w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK: NAIROBI/MUQDISHO

Heshiis shaki huwan oo ay kala saxiixdeen Kenya iyo DKMG (Nairobi oo lagu qaadayo canshuurta DKMG)

Dowlada Kenya ayaa DKMG ah la saxiixatay heshiis dhigaya in badeecooyinka Kenya laga qaado ee loo dhoofinayo Soomaaliya in canshuurtooda lagu qaado gudaha Kenya

Sida uu heshiisku dhigayo DKMG ah ayay tahay in ay soo magacaabato saraakiil laanta canshuuraha ah oo la dhigo garoomada Kenya, dekedaha iyo xuduudaha si halkaasi ay ugu qaadaan canshuurta badeecooyinka Kenya laga dhoofiyo ee Soomaaliya galaya.

Sida ay Kenya ku doodeyso, lacagta canshuurta kasoo baxda ayay DKMG ah u isticmaaleysaa arrimaha amaanka.

Moses Watangule, waa wasiirka amuuraha dibbada Kenya wuxuu leeyahay “waxaan arrintani u samaynaynaa si aan hogaamiye kooxeedyada oga jarno dhaqaalaha ay ka helaan canshuurta sharci darada ah ee ay ka qaadaan badeecooyinka, kadibna qarashkaasi ku wiiqaan dowlad Soomaaliyeed oo hergasha” wuxuu intaasi ku daray in lacagta canshuurta loogu tallogalay in lagu kaabo ciidamada amaanka ee DKMG si buu yiri ay ula wareegaan gacan ku heynta amaanka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Marka loo fiirsado hadalka wasiirka waxaa la’isweeydiin karaa halka ay joogaan hogaamiye kooxeedyada uu ka hadlayo ee meel maamula?, hadduusan ula jeedin maamulada islaamiga ah ee ka dhisan qeybo ka mid ah Soomaaliya, ma jiraan wax hogaamiye kooxeed ah oo xiligani Soomaaliya ka shaqeeya oo canshuur ka qaata badeeco Kenya ka timid, waxaa si sahlan loo garan karaa in doodaasi wasiirka aysan ahayn mid sal leh oo runtii marin habaabin lagu tilmaami karro.

Taasi ka sokow waxaa isweeydiin leh nooca badeecada Kenya ka tagta ee Soomaaliya la geeyo, iyada oo aanan waqti lagu luminin jawaabta su’aashaasi waxaa durbaba lasoo dhufan karaa in jaadka uu yahay badeecada kaliya ee Soomaaliya uga timaada Kenya ee canshuur fiican laga heli karro.

Maamulada ka jirra koonfurta ee dowlada Kenya ay sheegeyso hogaamiye kooxeedyo ay doonayaan in ay ka jaraan dhaqaalaha kasoo gala badeecooyinka , iskaba dhaaf in ay canshuur ka qaadaane, xittaa waxaysan ogoleyn in dalkaba la keeno qaadka , talaabo kasta oo Kenya ku canshuurayso ama ku xanibayso waa war iyaga farxad u ah. Tan kale in qaadka lagu canshuuro Kenya miyey ka horistaageysaa in ay iyagana ku canshuuraan marka qaadku yimaado meelaha ay ka taliyaan?

Arrinta kale ee dad baddan ay ku qosleen ayaa ah fikirka Kenya ee ah in haddii canshuurta gudaha Kenya lagu qaado taasi ay dhaqaalaha ka jarayso dadka maamula goobaha badeecooyinkaasi ay ku degeyaan, waxaa la’is weeydiinaayaa waxa ka horistaagaya in ay canshuuraan badeecooyinka kasoo degta meelaha ay maamulaan, sow arrintu noqon meeyso in qaadka kenyana lagu canshuro, Soomaaliyana markale lagu canshuuro?, waxayse su’aasha kale ee ka muhiimsan tahay, kumaa ayay faa’iido u tahay in labbo jeer la canshuuro badeecooyinka Soomaaliya ay Kenya u dhoofineyso?.

Ka sokow arrinta dhaqaalaha ee ay Kenya maanka ku heyso, inbaddana ka faa’iidey, Soomaaliya marnaba faa’iido uma lahan qaadka, sababta arrintaasina waa doqoni garatay.

Waxay u egtahay in ujeedka uu ku koobanyahay in illo dhaqaale loo abuuro DKMG siduu dooniba dhaqaalahaasi haku yimaadee, xittaa haddii dadka beecmushtarka ah la canshuurayo 2 jeer.

Sheey kale oo isagana muhiim ah ayaa ah cawaaqibka ay sharci ahaan Kenya dhexdeeda ka yeelan karto in dowlad kale ay wax ku canshuurto gudaha Kenya oo ah dal madaxbanaan, mar haddii saraakiishii laanta socdaalka ee canshuuraha ee Soomaaliya ay fadhiyaan Wilson Airport oo ku yaala caasimada Kenya ee Nairobi, miyaanan taasi sharci ahaan loo turjuman karrin in meesha ay joogaan ay wixii hadda ka dambeeya tahay dhul Soomaaliya ka mid ah, xuduuda Soomaaliya iyo kenyanna ay Nairobi marto? , si kastaba waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo saraakiisha kastamka ee xuduudaha ay canshuurta waxa dalka soo galaya ku qaadaan dal kale gudihiisa. Dooda sharciyeed ee arrintanina waxay u taalaa muwaadhiniinta Kenya, laakiin halkani waxaa ka dhadhansan kartaa in arrinkani uu yahay go’aan culus oo aan si sahlan lagu gaarin.

Sharci ahaan waxaa kale oo loo turjuman karaa in Soomaaliya looga taliyo Nairobi, maadaamaa canshuurtii Xamar lagu qaadi lahaa Nairobi lagaaga qaadayo, anigu ma ahi sharci yaqaan laakiin tani waa waxa ay cabiran karto maskaxda fiyoow ee qofka caadiga ah, marka aad u fiirsado tuduca hoosana, sharaxaadan dambe ayaa runta u dhawaaneysa.

Dhanka kale, toloow heshiiskani baaxada weyn maxaa lagu kala badashay?

Mar saacado laga joogo oo sii horeysey KismaayoNews.com waxay tabisey war ku saabsanaa Kenya iyo DKMG ah oo kala saxiixday heshiis dhigaya in Kenya ay la wareegto qeeybo ka mid ah xeebta Soomaaliya ee Raaskaambooni xigta, halkaasi oo ay Kenya ka waddo shidaal baaris, warkani waxaa si isku wada mid ah u faafiyey wakaalaha wararka aduunka.

Shabakada afka dheer ee SomaliTalk.com ayaa iyadana daabacday qoraal cilmi baaris ah oo ka koobnaa 42 bog, meel ka mid ah qoraalka waxaa ku xusnaa in qeyb ka mid ah xeebta Soomaaliya ay dowlada Kenya shidaal ka baarayso, isla markaasina ku darsatay xeebta ay iyadu leedahay oo ay ka mid yihiin jasiirado ay Soomaaliya leedahay, arrintani waxaa laga ogaaday qoraal ay Kenya u gudbisey Qaramada midoobey.

Haddaba sow macquul ma ahan in arrintani ku saabsan canshuurta DKMG ah looga badashay heshiiskani badda?.

Marka arrimaha dhan kasta laga eego waa kuwa shaki huwan, waxaana maalin kastaba soo ifbaxaya waxyaabo lala yaabo oo Soomaaliya kusii jiidaya in ay noqoto dal la kala qeeybsato oo uu cadawgu maamusho iyada oo dadkii dalkani lahaa ay iyaga isku mashquulsanyihiin, soo xasuuso maqaalkii Kipkorir ee jariidada Daily Nation uu ku sheegey in Soomaaliya ay ku kala goosgoostaan wadamada dariska ah, sow kulama ahan in ay bilaabatay arrintaasi.

ssxoCabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo).
Email: saxansoxo1@hotmail.com

Related News: Kenya to help Somalia levy import taxes

Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 
 

Copyright © SomaliTalk.com | 1999 - 2009