abuurtay culumada sida Sh. Cali Warsame, Sh. C/qadir Nuur Faarax, Sh. Axmed Daahir iyo culumo kaleba.

ورحم الله ابن عساكر حين قال: "اعلم يا أخي -وفقني الله وإياك لمرضاته، وجعلني وإياك ممن يخشاه ويتقيه حق تقاته- أن لحوم العلماء مسمومة، وعادة الله في هتك أستار منتقصهم معلومة، وأن من أطلق لسانه في العلماء بالثلب؛ بلاه الله قبل موته بموت القلب"، (فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَنْ تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ)([1]).

Ibnu casaakir ilaah ha u naxariistee wuxuu yiri ogow in culumada oo lagu afxumaadaa ayan wanaagsanayn ilaahay subxaanahau watacaalaa uu ka goynayo qofkasta oo wax ka sheega, qofkii wax ka sheegana ilaahay ku imtixaamayo qalbigiisa oo dhinta inta aanu geeriyoon. Ka dibna wuxuu daliishaday aayad quraan ah.

 Waxaa haboon in aan wax ka tilmaamno nusuusta tusaysa makaanada iyo booska ay culumadu ilaahay agtiisa ku leeyihiin si ay uga waantoobaan dadka qalbigoodu jiran yahay wax xun ka sheega iyo been abuurka culumada.

 قال الله -تعالى-: (هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لا يَعْلَمُونَ)([2]).

Ilaahay wuxuu yiri: ma siman yihiin miyey siman yiniin culumada ilaahay ka baqaysa, ilahayna adeecay oo ku dhaqmay wixii allaah faray dadkana u gudbiyey iyo kuwa aan ilahay aqoon.

ويقول -سبحانه-: (إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ)([3])

Wuxuu kale oo ilahay subxaanahu watacaale yiri: ilaahay waxa ka baqa adoomadiisa aqoonta u leh, wuxuu imaamu Dabari yiri markuu sharxayey aayadaan: waxaa ilaahay ka baqa oo ciqaabtiisana iska ilaaliya culumada, maxaa yeelay qofki og in la ciqaabayo hadii uu dambi la yimaado ayaa ka ka cabsada ilaahay, wuxuu imam Dabari soo arooriyey athar laga warinayo inb Cabas uu ku sharaxayo aayaddaan wuxuu yiri aayadda macnaheedu waa kuwa og in ilaahay wax kasta awoodo ayaa ilaah ka cabsada.

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ)([4])

Kuwa ilaahay imaankiisa laga helayow adeeca ilaahay iyo rasuulkiisa iyo kuwa talad idiin haya. Waxay culumadu ku macneeyeen ulul amri inay yihiin madaxda muslimiinta iyo culumada dadka diinta barta kuna dhaqma.

Aayadaani waxay ina tusaysaa booska ay culumadu ku leeyihiin ilaahay agtiisa maxaa yeelay ilaahy ayaaba na amraya inaan adeecno iskaba daa inaan been ku abuurano.  

وروى أبو الدرداء عن النبي " فضل العالم على العابد كفضل القمر على سائر الكواكب ليلة البدر، العلماء هم ورثة الأنبياء، إن الأنبياء لم يورثوا دينارا ولا درهما، إنما ورثوا العلم، فمن أخذ به، فقد أخذ بحظ وافر"([5]).

 Xadiiskaan nabigu nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri fadliga uu caalimka(culumada) dheer yahay caabidka waxay la ka mid yihiin sidii dayax afar iyo tobnaad  iyo xidigaha, culumadu waxay kuwa dhaxlay nabiyada, nabiyadana laga dhaxlin maal iyo lacag ee waxaa laga dhaxlay cilmi, cidii wax ka heshay waxay heshay nasiib badan.

 وروى البخاري ومسلم عن معاوية  عن النبي  أنه قال: " من يرد الله به خيرا يفقهه في الدين " قال ابن المنير -كما يذكر ابن حجر-: "من لم يفقهه الله في الدين فلم يرد به خيرا".

Sida bukhaari iyo muslim ka wariyeen mucaawiye (rc) oo nabiga nabad gelyo korkiisa ha ahaatee ka wariyey inuu yiri: qofkii ilaahay khayr la doono diintuu fahansiiyaa, markaa inbu xajar ku daray qofkii aan ilaahay khayr la doonin diinta ma fahamsiiyo.

ومن عقيدة أهل السنة والجماعة - كما يقول الشيخ عبد الرحمن بن سعدي -رحمه الله-: "أنهم يدينون الله باحترام العلماء الهداة"،

Cabdiraxmaan ibnu sacad ayaa wuxuu sheegay caqiidad ahlu sunaha inay ka mid tahay in waxyaalaha ay dadku ilahay uga diin dhiganayaa oo ilaahay ugu dhowaanayaan ay ka mid tahay ixtiraamka iyo ka dambaynta iyo xaq dhowka culumada umada xaqa u sheegta.

قال الحسن: "كانوا يقولون: موت العالم ثلمة في الإسلام لا يسدها شيء ما اختلف الليل والنهار".

Xasanul basri oo ka mid ahaa culumada taabiciinta ayaa wuxuu yiri: qof culumo ah oo dhinta waa dalool soo gaaray islaamka, wax dabooli karaana ma jiraan inta aduunku jiro.

وقال الأوزاعي: "الناس عندنا أهل العلم، ومن سواهم فلا شيء".

Imam Awzaaci wuxuu yiri; dad waxaa ah xagayaga culumada wixii ka soo haray wax ku tirsi ma leh.

   
Dhibta Culumada iyo Ciqaabteeda

Nusuusta na tusaysa khatarta ay leedahay in la dhibo culumada waxaa ka mid ah

 ما رواه البخاري عن أبي هريرة  قال: قال رسول الله  " قال الله -عز وجل في الحديث القدسي-: من عادى لي وليا فقد آذنته بالحرب ".

 Xadiis qudsi wuxuu ilaahay subxaanahu wa tacaalaa ku yiri qofkii la colaytama wali aan leeyahay waxaan ogaysiiyey inaan dagaal la galayo.

   روى الخطيب البغدادي عن أبي حنيفة والشافعي -رحمهما الله- أنهما قالا: "إن لم يكن الفقهاء أولياء الله، فليس لله ولي".

 Khadiibu baqdaadi wxuu ka soo gudbinayaa in Abuu xaniif iyo Shaafici ay yiraahdeen haddii aanay culumadu ahayn awliyadii ilaahay, ilaahay ma laha wali kale.  

وقال ابن عباس -رضي الله عنهما-: " من آذى فقيها فقد آذى رسول الله  ومن آذى رسول الله  فقد آذى الله  ".

 Wuxuu cabdilaahi ibnu cabaas yiri: qofki dhiba culumada waa qof dhibay nabigii, qof dhiba nabigana waa qof ilaahay dhibay.

Sababah keena in culumada la xumeeyo

 Waxaa jira sababo badan oo keena in culumada la afla gaadheeyo ama lagu been abuurto, waxaa ka mid ah sababahaas:

1) Xaasidnimo: qofka culumad wax ka sheegayaa waxaa laga yaabaa inay ugaysay xaasidnimo uu ku xastayo nimcada uu ilaahay siiyey culumad, nimcooyinkaas waxaa ka mid cilmiga iyo tusida xaqa. Qofka qalbiguusi jiran yahay markuu arko arimahaas wuxuu bilaabaya xaasidnimo.

 2) Nifaaq iyo Xaq diidnimo: qofka oo sheegta iyo islaam yahay calooshana ku qarsanaya nifaaq iyo qofka oo xaqa culumada wadaan u arka mid ka hor imaanaya mawqifkiisa ayaa ka mid wax yaalah qofka u keena inuu culumada ku been abuurto.

 4) Tacasub: qofka oo u tacasubaya ama ku xiran koox ama qabiil oo ku kalifaysa inuu necbaada qofkasta oo ka fikrad duwan.

 Qofkii u baahan ogaado tafaasil intaa dheer ha ka raadso kutubta culumadu ay qoreen sida kitaabka ibnu taymiya uu magaciisu yahay RAFCU MALAAM CANIL A’IMATIL ACLAAM.

رفع الملام عن الأئمة الأعلا


[1] - سورة النور آية: 63.

[2] - سورة الزمر آية: 9.

[3] - سورة فاطر آية: 28.

[4] - سورة النساء آية: 59.

[5] - أخرجه أبو داود والترمذي والدارمي، وهو حديث حسن. 


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 02, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: