SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Fursad Qaali ah! Fursadda Cumriga!

KU XIFDI QUR’AANKA KARIIMKA AH WAQTIGA UGU YAR IYO DADAALKA UGU FUDUD!

Walaalka/walaasha muslimka ahoow; xifdinta qur’aanku waa waajib saaran qof walba oo muslim ah, nabiguna csw, wuxuu yiri: ( waxaa idinkugu kheyr badan ruuxa qu’aanka barta oo hadana dadka sii bara), sidoo kale barashada qur’aanku waxay xitaa anfacaysaa ruuxa maalinta qiyaamaha asaga iyo waalidkiisaba.

Nabiguna csw, wuxuu yiri: “maalinta qiyaamaha waxaa lagu oranayaa qofka qur’aanka yaqaanna akhri, oo jannada kor, oo kala dhigdhig (yacni qur’aanka si qurxoon u akhri, adigoo jannada kor u fuulaya) sidii aad adduunka ugu akhrin jirtay qur’aanka, booska aad jannada ka dagaysidna waxay ku eg tahay aayadda ugu danbaysa ee aad taqaannid”

Qur’aanku waa xujo cad waana furaha cilmiga waxtarka ah. Dadka badankiisu waxay u haystaan in xifdinta qur’aanku ay tahay shaqo dhib badan iyo wax aan la gaari karin, dadka waaweyn qaarkoodna waxay aamminsan yihiin in haddii la weynaado aan qur’aanka la baran karin! Taasi oo ah aragti aan jirin, waayo quraanka Allah ayaa fududeeyay si loo barto looguna waano qaato.

Hadaba barnaamijkan oo ah barnaamij laga soo shaqeeyay oo la soo  tijaabiyay wuxuu kaa caawinayaa sidii aad u xifdin laheyd qur’aanka kariimka ah, adigoo ku bixinaya waqtiga ugu gaaban isla markaana galinaya dadaalka ugu fudud ee aad awooddo, adigoon wax dhib ah kala kulmayn. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad la timaaddo niyad bir ah ayna kaa go’on tahay inaad qur’aanka kariimka ah xifdiso adigoo ku baranaya dariiqada u saxsan ee uu Allah raalliga ka yahay, sidoo kale waa inaad si dhab ah ugu socotid jadwalka aad dagsatid oo aadan maalinna baajin si aad u xaqiijisid inaad goolkaaga ku gaartid mudada aad calaamadaysatay.

Shaxdan hoose waxay caddaynaysaa qaddarka aad xifdin kartid maalin walba iyo mudada ay kugu qaadanayso inaad qur’aanka oo dhan ku dhammaysid, mudadaas oo noqon karta sannado, bilo ama maalmo. Tusaale ahaan: hadii aad go’aansatay inaad maalin walba barato hal aayad waxay kugu qaadanaysaa inaad qur’aanka kariimka ah ku dhammaysid 17 sano, 7 bilood iyo 9 maalmood! Taasina waa qadarka  ugu yar oo aad dooran kartid anagoo ogsoon dhammaanteen inaan baran karno intaas ka badan, mudaduna ay tahay wax aad u kooban, waxaana jirta maahmaah Soomaaliyeed oo arrinta sii caddaynaysa oo oronaysa: (waa baryay iyo wow qur’aan waxaa badan waa baryay) oo macnaheedu yahay haddii xitaa aad maalin walba hal xaraf baratid in aad qur’aanka ku dhammayn kartid waqti kooban!

Hadaba walaalka/walaasha muslimka ahow aan ka wada faa’iidaysanno fursaddan qaaliga ah oo aan uga faa’iidayno dhammaan inta aan gaarsiin karno.

Qaddarka aad xifdin kartid maalin walba Inta sano ay kugu qaadanayso Inta bilood ay kugu qaadanayso Inta maalmood ay kugu qaadanayso
Hal aayad 17 sano 7 bilood 9 maalmood
Labo aayadood 8 sano 9 bilood 18 maalmood
Saddex aayadood 5 sano 10 bilood 13 maalmood
Afar aayadood 4 sano 4 bilood 24 maalmood
Shan aayadood 3 sano 6 bilood 7 maalmood
Lix aayadood 2 sano 11 bilood 4 maalmood
7 aayadood 2 sano 6 bilood 3 maalmood
8 aayadood 2 sano 2 bilood 12 maalmood
9 aayadood 1 sano 11 bilood 12 maalmood
10 aayadood 1 sano 9 bilood 3 maalmood
11 aayadood 1 sano 7 bilood 6 maalmood
12 aayadood 1 sano 5 bilood 15 maalmood
13 aayadood 1 sano 4 bilood 6 maalmood
14 aayadood 1 sano 3 bilood -
15 aayadood 1 sano 2 bilood 1 maalin
16 aayadood 1 sano 1 bil 6 maalin
17 aayadood 1 sano - 10 maalmood
18 aayadood - 11 bilood 19 maalmood
19 aayadood - 11 bilood 1 maalin
Bog barkiis 3 sano 4 bilood 24 maalmood
Hal bog 1 sano 8 bilood 12 maalmood
2 bog - 10 bilood 6 maalmood

Waxaa intaas dheer faa’iido kale oo ah in xaraf walba oo qur’aanka ka mid ah oo aad akhriso laguu qoroyo ajar, ajarkaas oo laguu toban jibaarayo; tusaale ahaan bisinku wuxuu ka kooban yahay 19 xaraf

akhrinta bisinka oo kaliyana waxaad ku helaysaa 190 darajo, hadaba maxaad u malaynaysaa haddii aad ka badan akhriso amase inta ajar ee aad ku kasban kartid ku celcelinta iyo xifdinta! Xaqiiqadii waa fursadda cumrigaaga! waana guul aad gaarto adduun iyo aakhiro tii ugu weyneyd inaad qalbigaaga ku xanbaartid kitaabka iyo kalaamka raxmaanka weyn ee aan u baahan nahay kaalmadiisa daqiiqad walba, si ka daran sida aan hawada iyo biyaha ugu baahan nahay, waxaa taas ka sii faa’iido badan inaad qur’aankaas aad xafidsan tahay aad hadana barato tafsiirkiisa iyo macnahiisa taasoo kuu suurtagalinaysa inaad fahamto waxa uu ku farayo iyo waxa uu kuu diidayo, isla markaana aad garato ujeedada uu Allah koonkaan u sameeyay.

Waxaan Allah weydiisanaynaa inuu nagu arzuqo xifdinta kitaabkiisa iyo u akhrintiisa sida uu raalliga ka yahay. Aamiin.

Waxaa Qortay:
Firdowsa C/qaadir Cabdi
E-mail: firdowsabdi@yahoo.com
Tel: +254 725006045

Mishkaat Islamic Centre
Komorock, Sector one, hse.139
Nairobi, Kenya
E-mail: mishkaatcenter@yahoo.com

Booqo bogga QUR'AAN-KA

Faafin : SomaliTalk.com | June 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version