SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ahmedou Ould Abdullah "Fadlan, walaalayaal, beeneeya malada dadka aan kadlaayo…"warqad dareeno kala duwan xambaarsan oo ku socota Qurbo joogta Soomaaliyeed

Ahmedou Ould Abdullah oo ah uqaybsanaha Xafiiska Qarammadda Midoobay ee Arrimmaha Siyaasadda Soomaaliya oo fadhigiisuna yahay Magaalada Nayroobi oo warqad qoraal ah oo uu kula hadlayo Qyrbo-joogta Soomaaliyeed soo gaarsiiyey Somalitalk ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku sheegey isagoo ka qaaybgaley shirkii lagu qabtey Brussels.

" Sida aad fahamsan tihiin, hour-marka xagga nabadda iyo deganaanshahaba waxay u socda xawli ka dheereeya inta ay filaayeen dad badan oo Soomalyeed ama bulshada caalamka ka mid ahba. Ayada oo aan joogno dhammaadkii shir muhiim ah oo ay ku yeesheen deeq-bixiyaassha caalamiga ah halkaan, Brussels, waxaan jeclahay in aan warbixin idinka siiyo, isla markaasna idiinla qeyb-sado afkaarta soo socota ee la qaban doono" ayuu ku yiri qoraalkiisa isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey.

"markii la magacaabay Raiisul Wasaaraha, waxaa la dhisay Golihii Wasiirada cusub hal asbuuc oo wada-hadalo ah, Waxayna ka kooban yihiin qaar wanaagsan oo laga keenay TFG-da, ARS-ta iyo banaankaba, dhammaantoodna waxaa ka go’an in ay tixgeliyaan sharafta iyo karaamada Soomaliyeed, iyo sidii is afgarad dhexmara dhamaan Ummadda Soomaaliyeed loo heli la haa , kaas oo si aad ah loogu baahan yahay, Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka, Raiisul-Wasaaraha, Wasiirada iyo Xubnaha baarlaamnakaba way ka guureen Jabuuti, waxayna u guugeeren Muqdisho. Arrintaas waxay aheyd talaabo aan fududeyn balse waxaa si buuxda ugu heshiiyey geesiyiinta Soomaaliyeed oo garwaaqsaday in loo baahan yahy dhismaha dawlada la geeyo Caasimadda".

"Mar aan booqday dalkiina, bilihii Nofembar 2007 iyo February 2008, kuwii weday dagaalada, waxay farta ku fiiqaayeen joogitaaka Itoobiya, kuwa taageersanaa qaska waxay mar-marsiyo ka dhiganayeen joogitaanka Ciidamaada Itobiya. Haddana, hal bil kadib markii ay baxeen ciidamaddii Itobiya, weli gumaadkii baa sii socda. Dadka arrimmaha Soomaliya u dhuun- daloola, waxay hore u sheegeen in sababta runta ah ee wax loo dilaayo aysan aheyn joogitaanka Ciidamdda Itobiya. Fadlan, walaalayaal, beeneeya malada dadka aan kadlaayo, idinka oo ka codsanaaya kuwa wax dilaaya in ay joogiyaan daadinta dhiiga dadka aan waxba galabsan ee Soomaliyeed" ayuu ku yiri Axmed Wallad qoraalkiisa isagoo Soomaalida qurbo joogta u muujinaya sida uu isagu aaminsan yahay, islamarkaana digniin ku siinaya manaxayaasha sii naaxaya.

Ahmedou Ould Abdullah wuxuu keloo qoraalkiisa ku sheegey "Way qaldan yihiin kuwa ku adkeysanaya in ay wax dilaan, afduubaan ama galaanba denbiyo kale haddii ay u heystaan in arrintu sidii hore ee caadiga aheyd ay isaga socon doonto. Horey dadkaani waxay u dili-jireen walaalahooda, bulshada caalamkuna wey iska daawan jirtay, iyada oo marwalba abaabuli jirtay shir cusub oo arrimmaha Soomaaliya looga hadlaayo. Arrinta si kastaba ha ahaatee, xaalkaasi wuu dhammaaday hadda. Dadkiina, saaxibadiina, iyo dersikiinaba, dhammaan in tuba waxay ka daa-leen dhiiga macna la’aanta loo daadinaayo. iyaga iyo bulshada caalamkuba ma ogolan- nayaan in dhiigo iska socdo. inaga oo wadajirana ayaan wada shaqeyneynaa si aan u soo celino madax-banaanidda iyo karaamadda wadanka. Waxaa jira dareen adag ee heer wadan iyo caalamiba leh, loogan soo horjeedo kuwa ay ka go’an tahay sii wadista qaska iyaga oo sii qabsanaya wadanka ama qeybo ka mid ah.

Waxaa xaqiiq ah in dadka ka soo horjeeda qaswadayaasha aynan ogolaanaynin in xukuumadda is-bel xun lagu sameeyo. Hadaba ayada oo arrintaan maanka lagu hayo, fadlan u sheega kuwa doonayaa in Soomaliya ay ahaato wadan gunta ka-kala qeybsan in ay joojiyaan qaska, xoogooduna isugu geeyaan geedi socodka nabadda, naftooda wax utaristeeda, tan eheladooda iyo tan dadka ay dhibaateynayaanba. Hadiise ay dhibaatadaan ay u samaynayaan xumaan ay ka xunyihiin guusha Sheikh Sharif Sheikh Axmed waa in kuwani akhristaan suuradda quraanka kariimka ah ee birabil Falaq.-- (Suratul –Al-Falaq 113)".

"Seddex wadan oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka- France, UK iyo USA ayaa shir isugu yimid 25 February 2009 magaalada London, shirkaas oo ahaa mid guuleystay lana doonayay in wax lagu qabto. Haddaba, Go’aanka shirka ee ku aadana in lagu taageero nabada iyo xukuumada cusub wuxuu ahaa mid cad oo aan leex leexad lahayn. Waxaa jira baahi loo qabo in dadka loo dhawaado, waxna laga qabto dareenkooda la xiriira arrimmaha nabadgelyada, kaalmada bani’aadanimo, dib u dhiska iyo isu keenista ummadda. Sida dhammaan wadamadda kale ee ay ka jirto nabadda, Soomaaliya waxay xaq u leedahay in Safaarado laga dhex furo, ayna xafiisyo ku yeeshaan wakiiladda ururadda caalamiga ah sida Qarammadda Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yursub, Ururka wadamadda Islaamka aduunka iyo wixii la mid ah. Laakin Soomaalia arrinteedu maanta wey ka duwantahay sida aan soo sheegnay, waa waddan ayna joogin safiiro, haddaba arrintaani waa in ay dhamaato". Isagoo faah faahinayo qaybo ka mid ah wadamada golaha amaanka xunaha ka ah oo shir gaar ah ku yeeshey magaalada London, inkastoo uusan sheegin Soomaaliya cida mateleysey oo shirkaasi ka qayb-gashey.

Uqaybsanaha Xafiiska Qaramada midoobey ee Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah wuxuu keloo qoraalkiisa dheeraa ku sheegey in shirka London lagu qabtey ay taageen Kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya

"Fikrada Wadamada seddexda ah ee aan soo sheegay (France, UK, USA) waxaa ogolaaday gudiga caalamiga ah ee la xiriirka arrimaha Soomaaliya, kaas oo anigu aan ku shir gudoominaayey magaalada Brussels inta u dhexeeysay 26-27 February. Shirkaani wuxuu ahaa kii ugu soo qeybgalka badnaa, laga soo bilaabo sannaddi 2005 taas oo aheyd markii la aasaasay ururka. Waxaan hadda ka soo qeybgalay ku dhawaad 30 wadan iyo ururo kale oo caalami ah. Bulshada caalamku waxay balan qaaday in ay si deg-deg oo macquul ah u maalgeliso baahida ugu mudan. Waxaa sharaf idin ah in aad ogaataan in arrin khuseeysa Soomaaliyada qurba-joogta ah laga hadalay dhowr jeer taas oo khuseysa dowrka ay ka qaadan karaan geedi socodka nabada. Haddaba, waxaa jira Mashruuc lagu hawlgelinaayo 150 khubaro Soomaaliyeed ah, laguna hawlgelinaayo dadka qurbajoogta ah si loo kaalmeeyo maamulka cusub ee Soomaaliyeed. Annaga ayaa idinkaga soo warami doona su’aasha la xiriirta khubaradaani iyo go’aanka ay ka qaadanayaan wadamada qaarkood kuwaas oo hadal furan la yeelan doona madaxda dadka Soomaalidda ah ee wada-madooda ku nool si si wax ku ool ah loogu taageero geedi socodka Nabadda ee Soomaaliyeed. Dadka qaarkii ayaa soo jeediyey waxa laga yeelaayo dadka Soomaaliyeed ee ku jira liiska dadka la doonaayo ee Golaha Amaanka. Haddii aan si kale u iraahdo sideebaa daadkaan looga saari kara liiska. Jawaabteyda waa mid cad oo walaal tinimo ku qotonta. Dad badan baanan caawinaynin dadka Soomaaliyeed, ayaga oo arrintaan jaah-wareer ka abuuraaya. Waxaan dhihi kara dadka Soomaaliyeed ee ku jira liiskan, waxay xaq u yeela-naayaan in laga saaro liiska haddii iyo goorta ay cadeeyaan taageerada ay u haayaan nabadda wadankoowa ka socota. Anniga ayaa qof ahaan mas’uuliyad isaga saaraaya in aan difaaco arrimmaha dadkaan haddii ay qaadaan talaabada aan soo sheegnay".

Ugu dambeyn Ahmedou Ould Abdullah wuxuu qoraalkiisa kusoo gebagebeeyey "Bulshada caalamku waxay si cad u cadeyneysaa taageerada ay u heyso talaabooyinka muhimka leh ee laga sameeyey dalka gudihiisa. Sida caadadu tahay taageerida qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa marwwalba muhiim u ah ka libkeenista guusha waqtiga dhow iyo kan fogba".

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Ahmedou Ould Abdullah “Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadkiinaan qurba-joogta ah in aad la hadashaan…” Warqad kusocota Qurbo joogta Soomaaliyeed.... Akhri... Feb 6

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009

barreBarre Hiiraale: "Waxaan kalsoonidii kala noqonay xukuumadda Sh. Shariif" - waraysi uu la yeeshay Maxamed Gaarane: Dhegeyso ama soo rogo

Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur " Baarlamaanku Inuu Bur buro Waa Roonaan Lahayd… " hadii si sax ah loo maamulo waxa jita, ma imaan lahayn khaladaadka hada jira.. Akhri.. Mar 1

Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh "Maantana Waxaa Farxad Inoo ah Dowladii Ugu Horeysey oo 3 Wasiir Ay Ku Yeeshaan Haweenka Soomaaliyeed" Akhri March 1

carabXildhibaan Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…” - Feb 28

nunowWasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow "Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig u ah Diinta Islaamka".. Akhri.. - Feb 27

keynaancaashoXildhibaan Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah".. Akhri... Feb 25

yusufWaraysi: Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15 Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub magacaabo.. Akhri

oomaarWasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23

xasan iyo shariifWaraysi: Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa" Akhri.. - Feb 18

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS