SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Gabay

 Daarihi gumeysiga

Suleiman Jama Hersi
omane24@yahoo.com 

1.       Darka maanso deeleyda gabay da’ iyo wowgeeda

2.       Suugaantu waa deeq ilaah daayin bixiyaaye

3.       An daleeyo caawoo kaluu daawo leeyahaye

4.       Taariikhda duugiyo taniyo duudi nebi aadan

5.       Intay dunidu ay soo jirtee qorayo diiwaanku

6.       Ee duulba duul soo bedelay daalin iyo muumin

7.       Inta maamul dabarkoodu go’ay koonka laga duubay

8.       Warsow dambaysoo la dumi deyrki baarliine

9.       jarmalkii wax badan kala dibjirey laysu soo daaye

10.   Sovieti kala daadayoo dakhalka loo siibye

11.   Subax baa ilaah kala diroo aan dib loo arage

12.   Danwadaagta dalalkii ahaa dab isma siiyaane

13.   Derisnimo la waa iyo inay degel wadaagaane

14.   Digtaatoorigiyo shuucigii gogosha loo duubye

15.   Daba dhilifyadiyo guulwadii moosko soo diratay

16.   Diimaha kuwii caasiyiyo daayinkii uumay

17.   Dubihii ilaah baa ku dhacay kay dafirayeene

18.   Nicolay durduro inuu baxsado daal la socon waaye

19.   Dabarkiyo hogaankii la sudhay diire lawyada’e

20.   Isagiyo duqdiisii barqaa iilka loo diraye

 

21.   Dagaalkii qaboobaa nafluhu  badi ka soo doogye

22.   Derbigiyo jid gooyadi markii daahi laga feydey

23.   Damaanshaadka farax caalamkoo laysu soo daayey

24.   Oo aan dareen qabin cabsina dib uga yaabaynin

25.   Argagixiso duulaana baa laysu soo diraye

26.   Damaciyo hamada reer galbeed doogti soo kiciye

27.   Dibindaabyadii lagu yiqiin xumihi may deyne

28.   Dal balaadhsi iyo waxay rabaan duni ay boobaane

29.   In maraykan uu durugsadoo daan kastaba  sheegto

30.   Daandaansigiyo weerarkiyo dirirta aan joogsan

31.   Inta ay dad kala qaybiyeen beel la dabar gooyey

32.   Oo ay dalkoodii dhaceen duunyo wixi yaaley

33.   Ciraaq baw dambaysiyo afgaan duudsiguu wado’e

34.   Iiraan in lagu duulo baa loo dan leeyahaye

35.   Waxa loogu dudayaa markay amarki diideene

36.   Dekenada dembiga ay galeen daanada is gaadhey

37.   Duugoobi maysoo nabsibaa maalin soo degiye

38.   Dulmigiyo xaqay duugayeen waa la daalicine

39.   Maruun baa xisaab lagu dalici waxay daliigeene

40.   Doobigooda buuxsamay marbuu daadan oo qubane

 

41.   Diigaanyo carabtoo ka badan dunida guudkeeda

42.   Oo duunyo xooliyo batrol dabiyo baaruud leh

43.   Boqoradii la doortiyo amiir dawlad iyo maamul

44.   Haday ul iyo diir noqon lahayd lama duleeyeene

45.   Dantoodii ilaahay ka qari daahna laga saarye

46.   Iyagaa is wada duudsiyoo laysku dirayaaye

47.   Dekenada dhexdoodaa ka weyn dabinka hoos yaale

48.   Israil kuwii soo dejaye dooda ugu hiishay

49.   Oo deeq la garab taaganoo weli difaacaaya

50.   Hadii ay damiir leeyihiin deris ma moodeene

51.   Dalkoodii la dhacay waayo hore dooxadiyo xeebta

52.   Deynkooda maqan inay helaan laysku deyi waaye

53.   falastiin derbaa lagu gudboo marinki loo diidye

54.   Doonyaha gantaalaha ridiyo miig wax duminaaya

55.   Daaraha madfaca hoobiyaha lagu duqaynaayo

56.   Dilka iyo xasuuq barakaciyo dumarka ooyaaya

57.   Ee dunidu wada eegaysee cidi danaynaynin

58.   Oon deero deero u herdiyin dakharka loo geystey

59.   Markay diiri waayeen tolkood waa darxumo weyne

60.   Danbaa tidhi yuhuud inuu dulmiyo danabyadoodiiye

 

61.   Duq gaboobay doobiyo nin weyn daa’ima caruura

62.   Afrikaan durbaan inuu tuntoo daango cuno mooye

63.   Inuu dawladnimo maamuliyo daacad noqon waaye

64.   Musuq maasuq baa daashadoo loogu daw galaye

65.   Diirkiyo lafaha iyo qalbigu hoos u daadegaye

66.   Dawo iyo qardhaas male taxliil lagu dabiibaaye

67.   Dimuqraadi iyo doorashiyo malaha diiwaane

68.   Mid qabyaalad diintiisu tahay daalinkiyo tuuga

69.   Hadba waxa dastuurkooda qora daarta kii gala’e

70.   Dalkastaba wixii raasamaal eebe ugu deeqay

71.   Inyar baa daldalatoo xadoo daanka buuxsadaye

72.   Dahab iyo wixii dheeman yiil debeda loo saarye

73.   Dabka saare deeq iyo amaah duxiyo khayraade

74.   Deyn baa ku go’an qaaradaba cidi ka deyneyne

75.   Iska daa dariiq iyo dhismiyo dalag ay beeraane

76.   Iska daa dugsiiyada dhisnaa inay daryeelaane

77.   Daarihi gumaysigu ka tegey baa ku soo dumaye

78.   Da’yartiyo aqoonyahanadii dayro laga yeelye

79.   Doonyaha waxay u raacayaan waa la daayacaye

80.   Isticmaarki qaar baw darsaday kii dulayn jiraye

 

 Suleiman Jama Hersi
omane24@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS