Maxaa hortaagan in Soomali Heshiiso?
Dadka Soomaaliyeed oo marka dhinaca tirada
la eego aad ayay uga yaryihiin shacabka ku nool magaalada Qaahira, marka
baaxada dhulka la eegana haysta dhul hodan ah oo aad u wayn, marka
dhinaca cunsurka la eegona ah dad isku af, diin, iyo midaba ah ayaa
waxaa lala yaaban yahay waxa sababay colaadda qotada dheer iyo
isgumaadka arxan daro, iyo waxa hortaagan in la helo heshiis dhab ah oo
dhexmara shacabka Soomaaliyeed. Hadaba waxaan qormadeena kaga hadli
doonaa dhowr qodob oo aan is leenahay waxay sabab u yihiin in lagu guud
daraysto in la helo heshiis taabo gal ah.
Shirarka Dib u Heshiishiineed:
Shirarkii taxanaha ahaa ee la qabtay
mudadii aan ka yarayn 15ka jeer ayaa noqday kuwo lagu guul daraystay in
lagu soo afjaro colaada ciribta dheeraatay ee taala Soomaaliya.
Shirkasta oo ka mid ah kuwaasna waxaa lagu so dhoodhaabaa wax loogu
yeero dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed si markaasi loo qanciyo
deeq bixiyayaasha looguna waramo caalamka in guul laga soo hoyiyay
shirkaasi.
Shirkasta waxaa maamula, maalgeliya,
goobjoogna ka ah awoodo shisheeye oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya sida
UN, US, EU, Midowga Africa iyo Jaamacadda Carabtaba. Waxaa xaqiiq aan
cidina ka dahsoonayn ah in xafiisyada UN ee ku xididaystay Nairobi iyo
ururada kale ee aan dowliga ahayn, kuwaas oo nafaqaysta dhaqaalihii
loogu talagalay in lagu gargaaro maatada ku tabaalaysan Soomaaliya
inaysan marna raali ka noqonayn in la helo heshiis waara iyo dowlad
Soomaaliyeed oo taaba gasha, maxaa yeelay taasi waxay dhalin kartaa
shaqada oo ka dhamaata iyo xafiisyada oo xidhma.
Sidoo kale waxaa jira dowlado ka
faa’iidaytay dowlad la’aanta Soomaaliyeed kuwaas waxaa ka mid ah kuwa ku
mashquulsan xaalufinta khayraadka badeed ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa
jira dowlado ka u isticmaala dagaalada Soomaaliya iyo Itoobiya
istaraatiijiyo nololeed sida dagaalka dahsoon ee Biyaha wabiga Niil kaas
oo ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar. Intaa waxaa sii dheer wadamada
kulaalaya sidii ay awood ugu helilahaayeen helista khayraadka batrool ee
ku dihan dhulka Soomaaliyeed.
Intaa waxaa sii dheer in dowlad kasta
oo deriska ah oo marti gelisa shirarkaasina ahdaaf dhow iyo kuwo dheer
oo ay ka leedahay Soomaaliya ayay ku fushataa ama ugu sii gogol xaartaa
shirarkaasi, had iyo goorna ruux ama koox ay isleedahay waad ka fushan
kartaan ahdaaftiina ayay u ol’oleeyaan oo xukunka u dhiibaan. Sidaa
awgeed yoolka wadamada derisku waa qaybi, isku dir oo xukun, dabadeedna
dhaxal dhulka dihan ee gablanka ah oo aan dad u danqada haysan.
Iyadoo intaas oo arimood aysan inaga
daahnayn, ayaa hadana shirkasta wixii ka soo baxa waxaa ummadda
Soomaaliyeed gudo iyo dibadba ku soo dhaweeyaan qalbi hufan iyo rajo
wanaagsan. Taas micnaheedu maaha in shacabku dhoohan yahay oo uusan
dareensanayn tabcada lala damacsan yahay, deel qaafka iyo waxa aan
cuntamin ee meesha lagu soo dhoodhoobay, balse danta guud iyo
uboholyowgooda dowladnimo iyagoo ka turjumaya ayay ayidaan go’aamada
shirarkaasi. Ilayn, DOWLAD XUMI DOWLAD LA’AAN BAY DHAANTAAYE!!!
Nasiib daro dowlad kasta intaysan
hanaqaadin oo wakhtigii loo qabtay dhamaysan ayay fadhiid noqotaa ama
kan hogaanka u hayaa heeryadiisa cune noqdaa ama baarlamaan iyo wasiiro
ku sheegu ay darajo iyo faan moodaan majaro xaabin iyo fashilinta xilkii
iyo shaqadii loo diray.
Abwaan Qamaan Bulxan ayaa wuxuu yiri:
Baadida nin baa kula daydaya,
daalna kaa badane
Aan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.
Dullaal iyo mallaal wuxuba waa, Carabta deyntoode.
Sidaa awgeed geel ninkii lahaa dhici
ama dowlad iyadu is tabcaynaysa waxaan fili inaysan cidna badbaadin
karin.
Hadaba, inkastoo sababta fashilisay
dowlad kumeelgaaryadii dhowrka ahaa ama sababta dib u heshiis waafi ah
ay u dhici waayday, ayaa dadka qaar ku fasiraa oo daliishada qodobka kor
ku xusan . Laakiin aniga waxaan rabaa inaan laydhka ku siraado qodob
kaa ka muhiimsan , kaas oo aan is leeyahay wuxuu lafdhabar, halbowle iyo
sababa u yahay soo afjaris la’aanta Colaada Soomaaliya, qodobkaasina
waa inaan dib u heshiisiin dhab ah oo laga daacad yahay aysan Soomaliya
ka dhicin cidina isagaba iman.
Dib u Heshiisiin Dhab ah:
Shir ku sheegyada la qabtay kama duwana
nabar hoosta ka hurgumaya oo korka laga dhayayo, taasna waxa laga
dhaxlaa waa in nabarkii ama dhaawacii uu soo rogaal celiyo, kaar, xanuun
iyo xumad cusub oo kii hore ka darana la soo baxo, iyadoo goobtii buktay
uu “infection” galo dabadeedna kaankaro iyo kud arinkii isku bedelo.
Dhaawaciina gaaro heer aan waxba laga qaban Karin ilaa in la jaro
waaxdaas quruntay mooyaane si loo badbaadiyo waaxyaha kale ee jirka
intiisa kale. Sidoo kale kaankarada (cancer) hadii aan dhakhso loo
jarin waxay ku fidaa waaxyaha kale ee jirka, martaana halbowlayaasha
dhiiga taas oo keeni karta in qofku aakhirka u dhinto.
Weli ma dhicin in shir ka mid ah
shirarkaasi lagaga hadlo sidii looga xisaabtami lahaa, la isaga
xaalmarin lahaa, laguna xabaali lahaa dhibaatadii dhexmartay Soomaali,
taas oo xasuuq arxan daro loogu gaystay dad tiradoodu ku dhowdahay 1
Milyan oo qof oo maato iyo maxaysato isugu jirta, lagu baro kiciyay
malaayiin kuwaas oo 18 sano ka dib weli silic iyo saxariis ugu dhinta
baddaha caalamka, saxaraaga liibiya iyo Suudaan, bushashka suweto,
xeryaha qaxootiga ee ifo, dhadhaab, yeman, lafoole, boosaaso, hargeisa,
iwm…..
Weli ma dhicin in laga xaaltamo
dulmigii loogaystay qabiiladda laga tiro iyo tabarta badan yahay kuwaas
oo deegaanadooda xooga lagu haytay 18kii sanadood ee la soo dhaafay.
Weli ma dhicin in laga xisaabtamo shacabkii loo adeegsaday awoodii
ciidan ee xooga dalka kuwaas oo diyaarado iyo dabaabaadkana lagu
garaacay, Weli ma dhicin in laga xisaabtamo sidii loo soo celin lahaa
hantidii qaran iyo tii shacab, taas oo ay dad doonayaan inay sidaa ku
xalaal sadaan.
Weli ma dhicin in laga doodo waxa laga
yeelayo dadkii dulmigaasi gaystay ama taageerada maadiga iyo mida
macnawiga ahba la garab istaagay gabood falayaashii xasuuqa ku sameeyay
shacabka Soomaaliyeed , arxan laawayaashii kufsaday qaranimadii
Soomaaliyeed, xaalufiyay dhirtii iyo dalagii, suntana ku aasay badaha
iyo beriga Soomaliyeed.
Sidaa awgeed, ilaa Soomaali dareento
tiiha aan ku jirno waxa sababay, waxa dowladnimada inaga hortaagan, waxa
inaan heshiino caqabada ku ah, fili mayo in aan arki doono Dowlad lagu
diirsado, hana qaada, midnimo, dowlad qaran taas oo ka wayn qabyaalad
iyo qoqob, maxaa yeelay Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho.
Hadii aasaaska dowladaasi laqdabad iyo siyaasado dahsoon oo aan daacad
laga ahayn lagu dhiso wixii laga dhaxlaaba waxay noqon fashil iyo
taladii oo geed intii ka sii dheer lagu laalo.
Islaamku waa xal, waase goorma:
Waxa kaliya oo duliga iyo duruufahaas
adag dalka ka saari lahaana waxay ahayd diinta xaniifka ah ee
Islaamka,taas oo ah waxa kaliya ee soomaali ku midaysan tahay, taas oo
ah diin Eebe uu u soo diray in dulmiga ciribtirto, dulmanaha u
gargaarta, daalinka qabato, xaqa iyo samaha u gargaarto, eex ka dheer,
qabyaalad ka dheer, inagaa isla hebel ahna ka wayn. Waa diin ku
salaysan Eebe hadalkiis iyo xeer iyo fariin ka timid abuuraha aadanaha
kuna socoto adoomadiisa. Sidaa awgeed su’aali kama taagna in Islaamku
xal yahay. Waxaase su’aali ka taagan tahay Islaam caynkee ah.
Ma islaamka la afduubay oo lagu dulmo
maatada iyo maxaysatadaa, ma islaamka lagu gowraco looma ooyaanka laguna
badbaadsho daalimka kula tolka ah baa, ma islaamka ay shukaanta u hayaan
baa kitaabgaabyada aan faqhiga iyo axkaamta fahamsanayn baa, ma islaamka
shaatiga looga dhigaybaa ulajeedooyinka qabyaaladeed iyo ahdaafta
dhulbalaarsi baa. Waxaan filayaa jawaabtu waa maya.
Soomaalidu waa dad kuligood Muslim ah,
kuwaas oo dhamaan ku dhaqma diinta islaamka, qadariya mabaadida Eebe,
xushmeeya culimada, isku mehersada, isku dhaxla iskuna xukuma Diinta
Islaamka , wixii ka khaldan ama ay ka gaabiyaana lagu fahamsiin karo
caqli celin iyo dariis suuban kaas oo ku salaysan Hadalka eebe ee ahaa:
“Dadka ugu yeera jidka Rabi idinkoo adeegsanaya Xigmad iyo Waano
Wanaagsan” Nabigeena Suuban nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha
ahaatee isaguna wuxuu dadka u istaagay inay jamaahiirta waaniyaan kula
dardaarmay xadiiska “Fududeeya oo ha adkaynina, u bishaareeya oo
dadka hakala eryina”
Diinta xaniifka ah ee Islaamku waa diin
qofkasta martabada iyo mansabka uu ku haboon yahay dhigta, waa diin aan
jajuub iyo caga juglayn ku iman balse quluubta oo la kasbado, maatada oo
loo dhibriyo ku timid. Mushrikiintu waxay nabigeena Suuban ku oran
jireen “ Fiiri diintani waa mid danyarta iyo laangaabka loogu tala
galaye”, yacni dadka masaakiinta ah iyay ula eedaan.
Sidaa awgeed, waxaan qabaa in kaarkii
ugu danbeeyay ama shaygii ugu danbeeyay ee samata bixin lahaa dhibaatada
Soomaaliya taalay oo ahaa Islaam in jaahiisii, sharafkiisii iyo
cisadiisii ay rag afduubeen, kuwaas oo aad moodid inay yihiin adeegayaal
dano shisheeye, balse aan marna eegayn danta guud ee shacabka Muslimka
ah kuwaas oo u hamuuman cadaalad, sinaan iyo haykal dowli ah.
Soomaalidu waxay tiraahdaa kor waayeel
waa wada indho, sidaa awgeed waxa socda shacabku wuu arkaa, kamana
quusan raxmada Eebe. inta dareenkaas iyo rajadaasi jirtana wali
quluubta shacabku way noo shahay.
Waxaan maqaalkayga ku soo gaba
gabaynayaa sheekadan:
Mas iyo nin marti ah oo colaadi
dhexmartay
Waxaa la yiri nin iyo wiilkiisii madiga
ahaa baa socdaalay, iyaga oo meel maraya ayaa mas lugta ka qaniinay
wiilkii isagoo u dhintay suntii. Ninkii ay damcay inuu dilo maskii,
hayeeshee godkisii dheeraa ayaa maskii ku cararay. Ninkii wiilkii buu
aasay oo inta gudin afbadan soo qaatay ag farsiistay maska godkiisii,
isagoo doonaya inuu dilo markii uu soo baxo.
Muddo ka dib ayaa maskii madaxa kala
baxay godkii oo eegay bal in ninkii tagay iyo in kale. Markaas ayaa
ninkii gudintii is yiri madaxa kaga dhufo masta, nasiib wanaag maskii
godkii ayuu dib ugu cararay kana badbaaday dilkii.
Ninkii ayaa maskii ku yiri war masow
aan heshiino. Dabadeed maskii oo dareensan aanada iyo aarsiga uu ninku
damacsan yahay ayuu yiri:
Ninyahow, inta aad madigaagii
xusuusato aarsi iyo colaadi kaa bixi maysto, ana inta aan gudinta geedka
ku dhaaban arkayo haka yaabin inaan ku aamino oo godka ka soo baxo.
Waxaan filayaa sheeko xariiradaas iyo
waxa Soomaaliya maanta jira inaysan waxba kala duwanayn. Hadii aan laga
xaaltamid, laga xisaabtamin, lana iska xaal marin dhibkii dhacay in
heshiis yimaado waa mustaxiil.
Hooyada gablantay, Aabaha madigiisii
xaqdarada lagu dilay, agoonta iyo looma oogaanku waxay arkaan dhibkii ku
dhacay iyo cida sababtay, sidaa awgeed waa rajo kunool, dowlad iyo
cadaaladna u ooman.
Kan daalimka ahina wuxuu ogyahay hadii
dowlad iyo cadaaladi timaado inuusan ka baxsan doonin sixaabta iyo
ciqaab, wuxuu ogyahay inuusan xaqdaro ku daganaana doonin guryaha
islaameed iyo dhulka boobka iyo xasuuqa lagu keenay sidaa awgeed
taladiisu waa jilaafo iyo ka hor imaad wax kasta oo haykal dowladeed u
eg.
Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com