SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 SIDA UGU FUDUD EE DURBADIIBA FARXAD LOOGU BEERI KARO QULUUBTA DADKA KALE 

 Ugu horeyn mahad dhamaanteed waxeey u sugnaatay Allaah nabi Muxamedna naxariis iyo nabad kalyo dushiisa ha ahaato.

waxaan maqaalkaan kaga hadli doonaa wax dadkoo dhan ay ku farxaan, oo leh kheyr badan, dadka bixinayana aan cayrteeynayn, xusuusteeduna waareyso inbadan, ahna saxiixa jaceylka saaxiibada, farxaddana u ah yadadiilo, murugadana tacsi, inkastoo ay sidaa tahay lama gato, la ismana amaahiyo, mana qaadanayso waqti ka badan ilbiriqsi waa suurowdaa inaad garaneeyso yaanse kugu caajisine waa muusada (dhoola-cadeynta) ee akhristaha sharafta lahoow ku dadaal inaad dhaqan galiso.

Nabikeena (N.N.K.H) wuxuu xadiis shariifa ku yiri “U dhoola cadeeynta wajiga walaalkaa waxaa kuugu sugan sadaqo” xadiiskaan ayaan ka dhadhansan karnaa faa’iidada u dhoola-cadeynta walaalaha taas ay ka helayaan ayagu farxad annagana inoo ah sadaqo.

Muusadu waa wadada ugu dhow ee ina gaarsiinaysa qalbiyada dadka kale farxadna ku beeri karta, waa furaha calaaqaadka aan la leenahay dadka kale,ayadoo taasi jirto ayaan Soomaali ahaan in badan hilmaamnay dhaqankaas, waxaana dadka ku fiirinaa waji qalafsan, aan iska ilowno qalafsanaanta, aan hirgalino sifahan fiican oo aan u muusoono dadka, muuso daacada oo saafi ah, oo aan noqonno dad ku gacmo furan oo deeqsi ku ah dhoola-cadeynta.

Waxaan ognahay oo hubaal ah in calaamadaha wajigu uu ku hadlo ka qoto dheer yahay midka carabku ku hadlo, hadaad tahay mid waji canbuus ah waxaad la mid tahay adigoo cod dheer kula qeeylinaya “Anigu waxaan ahay qof qalafsan oo xir-xiran dadkana aan la dhaqmi karin, adinkuna waxaa tihiin dad aan mudnayn in loo farxo igama mudnidiin muuso”, balse markaad muusada ku ifineeyso sida qoraxda bidix iyo midig waa adigoo dhahaya "waxaaan ahay saaxiibkiina daacaddaa oo saciid ku ah xiisa badanna u hayay aragtidiina waan ku faraxsanahay kulankiina” waa kaas durbadiiba waxay gaareysaa quluubta saaxiibadeena marka la yaab ma leh inay ku farxaan aragtideena.

Muusada aan sheegayo ma ahan inaan u qaadanno calaamo laga muujiyo dhabbanada iyo bishimaha oon qalbiga jirin taasina qof ma dhagreeyso. 
muusadaa waa tan runta ah ee ka soo go’da wadnah,a guntiisa taa ayaa soo jiidda faa’iido badan oo dhinac kasta ah.

Dadka Shiinahu waxay leeyihiin xikmad la yaab leh oo oraneeysa”Hadaad tahay qof aan muusoon karin ma ahan inaad dukaan furato” xikmadan ayaa ah mid micno weyn ku fadhida.

Ugu danbeyn aan isla akhrisano waanadaan annagoo xasuusan inay akhriskeeda oo qura uusan wax tar laheyn haddaanan ku dhaqmeeyn waana tan “ caado waa inaan ka dhigano muusada, annagoo ku fakareeyna nimcooyinka uu Eebaheyn nagu maneeystay, iskana yeelno sida qof saciid ah annagoo wajiyadeenna ka muujinayno farxad, wax yar ka dib waxaan arki doonnaa annagoo saciid xaqiiqi ah, markaas aan ku salaanno saaxiibadeena salaanta islaamka annagoo ku lareeyna muuso ifeeysa, haddii aynu argno dadka qaar oo awoodi waayay inay ina salaamaan ayagoo muusoonaya, yaanan garab marin annagu oo aan noqono walaalo wanaagsan annagoo ka baqeyn in si xun noola maleeyo aana ku bilaawno salaanta (Asalaamu Calaykum Waraxmahmatullaahi Wabarakaatuhu) ayadoo ku dheehantahay muuso si aan Aniga iyo Adiga quluubta dadka kale ugu beerno farxad" 
hadaan sidaan sameeyno waxaan arki doonnaa ayadoo dadku ina jeclaanayaan, meeshaan tagnana la innagu soo dhaweeynayo si ay ku jirto reeyr-reeyn aragtideeynana lagu farxayo.

W/D:-Zaki Cali Gurey
E-mail:-Zakicali@hotmail.com  
Mugadishu-Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS