SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Wardheere: Waxaan cambaaraynayaa dawladda Kenya iyo UN ficilkooda ku aadan badda Soomaaliya

wardheereMaxmuud Nuur Wardheere
Milwaukee, WI
mnwardere@yahoo.com

The treaty ama heshiiska badaha ee Soomaaliya iyo Kenya

Sida iska cad dawladda cardunka ah ee aan weli qaan gaarin ee Soomaliyeed qalad cad ayay gashay. Dawladda Kenya iyo UN ayaa qaladkaas geliyay. Laakiin in qaladkaas loogu marmarsiiyoodo duminteeda waa qalad kale ama qalad qalad ku sax. waxaa haboon in la saxo ee ma haboona in la dumiyo. Heshiiskan ma dhaqan geli karo ilaa baarlamaanka Soomaaliya ansixiyo. Baarlamaankana hadda wax uu geli karo maahan hawshaan oo waa ay ka weyn tahay. Heshiiyadan oo kale shacabka Soomaaliyeeed waxaa uu jecel yahay in waa danbe lala sugo oo aan hadda laguba mashquulin

Dawladda cusub ee aan weli dhamaystirmin waxaa ay kala garan weysay hawlaha murugsan ee u yaal sida ay u kala muhiimsan yihiin (priorities). Heshiisyada badaha iyo xuduudaha ma ahan wax maanta looga fadhiyay xataa ayadoo aanan weli la dhamaystirin xubnaheedii haykalka dawladnimo dib u heshiisiin iskaba iyo daryeele.

Dhaqanka caalamiga dawladaha heshiiskan oo kale waa inuu jiraa
1) Xafiis kala taliyo heshiiyada caalamiga (treaties) dawladda kana shaqeeya hirgelintiisa.
2) Heshiisyadan oo kale waxaa ay dhaqan geli karaan oo keiya marka senate-ka ama baarlamaanka dalkaas ogolaado.
3) Madaxweynaha iyo Raiisal wsaaraha iyo wiiradiisa waa ay la gorgortami karaan ama kala hadli karaan dawlado kale treaties laakiin awood uma leh keligood ogolaansha.

Waxaan ku talinayaa in weli waqti la siiyo dawladda cusub maadaama madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha shaqsiyadooda aad loogu kalsoon yahay iyo prime misterka oo yiri ma ogoli in aan taako dhulka Soomaaliya bixiyo. Muhimadda waa in dadkeena tabaalaysan ee 20 ku jiray rafaadka iyo holokoosta hanbadooda aan badbaadinaa. Waa in aan tanaasul la nimaadnaa. waa in aan mdi midi ku taag ka gudubnaa. waa in aan u naxnaa kuweena tabarta daran. waa in aan ogaanaa in dawladnimo sharaf noogu jirto. markaas ayaan diidi karnaa amarka Kenya iyo UN ee badaha.

Canbaarayn Kenyaiyo UN

Dawladda Kenya ma ahayn in ay maanta ku qasabto dawladda yar ee Soomaaliya in ay saxiixdo heshiis aanay tabarteeda ahayn. waa ka faaiideysi in deris liita la yiraahdo waan ku taageerayaa ee heshiiskan ee saxiix. UN sidoo kale waa ka faaiiideysi in dawlad yar oo taageero iyo aqoonsi kaa doonaysaa lagu qasbo in ay saxiixdo wax aanay awoodeeda lahayn ama aanan waqtigeedii la gaarin. Sorry, not this time!

Haddii aan qayaano jirin maxaa hadda keenay heshiiska badda ee Soomaaliya? Maxaa loo sugi waayay ilaa dawladdu ka qaan gaarto?
Madaxweyne Shariif iyo Prime minster Cumar waxaa haboon in ay kordhiyaan dadka la taliya sidii ay baarlamaanka u kordhiyeen. qaladkan heshiiska badda waa fursad fiican oo aad dadka Soomaaliyeed ku raaligelin kartaan haddii aad dadka u soo bandhigtaan dadka idinla taliya ama waxa ay Kenya iyo UN idiin sheegeen taasoo xilligan idinku qasabtay in aan saxiixdaan heshiis idinka weyn. Waxaa soo kordhaya tuhunka dadka madaxweynaha la taliya. La taliyeyaal fiican waa kuwa madaxweynaha inuu guulsto sabab u noqon kara.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa haboon in aan dib loogu laaban xilligii wax duminta ee aan u gudubnaa xilligii wax dhiska. Shacabkeena dhibta haysata awgeed waa in aan dawladdan u taageernaa anagoo saxayn wixii qalad ah ee aan ku aragno.
Allow nabad iyo dawlad fiican sii Soomaaliya.

Maxmuud Nuur Wardheere
Milwaukee, WI
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS