SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Xasan Daahir xikmad yaraa oo xeelad xumaa!

(Soo koobid hadalkisii wareysi uu aljazeera siiyey) 

Waxey aheyd maalinimo talaado ah oo bishu ku beegneyd 26 May 2009, waxaa maalinkaas lagu warejiyey oday Xasan Daahir seefta dhiigga guduudani uu ka tifqayey, maalinkaasoo shacabka Soomaaliyeed ee rajada yar ka qabey in wax un degi doonaan ay hilfahooda dib u xirxirteen, ayagoo afkana saarey meel allaale meesha ay is dhihi kareen waa looga badbaadayaa dhibaatada uu damacsan yahey hoog-aamaha cusub ee xisbul xasuuq, waxeyna shacabka Soomaaliyeed dib u soo xusuusteen doorashadii hoog-aame Cabdullaahi Yuusuf ee sanadkii 2004 iyo hadaladii hanjabaada ahaa ee uu afka ku kala furey. 

Isla maalinimadii uu la wareegey xilkaas, waxaa shaashada kanaalka aljazeera ee sida muuqata ugu xaglisa ururkaas ka soo muuqanayey goos-goos kooban oo lagu ogeysiinayo daawadayaasha in ay jiri doonto habeenimada Axadda saacaddu Markey ku beegan tahey 8:30 fiidnimo wareysi dheer oo lala yeelanayo hoog-aanka Cusub ee xisbul xasuuq ninka lagu magacaabo Daahir Aweys, dad badan oo asxaabteyda ah oo qaarkood carabiga yaqaano iyo qaar kale oo aan carabiga ku fiicneynba waxaa la is xusuusinayey in aysan na seegin habeenimadaas waxa uu ku hadli doono odayga burursani. 

Sidii lagu ballansanaa waxaa la gaarey habeenimadii dadkoo dhami sugayeen waxaana laga dhar sugayey duqa oo aan horey hadal fiican looga baranin bal inuu caawa hadal wax ku ool ah yiraahdo in kastoo dad badani ay qabeen inaan wax khayr ah laga fileynin duqa la indho beeley kursi jaceylka. 

Sidii looga bartey ina Daahir Aweys af carabigiisii jajabka ahaa ayuu ku jajabiyey rajo kasta oo Soomaali qabtey, wuxuu aflagaado u geystey culimada Soomaaliyeed ee musaalaxada dadka muslimiinta isku xilsaartey asagoo ku tilmaamey in ay yaqaanaan diinta laakin aysan aqoon u laheyn siyaasadda, tanoo ka dhigeysa in wadaadku uusan waxba uga duwaneyn nimanka la yiraahdo calmaaniyiinta ee aaminsan in ay kala soocan yihiin diinta iyo siyaasaddu (dawladnimada) asagoo ka jawaabayey su’aal aheyd in culimada Soomaaliyeed ay go’aamiyeen in dawladda Soomaaliya hadda ka jirta ay tahey dawlad Islaami. 

Wuxuu dagaal oogaha cusub daaqada kala baxey asagoo ku tilmaamey in uu la yaaban yahey walaalaha carbeed ee mar kasta ku celcelinaya in dawladda lala heshiiyo, wuxuu ku tilmaamey ayagana niman khabaar moog ah oo aan la socon xajmiga mu’aamarada Soomaaliya lala damacsan yahey, asagoo su’aal ka danbeysey taas jawaabta uu ka bixiyey ay noqotey mid madaxa ay la qabsadeen dadkii goobta ku wada daawanayey wareysigaas mar wax laga wax weydiiyey Rajiimka Eritrea iyo hubka uu siinaya kooxdooda ayuu wadaadka jahwareerka siyaasadeed heysto yiri ” Jazaahumullaah Khayran” oo la macno ah kheyr badan Allaha ku abaalmariyo nimankaasi waa na garab qabteen. 

Waxaa intaas ka xumeyd mar la weydiiyey dadka aan waxba galabsan ee ku waxyeeloobaya hoobiyasha, iyo madaafiicda ay ridayaan kooxdiisa xisbul xasuuq, si jees jees ah ayuu uga jawaabey dadkaasi markii xabashida lala dagaalamayeyba sidaas ayey u dhiman jireen. Subxaanallaah wadaadku diin ayuuba sheeganayaaye arxan daranaa, waxaa isugu mid ah dagaalkii dalka lagu xoreynayey iyo midkaan uu kursiga ku raadinayo. 

Wadaadku oo soo aflagaadey xeel dheerayaasha diinta Islaamka Soomaaliyeed, asagoo sidoo kalena xaqirey kaalinta culimada carabta ee uu ka soo qaadey niman aan wax ogeyn, iyo abaalmarinta khayrka ee uu ilaahey uga rajeeyey rajiimka masiixiga ah ee Eritrea ka taliya, iyo xasuuqa shacabka ay u geysaneyso kooxdiisu oo aan uga duwaneyn xoolo la gawracayo, waxaan ku tilmaami karnaa arin qofkii wax ugu dhimanaa wadaadaas uu ka qaadan karo suuradda saxda ee ajendaha wadaadka uu wato, ee ah in uusan ka sokeyn dabadhilif danaha dal kale ka dhex fulinaya Soomaaliya, dadka taageerayaasha u ah ee ka daba haraan hirayey wadaadkaasna ay maanta joogaan isgoys ay uga leexan karaan. 

Wadaadku wuxuu uga jawaabey si fuleynimo ah su’aal ku aadaneyd ka waran haddii mar kale dalka duulaan dibadda ah lagu ekeeyo, wuxuu yiri “ waan ka carareynaa”, haddii awooddiisu intaas tahey muxuu u diidayaa hadalka culimada, kan odoyada dhaqanka, iyo kan culimada caalamka Islaamka, muxuu intaas ugu doorsanayaa midiidin Eretrean inuu noqdo, nin saliibi ahna ilaahey kheyr inuu siiyo ugu baryayaa, isla markaana dhanka kale uu caadi ugu arkaa dhimashada ay gaarsiinayaan xisbigiisu shacabka mislimka ah ee Soomaaliyeed. 

Isku soo duub wadaadka u xuubsiibtey hogaamiyeedka cusub, wuxuu xaley ku hor bariiqdey Soomaali meel kasta oo ay joogaan, caalamka carabta, iyo taageerayaasha uu ku beerlaxawsan jirey diin ayaan u socdaa, wuxuuna wadaadku muujiyey xikmad yaridiisa marka uu dadoo dhan ka doortey rajiimka hareereysan ee Eritrea, wuxuu muujiyey xeelad xumo marka uu asagoo ay ka xiran yihiin garoomada hubka sadaqada ee ka imaanayey rajiimka Eritrea ee loogu tala galey in lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed laga xirey oo ay aheyd in uu is dabciyo, laakin waxaan dib u xasuustey siyaasi Soomaaliyeed oo yiri ninkaasi weligiis tawfiiqda ilaahey ma waafujin, marka wax loo ogol yaheyna wuu madax adkaan jirey, marka uu tiisa xoog ku raadshana waa lagu jabin jirey. 

Gabagabadii waxaan u arkaa wareysigaasi inuu meel cidla ah soo fariisiyey duqa, ayna wax fiican in la hadalsiiyo, asaga iyo shacabka Soomaaliyeedna maalmaha soo socda ayaa kala xukmin inta aan loo gudbin xukunka aakhiro, waxaana ilaahey ka tuugeynaa in uu naga dhigo kuwa ka sheekeeya. 

Axmed Deeq Maxamed

Qaranimo2009@yahoo.com

Muqdisho, 1 June 2009

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 02, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: