SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

 Wadaadada Soomaliyeed 20 sano ma hurdeen mise dadkaan maqleyn (1) !!!


Horudhac:

Dagaalladii sokeeye inta uusan wadanka Soomaaliyeed ka dhicin ayaan ahaa mid dareemaaya in Daggaal soo socdo, sida ay dad badanba u Dareemayeen !!!!
Nin aan Saxiib nahay ayaa doodaani na dhexmartay: Ninyahow maxaa dagaal laga faa,idayaa?

waxba: 

Sow laguma cibro Qaato dagaaladii naga horeeyey ee Ugandha ,leybeeriya,lubnaan.

maya, ee waxay leeyihiin xeerada salkeeda ha la soo taabto.

Wallee Taariikhdu waa macallin ???Dagaal kasta oo Adduunka ka dhaca Nabad ayaa ka danbeysa, marka waxaa ila fiican in aan Taariikhda lagu cibro Qaato.

Arrintaas oon garanay aniga iyo Saaxiibkeey ma oran karaayo Culumada Soomaaliyeed wey ka il duufeen, ee Sidaas ayey u arkeen isla markii uu Dagaalku dhacayna wey u istaageen, waxayna abuuren Majmacii culumada ee ay hurmuudka u ahaayeen Shiikh Maxamed macallin iyo shiikh Ibraahim Suuley ,labadaba Allaah ha u naxariistee, Se waxaan oran karaayaa Dadka ayaan diyaar u aheyn Nabadeenta Waqtigaas.

Ku dhawaan labaatan sano ayaa bishii FEB 14----19 keedii ,2009 Ayaa Culumo Soomaaliyeed oo ku dhaw dhaw 50meeyo ayaa Magaallada Xamar ku kulmay, waxayna soo saareen Qoddobo loo bogay amaba ay ku muujiyeen Booskii laga filaayey in ay Culumo Rabaani ah ay qaadato.Culumadaas oo ka kala yimid Dunnnida Daafaheeda ayaa waxaa ka mid ahaa Caalimka weyn ee shiikh Maxmed Cabdi Umal, oo wixii uu la oo kulmay uga war bixiyey Muxaadaro dheer oo Sedddex Habeen ka socotay Masjidka Abuubakar Sadiiq ee magaallada Nairob, Xaafadda Eastleigh, kaas oo laga waayey meel laga farriisto waxaan ku qiyaasay in habeen kasta ay dhageysanayeen dad lagu qiyaasay 2000 oo qof.

Shiikhu maasha laah wuxuu bayaaniyey sidii wax u dhaceen, wuxuuna cadeeyey in uu ka soo faa,ideystay aaditaankiisii Xamar iyo ka soo qeyb galkiis shirka Culumada, wuxuuna daliilsaday xadiiska caanka ah ee nabigu yiri nnkh ( LEYSAL KHABARO KAL MUCAAYANAH) oo macnaheedu yahay Aragtidaa ka xeel dheer wax lagaaga waramay.

Shiikhu si faafaahin ah ayuu uga hadlay wixii shirkaas ka dhacay iyo Qoddobada ka soo baxay sida ay waaqica meesha yaalay u waafaqsanaayeen.
Shiikh Umal wuxuu sheegay in ay Qoddobadaas ula tageen Dawladda siiba Madaxweynaha ,Ra,iisul wasaaraha iyo afhayeenka Baarlamaanka, kulligoodna wey Aqbaleen in Soomaaliya shareecadda Islaamka loogu dhaqo, Ciidamada Afrikaankana ah na lagu saaro waqtiga Culumadu u qabatay oo ku aadanaa waqtiga uu ka dhamaanayo xilliga loogu tala galay.

Sidoo kale waxay isla gaareen xisbiga Islaamka in ay xabbadda joojiyaan, Dawladdana laga war sugo inta ay hawlaheeda gudaneyo.Ururka xisbul Islaam wuxuu Culumada ugu jawaabay in ay Golohooda Shuurada la soo tashanayaan, walina jawaab lagama helin ayuu Shiikhu yiri.

Sidoo kale Culumadu waxay dib u heshiisiin ugu Tageen Kooxda AL-shabab oo uu Shiikhu shegay ayagoo Afar ah in ay Afar maalmood la shiraayeen madaxda AL-shabaab, Waqti badanna ay galiyeen.Se nasiib darro walaalaha AL-shabaab arrintaas waa ka madax adeygeen ,waxayna ku adkeysteen in dawladda Shiikh Shariif ay la mid tahay tii ka horeysay ee C/llaahi Yusuf ayna la dagaalamayaan. Marka aan ismari weynay ayaan waxaan kula dardaaranay in wada hadalada ay la leeyihiin Culumada uu furnaado oo aysan marnaba xirin ,taasna waa naga Aqbaleen ayuu yiri Shiikhu.

Haddaba haddii aan soo koobo waxyaabihii ugu muhiimsanaa Muxaadarraddii Shiikh Maxamed cabdi Umal,waa sidatan:

1) Muhimadda ay leedahay in waqtiyadda dhibaatooyinka ba,an ay soo degaan (NAWAAZISHA) loo baahan yahay in la helo Culumo gaawirtay oo takhasus u leh fiqigaas oo dadku ay u noqdaan.Waa lagama maarmaan ayuu yiri xaaladaha cusub ee Muslimiinta soo foodsaarta ee aan horay loo Aqoonin inla helo Culumo wadajir ah oo u gurmata in ay Diinta xal uga helaan daliilo lagu furfuraayo ha ahaato Aayado Quraan ah ,Sunno Rasuulka ka sugnaato,ama Ijmaac horay loo gaaray ama looga Qiyaas qaato Qiyaas saxiix ah ay Culumo hore gaareen.

Wuxuu Shiikhu daliil u soo Qaatay hadal weyn oo uu Caalimkii weynaa ee AL-khadiib Al-Baqdaadi muqadimadda kitaabkiisa (AL-Faqiih Wal mutafaqih) ku yiri: Hadal dheer oo ku saabsan Culumadda ummadda sida ay Sheegeyso Aayadda Suuratul towbah ay cadeyneyso [ Muminiintu ma ahaanin kuwo kuligoog Duula Haddiise koox ayaga ka mid ah ay ahaato mid Diinta Barata oo si aad ah u fahamta , una digaan Qoomkooda marka ay u soo noqdaan ,waxay mudan yihiin in ay digtoonaadaan).Towbah 122.

Wuxuu AL-khadiib yiri Hadal aad u culus oo ah in ay dadka qaarna ay Diinta ku takhasusaan ,qaar kalena ay ku takhasusaan Difaaca dalka, taas oo muslimiinta dan u ah qaarna ay cadawga ka difaacaan oo furinta joogaan ,qaar kalena ay muslimiinta Diintooda ka caawiyaan,Haddana wuxuu shiikhu yiri ugu danbeyntana waa in ay labada qolo Culumadda loo soo noqdaa maadaama ay ayagu yihiin kuwa Qiimaha badan oo muhimadda weyn leh] .
Marka waa in ay Soomaalidu Culumadooda ka danbeeyaan siiba waqtigan xaadirka ah.

2)Wuxuu kaloo shiikhu ka hadlay in loo baahan yahay in la fiiriyo Maqaasidda Shareecadda oo u timid in ay dhawrto Maslaxadda ummadda, Markastana ay ka fiiriyaan wax kasto oo la qaadayo Maslaxadda ay Ummadda u leedahay, ooyna labo maslaxo midda weyn ay qaataan,labo dhibaatona ay tan yar qaataan, Taas oo Shiikhu u Daliilsaday Hadalkii Caalimka weyn ee AL-Shaadabi kitaabkiisa weyn ee AL--Muwaafiqaat .Shiikhu wuxuu ku taagtaagsaday in Qaacidadaas Fiqhiga ah in loo maro arrimaha Nawaazisha ah ,Waxaa dhici karta ayuu yiri shay waajib ah in la iska daayo ayadoo la fiirinaayo haddii la dabaqo in uu la imanayo Dhibaato weyn,Taasna wuxuu shiikhu tusaale u soo qaatay haddii wadaad Soomaaliyeed oo Suufi ah oo iska digrinaaya waa in digrigiisa loo daayaa haddii ay ku bixineyso in haddii laga joojiyo in uu dagaalamo oo dad dilo,Ama mid Qayilaaya in Jaadkiisa loo daayo haddii ay qaadiradiisu dadka kaga badbaadayaan.

Labadaas tusaalena wuxuu u soo daliishaday Shiikhii Weynaa ee Ibun Tiimiyah oo ardeydiisa la socda ay soo mareen ninman Tatar ah oo Khamri cabaaya ,markaas ayey ardeydiisa isku dayeen in ay ka reebaan,balse Shiikha uu u diiday oo ku yiri (iska daaya ha cabaane haddii kale waxay dilayaan Muslimiinta taas ayaa ka shar weyn in ay muslimiinta gumaadaan).

Qeybta kowaad ee Muxaadarada halkaas ayaan ku soo koobayaa,waa inoo qeybta labaad oon ku soo dhameystiri doono Dadaalkii ay Culummadda Soomaaliyed Muujiyeen muddo laga joogo ku dhawaad 20 sano, Sidaas iyo la socosho wacan.

FII AMAANI LAAH.

SAAHID MAXAMED YUSUF
NAIROBI,EASTLEIGH

SAHID_YUSUF@YAHOO.COM
  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS