Al-Bashiir Meel Dayo, Carabi Waa Lo’ kisiye
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Maxakamadda Adduunka Adduunka ee Magaalada Hayg ee dalka Holland ayaa soo
saartay warqad lagu amrayo in la soo xiro Madaxweynaha wadanka Soodaan Cumar
Xasan Al-Bashiir kadib markii lagu eedeeyey in uu gaystay wax ay reer Galbeedku
ku tilmaameen xasuuq.
Markiiba waxaa ka gilgishay arrintaan dhamaan ummadaha islaamka iyo waliba
wadamada Carbeed oo qaarkood ku tilmaamay arrintaan mid lagu doonayo in lagu
baabi’iyo Geesiyaasha wadamada Carbeed, waxaana banaanbaxyo lagu taageerayo
Al-Bashiir ay ka dhaceen wadamo ka tirsan Carabta iyo waliba Islaamka, waxa uuna
banaanbixii ugu weynaa ka dhacay wadanka uu madaxda ka yahay Al-Bashiir ee
Soodaan waxaana isugu soo baxay malaayiin qof oo si weyn u taageersan Madaxweyne
Al-Bashiir.
Shacabka Carbeed waxaana weli dhegahooda ka bixi la’ daldalaaddii loo gaystay
madaxweynihii hore ee wadanka Ciraaq Sadaam Xuseen kadib markii lagu eedeeyey in
uu xasuuq ka gaystay wadanka Ciraaq, Soomaalidu waxay tiraahdaa (Hashu
maaankayga gadaye ma masaar bay lixqday). Sadaam Xuseen waxaa lagu eedeeyey in
uu deegaanka Dujeyl ku dilay 140 qofood, waxaase la yaab leh in maalin kasta ay
Ciidamadda Mareykanka ku dileen Ciraaq 1200 oo qof, marka su’aasha isweydiinta
mudani waxay tahay, Ma Sadaam ayaa xasuuq gaystay mise Bush-kii horey uga talin
jiray Mareykanka?, runtuse waxay tahay in Xasuuq la dhihi karo tan uu ku kacay
Bush oo mudaddii dhowrka sano ahayd ee uu arriminayay ka gaystay Ciraaq xasuuq
aad u baahsan oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya boqolaal kun.
Markii Sadaam la daldalay wadamada Carbeed iyo caalamka Islaamka banaanbaxyo
ayaa ka dhacay hase yeeshee cid isweydiisay ama dab-gashay sababta loo dilay ama
loo daldalay Sadaam Xuseen ma jirin, waxaana mudo iska degay shucuurtii dadka oo
waaba la iska hilmaamay gardaradii lagu daldalay Sadaam Xuseen, markii la
ogaaday in dadku ay qalbigooda ka saareen gardaradaas ayaa haddana waxaa dhacday
in loo soo jeesto xasuuqna loo gaysto shacabka reer Falastiin ee ku nool Marinka
Qasa, waxaana ku dhintay dad gaaraya 3000 oo qof, waxaana halkaa lagu baabi’iyey
guryahoodii iyo hantidoodii, waxaana arrintaa gaysatay Dowladda Yuhuudda,
xasuuqaasi caalamku indhaha ayuu ka daawanay, xitaa wadamada carbeed ayaa ku
kala qaybsamay oo qaarkood waxay yiraahdeen waxaa gardaran Xamaaz, hase yeeshee
si shacabka Carbeed loogu laab qaboojiyo waxaa la bilaabay in la yiraahdo waxaan
u uruurinaynaa balaayiin Doolar, hase yeeshee Dowladdaha carbeed xoogga ma aysan
saarin sidii uusan mar kale dib ugu soo laaban lahayn xasuuq noocaa oo kale ah,
hase yeeshee waxaa mid waliba dhegta loogu sheegay in dib loo dhisayo wixii ay
israa’iil burburisay. Dhacdadaas xanuunka badan iyana halkaa ayay Wadamadii
Carbeed iyo kuwii Islaamka uga hareen.
Waxaa maqli jiray sheeko tibaaxaysa in beri ay saaxiibo ahaan jireen Saddex sac
oo saddex midab leh sida (Guduud, Caddaan iyo Madow), waxay mudo wada socdaan oo
ay saaxiibo ahaadaan waxaa markii dambe ku soo biiray Libaax oo ujeedo qarsoon
lahaa, Libaaxaa ayaa dhowr jeer damcay in uu hunguriyeeyo saddexda sac, hase
yeeshee waa uu ku dhici waayay, waxa uuna markii dambe u dejiyo qorshe uu ku
kala dhantaalayo awoodooda, sacii caddaa oo gooni daaqaya ayuu wuxuu u tagay
labadii kale waxa uuna ku yiri “Niman yahow war ma idiin sheegaa, sacaa cad aaan
iska dheerayno, maxaa midabkiisa cad ayaa habeenkii nalaku soo raacaa” labadii
sac ayaa hadalkaa run u qaatay waxayna iska riixeen sacii caddaa, libxaa ayaaa
markii uu arkay in sacii caddaa gooni loo riixay ayuu halkaa ku cunay, mudo
markii la joogay ayuu haddana u tagay sacii gaduudnaa waxa uu yiri ku yiri “War
ma haysid miyaa, sacaan madow habeen walba qayladiisa ayaa nalagu soo raacaa
marka waa in aan ka dheeraano”, isna waxba ma hubsanine sacii saaxiibkii ahaa
ayuu iska fogeeyey isna si tartiib ah ayaa loo cunay, waxaana markaan isku soo
haray sacii gaduudnaa iyo libaaxii, waxay mudo wada joogaana ayaa maalin
maalmaha ka mid ah libaaxii oo soo gaajooday isaga oo caro ka muuqato wajigiisa
waxa uu u soo dhaqaaqay dhankii sacii gaduudnaa, waxa uuna sacii gaduudnaa
gartay in maanta uusan liibaxu daynayn, cid ka badbaadin kartana aysan jirin,
waxa uuna iskula calaacalay “Waxaa la cunay maalintii la cunay Sacii Saaxiibkay
ahaa ee Caddaa”, halkii ayaan isna maalinkaa lagu dubtay. Wadamada Carbeed anigu
waxaa ku tilmaami karaa sheekadaas, hase waxaana filimadda ka daawaday Lo’ kisi
aad u fara badan oo kumaan kun ah oo hal libaax dhexda uga soo dhacaa, iyana
durbaddiiba way ka firxaddaan, iyagoon dib isu soo fiirin, waxa uuna Libaaxu
sida uu u eryanayo marka dambe la haraa hal, in cabaar ah markii uu dhiigga ka
dhuuqo ayuu Hilibkii oo fareesh ah isaga tagaa oo mar kale ka daba yimaadaa
racii oo hore oo sii qoodaynaya waxa uuna halkaa mar kale kala haraa mid ilaa
iyo sidaa ku dhameeyo, iyaguna isma weydiiyaan arrinta libaax iyo saaxiibadooda
la cunay, kuma tashaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen, mar kale waxaan dhihi
lahaa Carabi Lo’ kisigaa oo kale oo wayba ka sii liiteen Lo’da caadiga ah
madaama saddexda sacaad uu libaaxu ku cunay qaab farsameysan isagoo kala dilay,
balse Carab ayaa haatan u muuqata mid aan farsamo u baahneen oo iska bashaqso
ah.
Al-Bashiir waxa uu qayb ka yahay Lo’ kisigaa la daba taagnaa, waxaana muuqata in
toogadiisii la soo gaaray, lamase garanayo waqtiga lugta la qaban doono, waxayna
dad badan oo faaleeya arrimaha Siyaasadda Caalamka gaar ahaan tan carabka
sheegeen in Al-Bashiir aysan la gudbooneen in uu isku haleeyo Wadamada Carabka,
waxayna aqoonyahanadu tilmaameen in Al-Bashiir ay dhici karto in uu wadan
carbeed gacanta u geliyo maxkamadda doon dooneysa, waayo Wadamada Carabta oo
dhan ayaa lagu xantaa in ay u adeegaan wadamada reer Galbeedka.
Shacabka Soomaaliyeed oo waayo aragnimo ka helay marxalado kala duwan oo ay soo
mareen ayaa Al-bashiir u soo jeediyey in uusan dhegna jalaq u siin wax ka soo
yeeraya dhanka reer galbeedka, balse uu ku tashado dadkiisa iyo dalkiisa, waxay
dadka qaarkii yiraahdeen “Al-Bashiir ma waxaad ka liidataa Gen. Caydiid, isaguba
warqad ayaa loo jaray waxaana lagu guuldaraystay in la soo qabto, waxayna
aakhiritaankii keentay in dib looga laabto amarkaas, kadib markii uu ku daatay
dhiig fara badan”.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Dagaal Caamo Culimaa
Xalisa, Mid Culumase Maxaa Xal u ah? Akhri
Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2009