SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

HEARINGS: U.S. Senate Committee on Homeland Security and Governmental Affairs


Violent Islamist Extremism: al-Shabaab Recruitment in America (Video/readings) - March 11, 2009



shariifka iyo shareecada islaamka
Abdirizak A.kaneec
Kaneec1@hotmail.com
Marka aan isticmaalayo ereyga “KU DHAQAN” afka qalaadna lagu yidhaa “Obedience”, waxa aan uga jeedaa in la adeeco oo la raaco waxa sharcigu dhigayo oo ah in la sameeyo wixii uu farayo samayntiisa, lagana fogaado waxa uu sharcigu diido in lala yimaado. Ereyga “DHAQAN-GALIN” oo afka qalaad lagu yidhaa “Enforcement/Implementation”, waxa aan uga jeedaa in cidda u xilsaaran ay hirgaliso ku dhaqanka sharciga isla markaana ilaaliso in sharcigaasi sidii la rabay u fulay iyo inkale, dabcan ciddaa u xilsaaranina waa xukuumad ama hay’ad u gaar ah oo loo igmaday hawsha.

Haddaba, dad badan ayaa waxa aad moodaa in ay iskaga darsameen ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo dhaqan-galinteedii. Ku dhaqanka iyo dhaqan-galinta shareecadu waxa ay leeyihiin marxalado kala duwan oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho, waana sidan hoos ku qoran:

1. ku dhaqan qof ahaaneed

Waxa qof kasta oo Muslim ah waajib ku ah in uu raaco waxa ay farayso Shareecada Islaamku isla markaana ka hadho wixii loo diiday la imaatinkiisa. Arintan ayaa iyada qudheedu waxa ay koobsanaysaa in qofku marka uu ka adkaado naftiisa uu u gudbo qoyskiisa ama ehelkiisa iskuna dayo sidii uu uga dhaadhicin lahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Taas ayaa ah wadada ku hagaysa in la helo mujtamaca oo dhan oo ku dhaqmaya Shareecadii Islaamka.

2. ku dhaqan dhamaan somalida

Arintan ayaa ka bilaabmaysa qoyska wada jooga oo ku dhaqma Shareecada Islaamka, kadib ay gaadhsiiyaan dadka ay jaarka yihiin, kadib inta isku magaalo ahi is farto wanaagga iskana reebto xumaanta. Arintan ayaa muhiimaddeeda leh keenaysana in bulshadaa meesha ku wada nooli helaan nolol fiican Ilaahayna raali ka yahay. Waxaase xasuus mudan in dadka caadiga ah aanay xaq u lahayn in ay xoog ku dhaqan-galiyaan
Shareecada Islaamka waayo, Islaamku waa nidaam dhamaystiran oo ka kooban Diin iyo Dawlad, qof ama koox gaar ahi xaq uma laha in ay xoog ku muquuniyaan ku dhaqanka Shareecadda iyada oo aan loo igmanin, ama aanay awood u lahayn, ama ay ka dhalankarto mafsado ka culusi.

3.dhaqan gelinta shareecada

Arintan ayaa muhiimadeeda leh. Wadanka Muslimka ah cidda ka talinaysa ayaa ay shaqadeeda tahay dhaqan-galinta Shareecadu waana waajib saaran. Dadka ayaa looga baahanyahay in ay kula xisaabtamaan dhaqan-galinta Shareecada hadii gaabis lagu arko. Marka aynu u noqono habka dawladeed ee casriga ah ayaa waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah, xukuumadda oo ah golaha fulinta (Executive), baarlamaan oo ah cidda ku shaqo leh sharci-dajin (Legislative) iyo garsoor (Judiciary). Iyada oo aanan hadda halkan kaga doodahayn in qaybahani ay waafaqsanyihiin aragtida Islaamiga ah ayaa waxa aan uga danleeyahay uun qaybta fulinta oo shaqadeedu tahay in ay ilaaliso dhaqangalka Shareecada iyo tallaabo ka qaadista ciddii khilaafta.

4. Garsoorka guud

Hay’adda garsoorka ayaa ka mid ah cidda looga baahanyahay in ay ka qaybqaadato dhaqan-galinta Shareecadda Islaamka. Dhamaan arimaha dacwadeed ee loo soo gudbiyo hay’adda garsoorka ayaa waxa waajib ku ah in ay go’aankeeda waafajiso sida ay dhigayso Shareecadda Islaamku taas oo ku dhisan cadaalad, sinaan iyo in qofkasta xaqiisa loosoo celiyo. Qofka qaadiga ah ayaa looga baahan yahay in uu aqoon fiican u leeyahay Shareecadda Islaamka dhinac walba, haddiise taa la waayo waxa daruuri ah in uu aqoon gaar ah u leeyahay dacwada uu rabo in uu go’aan kasoo saaro.

Waxaa cajiib in aala sheikh la sheegto oo hadana diin la sheegto in hadana manta la leeyahay diin baanu wax ku xukumeenynaa diinta aad wax ku xumaysaan xagee taal,diintu ma waxay noqotay sidii ururadii ookale beesha caalamka iyo diinta islaamka farqigeese u dhaxeeya taas waxan usheegaya asxaabtayda uu kamid yahay c.qaadir cabdishakuur iyo shariif,cajiib badana markaa waxaan kusoo gaba gabeeynaya shariifow shareecada islaamka kuqabatay diinta ale haka been sheegin meelse kusheeg 4000kun ee dhalinyarada ahaa eek u dhintay iidaale iyo daynuuney kol hore ee sababtaada beenta aad usheegtay kudhintay.

Fiiro gaar ah:Ku Dhaqanka Shareecada Islaamku Waa Waajib

abdirizak A ali kaneec
kaneec1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS