SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Heshiis khaldan, erraybixin gurracag iyo mid qeexan oo lagu bililiqeysanaayo xudduud baddeedka Somalia dhinaca Kenya amaba shaki lagu galinaayo sharci ahaanta  lahaansha gabal kamid ah badda Somalia.

Anagoo ah dhalinyaro Soomaliyeed oo ku nool qaarada Australia. Waxaanu sibuuxda uga soo horjeednaa gabi,ahaanba heshiiskii ku sheegi lagu saxiixay Kenya( 7/4/2009) oo Dawlada kumeelgaarka ah ee Somalia uu usaxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Wasiirka Qorshaynta Qaranka (inkastoo saxiixisu melkadhac ba,an kuyahay lahaansha badda qaranka Somalia).

Waxyaabaha aan ku qaadacney heshiiskaas waxaa kamid ah in saxiixaasi uu dhawac ba,an ugesankaro lahaansha dhulbadeedka qaranka Somalia. Heshiiskaasi wuxuu sibuuxda udhinacmaray qawaaniinta badda ee hadda caalamku kudhaqmo taasi oo ah in heshiiskaas ay kucadahay dhulbadeed Somalia uga diwaangashan Qaramada midoobay uu kadhigaayo dhul lagu muransanyahay amaba Qaramada midoobay aysan cidna udiiwaangalin. Errayda sidda qeexan ee iska cad qofkasta oo English waxka yaqaan ufahmi karo ee qoraalka lagu heshiiyay kujira waxaa kamid ah(area underdispute coastline,between Somali & Kenya, Unsolved dispute, Maritime dispute, area under dispute) iyo kuwo kale oo badan oo lamid ah. Sida kucad heshiiska wuxuu shaki ugaliyay lahaansha qeyb kamid ah badda Somalia oo kutilmaamay meel lagu murransanyhay oo aan 2 dawladood toona laheyn Sub-xanaallaah, waa layaab taasi waxay lamidtahay Cadceeda oo subaxjoogta qof yarri waxaan saaraya Calacasha. Run ahaantii waa layaab waxa madaxda dowlada ku xambaaray saxiixa heshiis kushegan dhawacaya badda Somalia inkastoo Qofka haddi meeli ucaddahay meeli kamadow maah maah Soamlia.

Xuduuda badda eeSomali/Kenya udhaxeysa waa xuduud adduunka kadiiwaan gashan oo xilligi gumeysigii Italia/Britain ay sibuuxda oo iskacad gabi, ahaanba xuduuda badda,iyo xadka labada dal udhigeen mudadii udhaxeysay 1924---1933 . sidaad ogtihiina wuxuu sibuuxda uga dhanqangalay qaramada middoobay. Waxaana lagu soo dhaqamayey in kabadda 80 sano. Qoraaladii qexayay xuduudihii ay dhigeen Italia/Britain waxaa laga daalacan karaa website,ka Somalitalk.com oo soo urruuriyay dhamaanba xogtii looga baahnaa badda Indian ocean Bahda somalitalk oo ay kujiraan aqoonyahanno oo weliba la tashadeen aqoonyahanno kale  xeel dheer xeerarka ,shuruucda baddaha aduunka aad bay ugu mahadsanyihiin sidda wanaagsan ee ay usoo uruuriyeey xogta badda Somalia oo aad hadda kadaawan karto website,ka somalitalk.com

Aqoontii anqoonyahanka DKM kujiray lamood noqonseweydey waraysigii ra,iisulwasara Somali BBC,8 april hadalkiisii waxaa kamidd ahaa.Waa jirtaa anaga iyo Kenya inaan isku hayno Xuduudka en biyaha hoose ee aanu en gudi usaari doono hadii illaahay yiraahdo laguna kala bixi doono maxkamaddaha aduunka....Maadaama xuduudaheeenu isa soogaaraana aanu u sheegno aduunku in waxa naga dhaxeeya anaga an ku kala baxno si sharci ah. Su aashu waxaytahay, goormuu muran xaga badda ah noo dhaxeeyey? goormay jirtay inaan xuduudaha badda isku hayney? Su,alshaan ah muranka badda inuu horey ujirey iyo inkale waxaan waydiiyay dad aad ufarabadan oo Somali ah oo ay kujiraan dad aqoon dheer uleh sharciga iyo cabbirka baddaha xiligii dawladdii kacaankana joogay. Jawaabtii waxay kusoo uruurtay in aysan horey ujirin murun xagga badda ah ee Somali/Kenya udhexeeya lana helikaro booktii badda ee Somali iyo waliba wadamada kulaala Indian ocean,ka. Waxayna kutilmaameen arin aan laga fiirsan dadka saxiixayna aysan kahaysan xog kufillan daahana karogasa muran baddeed aan horey ujirin,khatarna ku ah qeyb kamid ah dhulbadeedka Somali.

Run ahaantii madaxda saxiiday ama kadanbeysay saxiixa qoraalkan lagu qirray murran baddeed udhexeeyay Somali/Kenya oo aan horey loo arkin loona maqlin kana hor imaanaya shaciga qoran dhaxal galka ah ee badda somali.waxay umuuqdaan dad aan ayagu iska warhaynin waxa ay saxiixayaana an kahaysan xog ku filan, dad kudeg degay wax aysan sibuuxda ufahansaneyn ama ogaal qasdi ah usameeyay haddii sikale loo dhigo arintaan khatarta galisan badda Somali.waxaa xusid muddan in dad mas uuliyad somaliyeey sheeganaya ay sabab unoqdeen in badda Somali lagushubo harraaga suntan nucler. Tanse waa dhaxal wareejin, sameyn map cusub waa halis horleh, iyo farsmo cusub.

Dawlada kumeelgaarka ee Somali adduunka kama haysato aqoonsi kufilan kamana taliso hal Gobal oo qura oo dalka Somali kamid ah hadda waxay isku dayeysaa in ay xukunkeeda wadda gaarsiiso Gobalka Banaadir.Dhinaca amaanka DKMG aadbay uga liidataa oo ciidamada AMISOM baa Mogadishu kajooga wax sugid amaan loo dirsan karo la,isku haleynkaro inkastoo African,ku uu ku caan baxay wax isdabamarin iyo falalguracan. Kenyana 18,sano ee tagey Madaxda Dawladihii kumeelgaarka ahaa iyo qabqablayaalkii Somali ee dalka hakaas dhigey Hotelada Kenya waxay ahaayeen meesh kaliya ee ay gabaadka kadhigtaan (Beerta nabada iyo nasiinada) u aheyd. kii waxsoo qariba ama hoobiye kaduldhoco, ama soo dhawacma mesha kali ee ay kutashan karaan in ay kahelayaan HURDO CAAFIMAAD. Marka malagayaabaa in DKM usameysay heshiiskaas arimo laxiriira saxiibtino shaksiyaal DKM kujira iyo si ay ukasbato tageero dhinacyobadan oo wakhtigaan DKM ay ubahantahay.

Ugu danbantii waxaanu umada somaliyeey ugu baaqanaa meelkasta oo ay joogaanba in ay kahortagaan af iyo addinba kuna booriyaan DKMG ah in ay kanoqoto heshiiskaas wax udhimaya xornimada Badda Somali kana dhigaya meel lagu murran sanyahay oo cidna aan loo aqoonsaneyn Kenyana ujeexaya wadda horleh sheegasha babba Somali. waa layaab iyo waxlagu qoslo heshiiska idhola,aanta ah dawlada Somalia lagashay Kenya. Ninbaa waxaa laga sheegam maaniga waalan mise cirkasare ba laga heesayaa? War DKMG ee 4,ta billod ee kaliya jirta bililiqo iyo minguurinta badda somali uxoogbadanaa.

waxaa diyaariyay qoraalka
Adam C/salam
adamjirac@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: