SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Al-Bashiir Meel Dayo, Carabi Waa Lo’ kisiye

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Maxakamadda Adduunka Adduunka ee Magaalada Hayg ee dalka Holland ayaa soo saartay warqad lagu amrayo in la soo xiro Madaxweynaha wadanka Soodaan Cumar Xasan Al-Bashiir kadib markii lagu eedeeyey in uu gaystay wax ay reer Galbeedku ku tilmaameen xasuuq.

Markiiba waxaa ka gilgishay arrintaan dhamaan ummadaha islaamka iyo waliba wadamada Carbeed oo qaarkood ku tilmaamay arrintaan mid lagu doonayo in lagu baabi’iyo Geesiyaasha wadamada Carbeed, waxaana banaanbaxyo lagu taageerayo Al-Bashiir ay ka dhaceen wadamo ka tirsan Carabta iyo waliba Islaamka, waxa uuna banaanbixii ugu weynaa ka dhacay wadanka uu madaxda ka yahay Al-Bashiir ee Soodaan waxaana isugu soo baxay malaayiin qof oo si weyn u taageersan Madaxweyne Al-Bashiir.

Shacabka Carbeed waxaana weli dhegahooda ka bixi la’ daldalaaddii loo gaystay madaxweynihii hore ee wadanka Ciraaq Sadaam Xuseen kadib markii lagu eedeeyey in uu xasuuq ka gaystay wadanka Ciraaq, Soomaalidu waxay tiraahdaa (Hashu maaankayga gadaye ma masaar bay lixqday). Sadaam Xuseen waxaa lagu eedeeyey in uu deegaanka Dujeyl ku dilay 140 qofood, waxaase la yaab leh in maalin kasta ay Ciidamadda Mareykanka ku dileen Ciraaq 1200 oo qof, marka su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay, Ma Sadaam ayaa xasuuq gaystay mise Bush-kii horey uga talin jiray Mareykanka?, runtuse waxay tahay in Xasuuq la dhihi karo tan uu ku kacay Bush oo mudaddii dhowrka sano ahayd ee uu arriminayay ka gaystay Ciraaq xasuuq aad u baahsan oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya boqolaal kun.

Markii Sadaam la daldalay wadamada Carbeed iyo caalamka Islaamka banaanbaxyo ayaa ka dhacay hase yeeshee cid isweydiisay ama dab-gashay sababta loo dilay ama loo daldalay Sadaam Xuseen ma jirin, waxaana mudo iska degay shucuurtii dadka oo waaba la iska hilmaamay gardaradii lagu daldalay Sadaam Xuseen, markii la ogaaday in dadku ay qalbigooda ka saareen gardaradaas ayaa haddana waxaa dhacday in loo soo jeesto xasuuqna loo gaysto shacabka reer Falastiin ee ku nool Marinka Qasa, waxaana ku dhintay dad gaaraya 3000 oo qof, waxaana halkaa lagu baabi’iyey guryahoodii iyo hantidoodii, waxaana arrintaa gaysatay Dowladda Yuhuudda, xasuuqaasi caalamku indhaha ayuu ka daawanay, xitaa wadamada carbeed ayaa ku kala qaybsamay oo qaarkood waxay yiraahdeen waxaa gardaran Xamaaz, hase yeeshee si shacabka Carbeed loogu laab qaboojiyo waxaa la bilaabay in la yiraahdo waxaan u uruurinaynaa balaayiin Doolar, hase yeeshee Dowladdaha carbeed xoogga ma aysan saarin sidii uusan mar kale dib ugu soo laaban lahayn xasuuq noocaa oo kale ah, hase yeeshee waxaa mid waliba dhegta loogu sheegay in dib loo dhisayo wixii ay israa’iil burburisay. Dhacdadaas xanuunka badan iyana halkaa ayay Wadamadii Carbeed iyo kuwii Islaamka uga hareen.

Waxaa maqli jiray sheeko tibaaxaysa in beri ay saaxiibo ahaan jireen Saddex sac oo saddex midab leh sida (Guduud, Caddaan iyo Madow), waxay mudo wada socdaan oo ay saaxiibo ahaadaan waxaa markii dambe ku soo biiray Libaax oo ujeedo qarsoon lahaa, Libaaxaa ayaa dhowr jeer damcay in uu hunguriyeeyo saddexda sac, hase yeeshee waa uu ku dhici waayay, waxa uuna markii dambe u dejiyo qorshe uu ku kala dhantaalayo awoodooda, sacii caddaa oo gooni daaqaya ayuu wuxuu u tagay labadii kale waxa uuna ku yiri “Niman yahow war ma idiin sheegaa, sacaa cad aaan iska dheerayno, maxaa midabkiisa cad ayaa habeenkii nalaku soo raacaa” labadii sac ayaa hadalkaa run u qaatay waxayna iska riixeen sacii caddaa, libxaa ayaaa markii uu arkay in sacii caddaa gooni loo riixay ayuu halkaa ku cunay, mudo markii la joogay ayuu haddana u tagay sacii gaduudnaa waxa uu yiri ku yiri “War ma haysid miyaa, sacaan madow habeen walba qayladiisa ayaa nalagu soo raacaa marka waa in aan ka dheeraano”, isna waxba ma hubsanine sacii saaxiibkii ahaa ayuu iska fogeeyey isna si tartiib ah ayaa loo cunay, waxaana markaan isku soo haray sacii gaduudnaa iyo libaaxii, waxay mudo wada joogaana ayaa maalin maalmaha ka mid ah libaaxii oo soo gaajooday isaga oo caro ka muuqato wajigiisa waxa uu u soo dhaqaaqay dhankii sacii gaduudnaa, waxa uuna sacii gaduudnaa gartay in maanta uusan liibaxu daynayn, cid ka badbaadin kartana aysan jirin, waxa uuna iskula calaacalay “Waxaa la cunay maalintii la cunay Sacii Saaxiibkay ahaa ee Caddaa”, halkii ayaan isna maalinkaa lagu dubtay. Wadamada Carbeed anigu waxaa ku tilmaami karaa sheekadaas, hase waxaana filimadda ka daawaday Lo’ kisi aad u fara badan oo kumaan kun ah oo hal libaax dhexda uga soo dhacaa, iyana durbaddiiba way ka firxaddaan, iyagoon dib isu soo fiirin, waxa uuna Libaaxu sida uu u eryanayo marka dambe la haraa hal, in cabaar ah markii uu dhiigga ka dhuuqo ayuu Hilibkii oo fareesh ah isaga tagaa oo mar kale ka daba yimaadaa racii oo hore oo sii qoodaynaya waxa uuna halkaa mar kale kala haraa mid ilaa iyo sidaa ku dhameeyo, iyaguna isma weydiiyaan arrinta libaax iyo saaxiibadooda la cunay, kuma tashaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen, mar kale waxaan dhihi lahaa Carabi Lo’ kisigaa oo kale oo wayba ka sii liiteen Lo’da caadiga ah madaama saddexda sacaad uu libaaxu ku cunay qaab farsameysan isagoo kala dilay, balse Carab ayaa haatan u muuqata mid aan farsamo u baahneen oo iska bashaqso ah.

Al-Bashiir waxa uu qayb ka yahay Lo’ kisigaa la daba taagnaa, waxaana muuqata in toogadiisii la soo gaaray, lamase garanayo waqtiga lugta la qaban doono, waxayna dad badan oo faaleeya arrimaha Siyaasadda Caalamka gaar ahaan tan carabka sheegeen in Al-Bashiir aysan la gudbooneen in uu isku haleeyo Wadamada Carabka, waxayna aqoonyahanadu tilmaameen in Al-Bashiir ay dhici karto in uu wadan carbeed gacanta u geliyo maxkamadda doon dooneysa, waayo Wadamada Carabta oo dhan ayaa lagu xantaa in ay u adeegaan wadamada reer Galbeedka.

Shacabka Soomaaliyeed oo waayo aragnimo ka helay marxalado kala duwan oo ay soo mareen ayaa Al-bashiir u soo jeediyey in uusan dhegna jalaq u siin wax ka soo yeeraya dhanka reer galbeedka, balse uu ku tashado dadkiisa iyo dalkiisa, waxay dadka qaarkii yiraahdeen “Al-Bashiir ma waxaad ka liidataa Gen. Caydiid, isaguba warqad ayaa loo jaray waxaana lagu guuldaraystay in la soo qabto, waxayna aakhiritaankii keentay in dib looga laabto amarkaas, kadib markii uu ku daatay dhiig fara badan”.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Dagaal Caamo Culimaa Xalisa, Mid Culumase Maxaa Xal u ah? Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS