MAXAD KALA SOCOTAA ISBADALADA KU YIMID DEGMADA LUUQ ETIOBIANKA KA DIB?
Luuq Ganaane ama luuq awmaadow Amaba Degmada LUUQ waxaa ey ka tirsantahay
Gobalweynaha GEDO waana magaalo uu dulmeero kuna wareegsanyahay webiga JUBBA
qofki aanan tegin LUUQ waxaa loogu misaali karaa Jaziirad Loo Tamashlo Tago Ama
SHARMAL SHEIKH-di Somalia,kuna haboon in dalxiis loo tago,
marka aad booqatid LUUQ darbadiiba waxaa ku soo jiidanaya Geedaha dhaadheer ee
wadooyinka waaweyn ee magaalada ku teedsan Haba u badnaadeen Geedka Somalida U
taqaan "GEED HINDI"
Luuq oo ah magaalo Lagu yaqaan in dadka ku dhashay eey dadka kale iska
jecelyihiin iyago oo is raadsado waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mida in qofki
reer luuqa ah haduu ku garan wayo aadna tahay qof reer luuq ahi Eyan dhaceyn In
uu Garan waayo Abahaa.Taasina Ma'ahan Micniheedu in magaaladu Yartahay ee Waa
dadka oo Isjecli iyo Walaalnimo Xad Dhaaf ahi Ka dhaxeyso,
Degmada luuq ayaa waxa ey soo martay Marxalado ama waqtiyo kala gedisan inti ka
danbeysay Burburki dawladdi M.M.MAXAMED SIYAAD
Muhiimada qoraalkan ma ahan in aanu ka faaleyno is badalada siyaasadeed ee ay
soo Madhay LUUQ Balse waxi Ka danbeeyay Sanaddii 1997 ayaa waxaa Si Joogto ah
Magaalada U dagay Ciidamada dawladda aanu Dariska Nahay EE Ethiobia
inta ay Ku sugnaayen Degmada ayaa Dadweynaha Deggan Magalaada oo aan qaar Ka
Mida Kula Xidhiidhay Khadka Tellifoonka waxaa ey aad uga cawanayeen Tacadiyo
Fara Badan oo aanan Halkan Kusoo Koobi kareyn,
Dadka Degmada Ku nool ayaa soo Dhuweynaya Is bedelka ku yimid magaalada
iyado tiro kalena ey Si Taxadar Ku jiro Usoo Dhaweyeen
Balse Amaanka magaalada ayaa aad loo amaanayaa iyada oo dadku si nabad ahi u
aadi karaan xaafadda ey doonaan iyo waqtiga ey doonaan dadka Deggan Degmada
SHEIKH MAXAAD Iyo Degmada ABAQBUUL ayaa Si Gooni ah waxa eey uga Cawdeen in
aaney Salaadda subax Ku tukan jirin Masjidka weyn ee Ku yaal SUUQA CAKAARO
Sababtana waxaa ey ku sheegeen Masjidka oo Massaafo u jira xaafadaha eyna dhib
aheyd U socodkiisa Balse arintaas ayaa Hadda daawo loo Helay iyagoo aad ey
farxadi uga muuqato ayaa eey soo dhaweeyn isbedelka degmada ka muuqdo iyagoo
illaah ka rajeyay in ay ku raagaan .
Ganacsiga ayaa aad ukala socda maciishadana waa ey raqiistay iyadoo aad uga
jaban sidii hore Taasna waxaa lagu macneeyay iyada oo wadooyinka soo gala
magaalada oo ey ka yaraatay Isbaarada gawaarida looga qaadi jiray lacagta Baadda
ahi,
Ugudanbeyntii Dadka Deggan Magaalada Luuq Gaar ahaan Wax garadka iyo
Dhalinyarada aaney u saamixin in ay Dibadda uga Dhoofaan degmada si ay wax
barashadooda u Kordhiyaan ayaa ugu baaqay Dhalinyarada Gobalka Guud ahaan, Gaar
ahaan Kuwa Degmada kasoo Jeeda ee Jaaniska u helay Iney Dibada uga dhoofaan In
ay gacan siiyaan Dadka ku nool Degmada luuq Gaar ahaan Dhalinyarada iyagoo ku
baaqay in ey xagga schoolada ka garabsiiyaan iyagoo codsaday in Dugsigi Sare ee
degmada sidi loo soo nooleyn lahaa Garab Lagu Siiyo.
Hassan Ismacil yare(HassSunni)
Seattle
xnuur11@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009
Barre
Hiiraale: "Waxaan kalsoonidii kala noqonay xukuumadda Sh. Shariif" - waraysi uu la yeeshay Maxamed Gaarane:
Dhegeyso ama
soo rogo
Xildhibaan
Ismaaciil Axmed Nuur " Baarlamaanku Inuu Bur buro Waa Roonaan Lahayd… "
hadii si sax ah loo maamulo waxa jita, ma imaan lahayn khaladaadka hada jira..
Akhri.. Mar 1
Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh "Maantana
Waxaa Farxad Inoo ah Dowladii Ugu Horeysey oo 3 Wasiir Ay Ku Yeeshaan Haweenka
Soomaaliyeed" Akhri March 1
Xildhibaan
Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana
Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…” - Feb 28
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow
"Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig
u ah Diinta Islaamka".. Akhri.. - Feb 27

Xildhibaan
Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada
Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka
uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah"..
Akhri... Feb 25
Waraysi:
Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15
Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub
magacaabo.. Akhri
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi
Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo
Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23
Waraysi:
Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux
Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa"
Akhri.. - Feb 18