SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Ku xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ARS Maxamed Xaashi ayaa Arbacadii warsaxaafadeed ka soo saaray iibsashada Bada Soomaaliya.

War murtiyeed uu manta (Arbaca April 8, 2009) soo saaray ku xigeenga isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxa uu uga hadlay arimaha soo cusbaanaday oo ay sameeyeen kooxda Jabuuti iyo Embaghati .

Marka koowaad waxaan si aad iyo aad ah uga xunahay dhibaatooyinka baaxada leh oo ummada Soomaaliyeed maalin walba ku soo dhacaya runtii kuwaas oo ah kuwa loo dul qaadan Karin loona baahan yahay inay ka dhiidhiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed inay ogaadaan nimankaan inay awood u lahayn inay gadaan Bada Soomaaliyeed, hadii ay maanta ummada Soomaaliyeed uga hartana ama uga aamustana bari Hawada iyo Dhulkaba way gadanayaan.

Waxaan uga digaynaa kooxaha Jabuuti iyo Embaghati inay ka waantoobaan iibsaga Bada Soomaaliyeed ayna u cadeeyaan Ummada Soomaaliyeed inay ka noqdeen arimahaas.

Dowlada Kenya waan ogayn markii horeba waxay u diidanayd dowlad ummada Soomaaliyeed leedahay oo cagaheeda ku istaagto inay rabtay inay Biyaheena ,dhulkeena iyo waliba Hawadeena qaataan marka waxaan u sheegaynaa inay ummada Soomaaliyeed la Socoto ayna ka waantoowdo riwaayadaas una sheegaynaa inaysan u shaqayn doonin.

Dowlada Kenya, kooxaha Jabuuti iyo Embghati ayaa horay ugu heshiiyay inay canshuurtii Soomaaliyeed ku qaataan dalka Kenya gudahiisa kaas oo ah qiyaano qaran , oo asaga xataa ah dhac loo gaysanayo xoolaha iyo hantida ummada Soomaaliyeed .

Taas oon u sheegayno ganacsatada Soomaaliyeed inaysan bixin canshuurtaa marnaba ogalaan arinkaa asaga ah.

Waxaan u sheegaynaa marka ummada Soomaaliyeed inay nala ogaadaan nimankaan waxay wadaan kalana dagaalamaan oo ka diidaan.

Ugu danbayntii waxaan u tacsiyaynaynaa dhamaan dadwaynaha Soomaaliyeed oo maalin walba Ugaandhayska iyo Burundiyeesku ku garaacaan madaafiicda oo tii ugu danbays ahayd midi shalay ku garaaceen iyo tii qoyskii deganaa Taleex.

Xaafiiska Warfaafinta ARS.

09/04/09

Email: isbahaysi@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS