SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sudan waxay nagu leedahay abaal wayn
Walaalka dhabta ah waxaa la gartaa waqtiga dhibaatada

Liibaan Cabdi Cali
Hayaan_8@hotmail.com

Soomaali badan ayaa dalkooda hooyo uga cararay dagganaansho la’aan iyo dagaallo marna u dhexeeya walaalaha coloobay,marna ka dhex taagan soomaalida iyo cadow kale oo dibadda uga soo duulay.

Soomaali badan ayaa maciin biday in ay qurbaha u haajiraan si ay noloshooda u meeleeyaan oo ay raadiyaan nolol ka wanaagsan ka dalkooda ka jirta. Waxay u kala yaaceen dacallada adduunka,waxayna la kulmeen dhibaatooyin aan la soo koobi Karin.

Kumannaan ayaa badaha ku haftay kumaan kalena waxay ku nafwaayeen dhulal geeri go’an ah oo aan cidina joogin markii sahaydii halkaa uga idlaatay,waxayna baahi iyo harraad u geeryoodeen iyagoo is daawanaya.

Dalalka soomaalidu waayadi dambe u yaacday si ay uga sii gudbaan, waxaa ka mid ah Sudan oo ah dal muslim ah oo dhaca bariga Africa.

Sanadihii u dambeeyay soomaali badan ayaa soo galayay dalka sudan,iyagoo ka soo tallaabayay xudduudaha dalkaasi la wadaago ilaa 9 dal oo African ah.si wanaagsan ayaa loola dhaqmayay soomaalida oo suudaantu wax dhib ah oo la sheegi karo uma gaysasn soomaalidaas dalkoodu ololayo.

Toddobaadkii tagay waxaa ka dhacay sudan dhacdo murugo leh,oo dad soomaali ahi ku le’deen. Fiidnimadii talaadada oo taariikhdu ahayd 25 Feb 2009 ka ayay ahayd markii gaari siday tahriibayaal soomaali ah uu ku rogmaday tuulo la yiraahdo Nudayfiyah oo 80km galbeed kaga beegan magaalada Khartoum ee caasimadda dalka sudan.

Dadka waxaa masiibadu haleeshay iyagoo ku sii socda dhanka Libiya oo ay ku talo jireen in ay uga sii gudbaan dhanka talyaaniga.

Nooca gaarigu wuxuu ahaa YZ ,waxaana saarnaa ku dhawaad 70 soomaali ah iyo darawalka iyo kaaliyihiisa oo u dhashay dalka sudan.

Qaddarta rabbi waa halkeeda,laakiin dadkii badbaaday waxay noo sheegeen in wadaha gaarigu Cabsanaa, uuna xawaare sare ku kaxaynayay gaariga iyadoo waddaduna qardajeex ahayd.

Geerida dadka waxaa badiyay fuustooyin shidaal iyo biyo ku jireen oo gaariga saarnaa, 7 ka mid ah dadka soomaalida ah ee geeryooday waxaa dilay fuustooyin ku dul dhacay oo qaarkood si daran u ridqay.

Markii shilku dhacay oo talaado fiid hore ahayd ilaa maalinkii arbacada ee xigtay, dadka iyo dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxay yaalleen goobtii masiibadku ku haleeshay.

Dadka deegaanku way soo gurmadeen,waxayna gacan siiyeen dhaawaca, galabkii dambe ayay goobta gaareen boolis laga diray Khartoum iyaga ayaana dadka u soo daabulay isbitaalka guud ee Khartoum.

9 –kii fiidnimo ayaan ka war helnay in dad soomaali ah oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira la keenay isbitaalka, markii hore waxaa nalagu yiri dhimashadu waa 13 laakiin dib ayay ka caddaatay in ay 9 yihiin.

Gurmad walaalnimo.

Si wanaagsan ayay u dhaqmeen reer sudan,walaalnimo ayay noo muujiyeen,waxay na illowsiiyeen in aan nahay qurba joog.

Booliska, Milatariga ,howlwadeennada isbitaalka iyo xitaa dadwaynaha isbitaalka joogay,dhammaantood waxay noo muujiyeen sida ay uga murugaysan yihiin dhibta ku dhacday walaalahooda soomaaliyeed,waxay u rajeeyeen in ay dhaqso u bogsoodaan kuwooda dhaawacmay,kuwa dhintayna waxay alle uga baryeen in uu jannadiisa ku mannaysto.

Dhaqaatiirtu si hagar la’aan ah ayay u gacan siiyeen dadkii dhaawacyada qabay,kuwii fudfududaa isla markiiba way dabiibeen,kuwii xaalkoodu adkaana waxay xawileen isbitaallo ka qalab iyo khibradba wanaagsan ka markii hore la keenay.

Waxaa isbitaalka ugu yimid dhallin yarada saraakiil ciidan oo sar sare,waxayna mid mid ula hadleen dhibbanayaasha,oo ay uga tacsiyaynayeen dhibta gaartay.

Marnaba kama maqlin canaan,waxayna si is daba jooga ah noogu sheegayeen in aan joogno dalkeennii labaad.

Inshaa allaah dalkiinnu wuu idiin hagaagi doonaa,waxaad waajib noogu leedihiin in aan idin gacan siinno,waxaad tihiid dad wax waliba naga dhexeeyaan oo walaal nala ah.
Waan ka murgaynaa dhibta dalkiinna ka taagan wanna ka dmqanaynaa.
Ilaahay idankiina wad ka bixi doontiin .
Erayadaas iyo kuwa kale oo badan oo na dhiirri galiyay ayaan ka maqlaynay walaalaha suudaan ee noo soo gurmaday.

Waxay reer suudaan nagu leeyihiin abaal badan,waxaa xusi doonta taariikhda iyo qof kastoo dadnimo leh,arrintaa waxaa qaddarin kara cid kastoo u soo joogtay dhibtii halkaa ka dhacday iyo sida walaalaha suudaan noola duubreen.

Waxaan marna xasuustayda ka go’i doonin hadal uu Jannaraal lagu magacaabo Cumar oo si tawaaduc ku jiro noogu sheegay in uu soomaalida jecel yahay,waayo waxa uu yiri waa dad qur’aanka ilaahay xafidsan oo qiiro leh. Wuxuu janankaasi noo qoray telefoonkiisa oo yiri “Mar kasta oo aad wax u baahataan isoo waca”

Sidoo kale waxaa isna nala duubtay oo nala dhafray intii dhaawacyada lala tacaalayay,walaal lagu magacaabo Xaarith, oo ka tirsan hay’adda daryeelka qaxootiga,wuxuu noo sheegay in uu diyaar noola yahay daryeelka dadkaasi dhibtu gaartay. Xitaa haddii aad u baahataan qareen dadka dhibtu gaartay u dooda anigaa idiin qabanaya ayuu igu yiri mar aan telefoon kula hadlay.
Markasta oo dhib idinku soo kordho ama aad u baahataan in arrin la idinka gacan siiyo iigu kaalaya xafiiskayga ama ila soo xiriira ayuu nagu yiri.

Dadka dhaawacyada fudud qabay iyo kuwa aan waxba gaarin,waxay qabeen cabsi badan intii ay isbitaalka ku jireen,waxay u haysteen in xabsiga loo taxaabi doono,laakiin way u qaadan waayeen oo aad ayay u farxeen markii loo sheegay in aan daalac loo raacan doonin ayna xor u yihiin in ay u iska baxaan,kuwoodii dhaawacyada qabay waxaa loo sheegay in ay iman karaan isbitaalka si ay dawooyin u qaataan ilaa ay ka bogsoodaan.

Isla habeenkii saq dhexe intii dadka intoodii socon kartay waxay si xornimo leh u joogeen Khartoum,ilaa haddana cidina wax kama waydiin sidii ay dalka u soo galeen ama in ay dalka isaga baxaan.

9 qof oo mayd ah aaskoodu uma sahlana soomaalida ku dhaqan sudan oo arday u badan,marka waxaa loo baahnaa cid gacan ka siisa aaska dadkaasi.

Waxaa mudan in loo mahad celiyo hay’adda Xusnul khaatima oo ka shaqaysa aaska dadka muslimiinta ah,iyadoo aan wax lacag ah ka qaadan.

Markii aan madaxda hay’adda ugu tagnay xabaalaha waxay noo soo dhaweeyeen si diirran,waxayna noo ballan qaadeen wax kasta oo duugta ku saabsan,si joogto ah ayay noo soo wacayeen, waxaan dhowr mar ka dalbannay in ay ballaariyaan xabaalaha,waan ka soo daahnay wayna noo dul qaateen, markii aan maydadka diyaarinnay iyaga ayaa nooga horreeyay xabaalaha.

Madaxa hay\adda iyo dadka ka shaqeeya iyagoo aan u kala harin waxay joogeen goobta aaska,iyagoo murugaysan,waxayna gacan laxaad leh ka qaateen aaska.

Ugu dambayntii shacabka sudan iyo xukuumadda sudan waxaan uga mahad celinaynaa sida wanaagsan ee ay u bar bar istaageen soomaalida oo ay u muujiyeen walaalnimo iyo xushmo heer sare ah.

Waxaan ilaahay uga rajaynaynaa sudan in uu u raajiyo dowladnimadiisa iyo madaxbannaanidiisa,uuna ka caabiyo cadowga dhan kasta ka soo weeraraya.oo u diiddan horumarka iyo khayraadka dalkaasi ku tallaabsaday.

Soomaalida waxaan ku boorrinayaa in ay maanka ku hayaan had iyo jeer reer sudan oo aanay marnaba ka abaal dhicin,waxa kaliya ee aan xilligan ku caawin karno sudan,waa in aan si kal iyo laab ah ugu ducayno oo aan ilaah uga barinno in uu nabad iyo horu mar gaarsiiyo.

Dhammaad
Liibaan Cabdi Cali
Hayaan_8@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS