SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Bin Laden Oo Guubaabiyay Soomaalida Fariin Uu ku soo gudbiyay dhinaca Internetka Sidee Maraykanka U Arkaa? Maxaase La Gudboon Reer Muqdisho Oo Dagaalo Ka Soo Daalay?.

Hogaamiyaha ururka Alqaacidah Osaama Bin Laden ayaa ku booriyay soomaalida maalinimadii qamiistii inay awooda ka tuuraan madaxweynahooda cusub, isaga oo soo saaray hadal si cad hoosta uga xariiqayay hamiga alqaacida ee ku aadan soomaaliya ayadoo xili dheer laga cabsi qabay in uu gabaad u noqdo shabakada argagixisada.

Bin Laden oo hadalkiisan ku soo gudbiyay cajalad soconaysay 11 daqiiqo iyo bar ayaa waxaa uu gabi ahaanba diirada ku saaray soomaaliya oo ah dal sabool ah oo ku yaalla geeska afrika, kaasoo ay hareeyeen qas iyo fowdo muddo ku dhaw labaatan sano laakiin ay hadda ka hana qaaday dowlad ay ku midaysanyihiin qabqablayaal iyo hoggaamiyayaal diineed, bishii janaayo ayaa loo doortay sheikh sheriff sh axmed inuu noqdo madaxweynaha cusub ee soomaaliya waana hogaamiye qunyar socod ah islamarkaana rajo laga muujiyay in uu mideeyo kooxaha wadanka ka jira.

‘waxan u malaynayaa dadka ka shakisan in Alqaacida uu hamigeedu yahay soomaaliya uma baahna inay mar labaad ka fakaraan” Cabdirishiid Cabdi oo ah faalo qore ka tirsan International Crisis Group ayaa sidaas u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press.

Saraakiisha la dagaaladanka argagixisada ee Maraykanka ayaa ka digay xiriirka sii xoogaysanaya ee alqaacida iyo kooxda Alshabaab, kuwaasoo si joogta ah dagaalo ugu qaado ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka xiriirka la leh iyo weerarada lagu qaado nabad illaaliyayaasha midowga afrika ee ku sugan wadanka soomaaliya.

Sanadkii hore Waaxda arrimaha dibada maraykanka ayaa kooxda Alshabaab oo macno ahaan u dhigma (Dhalinyaro) ku daray liiska Ururada argagixisida dibada.
Doorashada Shariff Sheikh Axmed ee loo igmaday in uu madaxweyne ka noqdo soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyay Qaramada midoobay iyo dowlada Washington.

Doorashadan ayaa timid kadib Xil-hayihii hore ee uu jagada kala wareegay Abdullahi Yusuf oo shaqada iskacasilay bishii December kaddib markii uu ku guul daraystay in uu ka hortago islaamiyiinta mucaaradka ah, waxaana uu u baxay musaafuris dibada ah.

Fariintan cajaladda ah ayaa waxaa Bin Laden uu u sheegay Mintidiinta Soomaalida ah “Waxaa tihiin difaaca koowaad ee dunnida qeybta koonfurgalbeed, dulqaadkiina iyo taageeradiina walaalihiina falastiin, Ciraaq, Afghanistaan, Muslimiinta Maqrib, Pakistaan iyo dhamaan goobaha kale ee uu ka socdo jihaadka.

Sanado badan, kooxaha hubeysan ee islaamiyiinta ah ayaa waxaa ay dagaal kula jireen dowlada dhexe ee soomaaliya ee ay UNka taageerto, taasoo maamusho qeybo yar oo ka tirsan magaalo xeebeedka Muqdisho, dhamaan adeegyadii kaabayaasha dadweynaha ayaa meesha ka baxay inkastoo ay muqdisho mar ahaan jirtay Magaalo aad u bilicsan.

Sharci la’aanta soo jiitamaysay ayaa qarankan oo ay dadkiisu yihiin 9.5 milyan qiyaas ahaan waxa ay u ogolaatay in ay burcad badeed ka u gaarsadaan gacanka cadmeed, oo ah mid kamid ah marinada ugu mashquulka badan dunnida.
Madaxweyne Axmed oo lagu tiriyo in uu yahay hoggaamiye qunyar socod ah, oo ka yimid kooxda islaamiyiinta mucaaradka ah ayaa ku guulaystay in uu qaabilo kooxaha kale ee mucaaradka ah.


Cajaladdan hogaamiyaha Alqaacidah ee uu ku soo bandhigay barta Internet-ka ayaa waxa uu ku weeraray madaxweyne shariif, kaasoo uu ku sheegay in jeeb u yahay maraykanka, isagoo yiri doorashadiisa waxay ahayd miday soo shukaamiyeen ergayga maraykanka ee Kneya, taasoo uu kala jeeday safiirka maraykanka u fadhiya Nairobi.


Afhayeenka safiirka maraykan ee Nairobi ayaa sheegtay in safiir Michael Ranneberger uusan wax faalo ah waqtigan uusan ka bixin karin cajaladda ka timid bin laden, taasoo noqonaysa tii saddexaad ee sanadkan guddihiisa uu soo bandhigo ayadoo cajaladan tii ka horeysay uu soo bandhigay 14 march.
Wasiirka warfaafinta dowladda KMG Ah ee soomaaliya ayaa ku tilmaamay hadal bin laadin mid aan loo meeldayin, wuxuuna sheegay in soomaalida aanay u meel dayi doonin hadalada bin laadin.



Cajalada oo ay cinwaan u ahayd “Dagaalama” horyaalka soomaaliyeey waxaa lagu soo bandhigay bar internetka ah oo ay adeegsadaan Ururka Alqaacida, kaasoo badanaa lagu soo bandhigo fariimaha Bin Laden iyo hoggaanada sar sare ee Alqaacida.

Madaxweyne Axmed ayaa ka yimid markiisii hore midowgii maxkmadahii islaamiga, kuwaasoo u keenay astaan nabadeed dadka soomaaliyeed muddo 6 bilood ah sanadii 2006 laakiin 2-dii sano ee la soo dhaafay ayaa dowlada Maraykanka waxa ay la midoowday ciidamada Itoopiya si ay meesha uga saaraan Midowga maxkamadaha maxaa yeelay waxay ka cabsi qabeen inay xiriir militari la yeeshaan Alqaacida kaddibna ay xoojiyaan mucaaradka ka soo horjeeda Itoopiya ayna ridaan dowlada dhexe ee taagta daran ee ay qaramada Midoobay taageeraan.

Ciidamada Itoopiya waxa ay ka soo baxeen soomaaliya bishii Janaayo, taasoo qeybka ahayd heshiiskii ay UNka dhexdhexaadinaysay ee ujeedkiisu ahaa in xal lagu soo dabaalo soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ah dal 100% ay dadkiisu yihiin Muslim, laakiin dadka soomaaliyeed waxaa daashaday dagaalo iyo abaaro baabi’iyay nolosha dadweynaha.

Mid kamid dadka degan magaalada Muqdisho Ismaaciil Cali ayaa yiri mar uu ka hadlayay hadalka Bin Laden “Bin Laden waa in uu ka laabtaa dalabkiisii ahaa in dagaalada la sii wado”

“Usama waa in uu nagu wacdiyaa Diinta Islaamka . anagu waxaanu nahay Muslim , waxaa sidaasi sheegay Cali oo ah 28 “ anagu dagaalo iyo cadawtinimo waan ka soo daalnay hadda lama joogo xiligii la afgambin lahaa dowlada”


Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2009
 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS