SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 Tahriibka iyo Dhibaatoyinka ay kala kulmaan Soomaalida 


Tan iyo xiligii ay burburtay dowladii dhexe ee katalinaysay wadanka Somali waxaa soo kor dhayay in ay dad aad ufarabadan ay iska cararan wadanka islamakaana ay cidkastaba meeshii ay awoodo in ay aado ay ucartay si ay uga badbaadaan dhibaatooyin ka jira somaliya gaarahan 10kii sano ee udanbaysay ayaa waxaa soo kordhay in dabadan ay somaliya iska tageen maadama ay sii kordhaysay dhibaatada somaliya marba marka kadanbaysa dadka ubadan ee kasoo taga somaliya ayaa waxay aadan wadamada kala ah1- yaman oo ay uga sii talaaban suciidiga iyagoo maraan dhanka bada islamarkaana somali badani ay kudhimatay 2-sodafrika oo marka ay somalidu ay aadayaan sodafrika ay kal kulmaan dhibaato aad ufarabadan iyagona si sharci daro ah kutaga islamarkaasna ay fahmi karto cidkastaba somaliya iyo sodafrika inta ay isku jiraan marka ay tagaana layaabo in lagu dilo sifudud iyagoo somaliya ugasoo caray dagaal iyo inla dilo hadana lagu dilo sodafrika 3-liibiya intaas oo wadana somalida waxay kumaraan intooda badan si shrci daro ah, hadaba waxaan warbixintaan ku eegaynaa dhibaatada ay kala kulmaan somalida utahriibta talyaaniga iyo sida ay kutagaan. 

Somalida ayaa waxay maraan wadamada deriska la ah Somaliya iyagoo markaas ku soo jeda wadanka liibiya islamarkaana qof waliba uu somaraa wadakii markaas uu isleeyahay waa kuu fududyahay waxaa kamid ah wadamada ay soo maraan jabuti.erateriya. itobiya intabadan si dhuumaal ah ay ku soo maran hadii ay ogaadaan dowladaha wada madaasna ay qaqabatan sidoo kale waxay soamaran wadamada kenya.yugandha waa marka ay doonayaan in ay usoo tilaaban dhanka wadanka suudane wadamadan intay soo marayana ay kala kulmaan dhibaatooyin aad ufarabadan oo ay kamid tahay xarig aflagaado iyo in laga yaaba in lacagaha ay wataana laga qaato islamarkana ay na dac wookarin maadma ay ku socdaan sharci daro intabadan waxaa wadankasta oo aad tagdid aad lakulmay saa shaqsiyaad sheeganaya in uu ku gudbinaayo hase ahaatee laga yaabo in uu doonayo in uu kaaqaato kista aad wadato markaasna uu kuyiraahdo waa ku shegaa aniga waa ku ogahay in aad tahay tahriibe taasna ay dhibaato aad uculus tahay ayadoo laga yaabo in qofka lacta uu markaas ku socdaa ay tahay tii udanbaysay oo aan waxba ka danbaynin inta badan safarkan waxaa somara dhilin yaro iskugu jira rag iyo dumarba iyadoo marka qaarkood laga yaabo in dhibaatooyon culus loo geesto gabdhaha somaliyeed ee safarkan tahriibka somara sida in lakufsado amba lagaraaco marka ay diidaan si kabax san bila aadam nimada marka ay soo gaaraan wadanka sudan oo leh saxare aad udheer ay somalidu naftooda ku biimeeyan in ay maran saxarahan isla markaasna uu gaarayo dhirkiisu 6000km ayagoo raaca gawaari waa weyn xamuul ah marka laga qaado lacag gaaraysa 700$ marka qaarkoodna ay ka halaban gawaaridaas saxaran aya ha saxaro aad udheer hadana kuleel badan inkastoo ay xiliyadii udanbaysay ay jireen gawarida dagaalka oo somalida ay utaqaan cabdi bille ay racan somalidu asigana laga yaabo in aad kadhacdo amaba uu kula gadoomo ayadoo dadbadan udhinteen gaari lagudoomay Dhalin yaro somaliyeed oo aad ufarabadan aya ku geeriyootay saxarahan aadka udheer kadib markii uu lahalaabay gaarigii aay wateen islamarkaana ay ka idlaadaan saadkii ay ugu sootala galeen safrkooda taasna ay keento in ay udhintaan hanraad iyo baahi.

Indhehayga ayan ku soo arkay lafo dad bila aadm iyo xabaalo dad somaliyeed saxaraha wadanka liibiya sudan udhexeya iyagoo ishegen darawalinta saxaraha dadka Marsiiya in ay somaliyihin lafahan qaarkoodna uu aasay bucaadaka saxaraha mararka qaar aya waxa dhacda in ay ninmankan saxaraha dadka marsiiyaa ay ka cararaan marka ay arkaan astaan cidan si uu uga bad baado qabasho in ay dowldu qabato dakii uu wedana ay halkaan ku dhamadaan madama aysan aqoonin meel ay aadan geed laharsadana uusan lahayn saxaraha maalmo gudohoodana laga yaabo in ay geeriyoodaan.

Marka ay soo galan xadaka liibiya ayaa waxaa lawareega shaqsiyaad libiyan ah oo markaas ushegaya in ay gudbinayan hase ahaatee gaysanaya guryo markaasna ku oranaya isfuro wac dadkaadii markaasna somalida laga qaato lac gaaraysa 600$ oo laga yaabo in aysan awooddin dadka qaar in ay bixiyan haday bixin wayana laga raaco si arxandaro ah eeyana lagu diraa si loo qalqaliyo waa marka ay kabad baadan dowlada liibiya hadii dowladu ay qabatana waxay galayan xabsiyada dowlada oo ay adatahay sida looga soo boxo lagana yaabo in aad ku jirto sanado amba bilo cidii ka badbada in laxiro ay shaqsiyaadkaas ay ku keenan caasimada si dhuumalaysiya sidaana ay iskugu diyaar shan in ay bada galan si ay ugaaran hamigii uulahaa oo ahay in uun mar gaaro yurub iyagoo marayan bada melatereniyanka oo somali aad ufara badan lagu la yahay ilaa hada.Marka ay yimaadan dadkan ubadan dhalinyada casimada wadankan liibiya ayaa waxay isku dayaan in ay kabaxan oo ay u tilaban dhanka talyaaniga iyadoo ay adagtahay sida si dhuumaal ah looga baxo wadan dowlad leh hadana somalida ayaa kabaxaan xeebaha wadankan hadaba su aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxay raacan somalida oo ay kutagaan talyaanga?

Somalida ayaa waxay racaan dooma aan sidaa uwaaweynay oo mida uguweyn ay tahay 15mitir iyadoo ay raacaan dad aad ufara badan isla markaana laga yaabo in ayna qaadin dadkaas marka labuuxsan dhaafiyana ay lahalowdo sacado kadib sidaana laga yaabo in ay naftooda kuwayan mararka qaarna waxaa dhacada in ay markay laxumaadan doomahaas ay lasabeeyan ilaa dhowr maal mood islamarkaana ay dib ug soo laabtaan liibiya markasna ay gacanta ku dhigto dowlada liibiya sidana ay xabs ku galan iyadoo ay adagtahay sida looga soo baxo xabsigaas mararka qaarna laga yaabo in ay ku hintaan xabsiga maadaama uuyahay wadankan wadan qabow badan marka ay xabsiyad galaana aan la daryeelin somalida hadaba aqristow marka ay somalidu tagaan talyaaniga oo ah mashay intaasi oo kun kilowmitir usoo maren safarka dhulka oo laga yaabo in nafsadaada aad kuweyso maxay lakulmaan?marka aad kabad baado bada waxaa laga yabaa in aad gasho talyaaniga amaba jasiirada malta inta badan malta somalida gasha halkaasi ay jogan in mudo ah hase ahaatee daka gala talyaaniga safarkoodii uma dhamaanin oo tlyaaniga intabadan majoogan somalidu waa kasii tagaan waa cidii nasiib uyeelata in uuna talyaaniga fara kaqaadin hase ahaa tee hadii talyaaniga uu fara kaqaado meelkasto ay tagaanba yurubta waxaa lagu sooceliyaa talyaaniga iyagoo markaasina aad uga murugooda safarkii dheeraa oo ay soo maren iyo lacgihii faraha badnaa oo kasoo baxay iyadoona inta badan talyaaniga aysan lahayn wax shaqo ah somalida ayaa inta ay safarkaan ku jiraan waxay aamin sanyihiin in hadii ay mar uun tegi lahaayeen itaaliya ay kabixi lahayen faqriga hase ahaatee marka ay tagaan ay ogaadan runta meesha taala markaasna layaab ay kugu naqaynaso marhadii meeshaad hamiga ku haysay aad kala kulanto dhalnteed.


Maxamuud C/llaahi Cigalle {maxamudkoronto}

masuulsare114@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS