Dowladda Sheekh Shariif: Neef Gawracan Geedo kama Waabto!!!
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Dowladda Itoobiya mudadii labada sano ahayd ee ay joogtay Soomaaliya uma
dhisin dugsiyo, xarumo caafimaad, wadooyin iyo adeegyo kale, waxay burburisay
dhamaan adeegyadii shacabka Soomaaliyeed, waxay har cad laysay ummadda
Soomaaliyeed, qaarkoodna ilaa iyo hadda lama hayo meel ay cirib iyo jaan
dhigeen, sidoo kale waxay Masaajidda ku laysay Culima’udiin Soomaaliyeed, iyadoo
taas Shacabka Soomaaliyeed ka dheregsan yahay ayaa waxaa Ummadda Soomaaliyeed la
yaab ku noqday sababta ay Dowladda Sheekh Shariif markaan ugu yeeratay Dowladda
Itoobiya iyo waliba Dowladaha deriska la ah, waxayna dadku tilmaamayaan in tani
ay ka taagan sidii loo dhameystiri lahaa wixii shacabka Soomaaliyeed ka haray.
Nin Xildhibaan ah oo qariyey Magaciisa ayaa waxa uu yiri “Ma ahayn in Dowladda
ay u yeerato Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, waxaa ku filan Dowladda
Ciidamada AMISOM, runtiina marka Dowladda af labadii yeerayso oo ay u qaylo
dhaamineyso beesha Caalmka ma waxay dooneysaa in Beesha caalamku ka difaacdo
Canug yar oo AK47 wata? , haa waan u garaabi lahaa haddii Ciidanka ka soo
horjeeda Dowladda ay wataan Dabaabado iyo Hub culus, waxaan dhihi lahaa waa run
in Dowladdu u yeerato taageero caalami ah, laakiin adiggoo iska tiirin kara, in
aad cabato waa kugu ceeb”
Sheekh Shariif mar uu fagaaraha Tarabuunka ka hadlayey sanadkii 2006-dii ayaa
waxa uu yiri “Waxaan la jihaadeynaa ciidanka Itoobiya, waayo Itoobiya waa Dowlad
caddow ku ah Shacabka Soomaaliyeed, mana dooneyso in halkaan ay ka dhalato
Dowlad Soomaaliyeed oo ay Shacabku soo doortaan ee waxay dooneysaa in ay
burburiso ama baabi’iso wixii shacabku lahaa”, maanta Sheekh Shariif waxa uu ku
dhawaaqay in Dowladaha deriska la ah Soomaaliya la soo gaaraan ciidamo
Soomaaliya si dowladda looga difaaco wax uu ugu yeeray caddow shisheeye oo ku
soo duulay, haddaba Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, Xiligii uu
madaxweynaha wadanka ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed, ma C/llaahi ayaa sax ahaa,
oo Shariif ayaa qaldanaa?.
Hadalka ka soo yeeray Dowladda Sheekh Shariif ee ku aadan u yeeritaanka
ciidamada wadamada safka hore waxay farxad gelisay kooxihii ka soo horjeeday
Dowladda Federaalka, waxayna Dowladda Sheekh Shariif ku tilmaameen mid u
adeegaysa waxay ugu yeereen caddowga ummadda Soomaaliyeed, iyagoo taa ku
saleeyay u yeerashada ciidamada ajnabiga ah ee ay dowladdu ku dhawaaqday in
dalka ay yimaadaan.
Sababaha ay dowladdu ugu dhawaaqday in ay dalka yimaadaan ciidamo shisheeye ayaa
ugu wacan markii Todobaadkii la soo dhaafay dowladda ay ku dhacday dharbaaxooyin
isdabajoog ahaa oo ay ugu horeysay dilkii loo gaystay Wasiirkii Amniga Cumar
Xaashi Aadan, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiya Itoobiya C/kariin Laqanyo
iyo dilkii Xildhibaan Eng. Caddow iyo waliba markii kooxaha ka soo horjeeda
Dowladda ay gaareen deegaano ay horey Dowladdu u joogtay oo ku yaala degmooyinka
Kaaraan iyo Shibi, sidaasi darteed Dowladda Sheekh Shariif waxay arrini ka
mareysaa (Waxba dhowran maynee Allow Dhagaxyo soo daadi), halka ay Shacabkana ka
mareyso (Waa baahani baqtiga looma cuno).
Shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn uga dheregsan yihiin falalkii foosha
xumaa ee ay Dowlada Itoobiya ka gaysatay gayiga Soomaaliyeed mudaddii ay ku
sugnayd, waxay aad uga walaacsan yihiin in Itoobiya dib loogu soo celiyo dalka,
waxayna leeyihiin intooda badan “Nin ku dilay har kuuma jiido”, iyagoo Dowladda
Sheekh Shariif kula taliyey in aysan miciin bidin Caddowga Soomaaliyeed, waxay
leeyihini shacabku “Waxaa Shariif marqaati kuugu filan dhulka Soomaaliyeed ee
hoos taga Dowladaha Kenya iyo Itoobiya sida ay u dayacan yihiin, iyagoo si aad
ah uga dambeeya Qoomiyadaha kale ee wadamadaasi, waxaan waliba loogu daraa
silacooda dil, dhac iyo xarig iyo waliba kufsi”, ugu dambeyn waxayna shacabku
soo jeedinayan in Dowladdu ku sifoobin maahmaahda Soomaaliyeed ee oraneysa (Neef
Gawracan Geedo Kama Waabto).
W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Halkay isaga mid yihin halkeese ku kala
duwan Yihiin Dowladdii C/llaahi Yuusuf iyo Midda Shiikh Shariif
Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2009
 Sheikh
Shariif oo Xukun Degdeg ah (Martial Law) ku dhawaaqay, islamarkaana Aqbalay
in Ciidamo Itoobiyaan ah la keeno Soomaaliya...
iyo Kenya oo sheegtay in dib loo eego qaraarka
IGAD iyo OAU ee mamnuucayay in ciidamada derisku ay galaan Soomaaliya
Akhri... |