SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

FAALLO: Dowladda Sh. Shariif oo Martay Waddadii Maxamed I. Cigaal 1967-dii

  • Yuusuf Cali Qammaan
    Qammaan@gmail.com

Kismaayo: Jubbaland ayaan daran, shalayto waxaa berrigaaga gatay M. I. Cigaal , maantana baddaada waxaa gatay dowladda Sh. Shariif.

Jubbaland: Waa dhulka u dhaxeeya Labada webi Jubba iyo Wabiga Tana , waxaa mustacmarkii Ingriisku uu qabsaday qarnigii 19-aad dhammaadkiisa. 15 june 1924 waxaa heshiis Roma ku wada galay Talyaaniga iyo Ingriiska , talyaaniga ayaa waqtigaa ku sugnaa webiga Jubba Barigiisa , waxayna ku heshiiyeen in webiga Jubba laga soo gudbiyo Talyaaniga ilaa iyo Dhoobley , arrinkaas waxaa gaashaanka u daruuray Suldaan Xaaji Cusmaan Magan.


Qalin Qaran ku difaac

September 1924 Suldaanku wuxuu Dacwad gaarsiiyey dowlada Talyaaniga iyo dowlada Ingiriiska , wuxuuna ku caddeeyey dacwadiisa in dhulkiisa Jubbaland uusan marnaba qaybsami Karin, warqadaas oo ku qornayd Carabi, maantana warqaadaasi waxaa laga heli karo Madxafyada Ingiriiska iyo Kenya, laakiin dacwadaas Ingiriisku dheg uma dhigin, wuxuuna 1925-kii keenay Dhoobley ciidan uu watay nin la oran jiray Captain Leopold si ay u calaaamadeeyaan Xadka . Captain Leopold goobtaas ayaa lagu dilay waxaana hakad galay muddo sannad ah Calaamadayntii Xadka ku sheega uu samayn lahaa Captain Leopold.

Bishii 1927 waxaa hirgalay Xadkaas , waxaana loo bixiyey dhankii xaggaa Ingiriiska raacday NFD (Northern Frontier District). 1963-dii waxyar ka hor xuriyadii Kenya waxaa afti laga qaaday shacabka dega Gobolka NFD , waxayna 88% ay u codeeyeen inay soomaaliweyn ku biiraan , laakiin Ingriiska waa uu ka madax adaygay wuxuuna raaciyey si jujuub ah dalka Kenya oo xoriyadda qaadatay 12 Desember 1963-dii. Dowladii Soomaaliya oo markaa uu hogaaminayey Dr. C/rashiid Cali Sharmaake wuxuu xiriirka u jaray dowlada Ingiriiska.

Waxaa gobolkii ka bilowday dagaal gobonimo doon ah , dowladda Soomaaliyeedna waxay la garab istaagtay Hiil iyo hooba dadkii Soomaaliyeed ee Deggenaa NFD. Sannadkii 1967-dii waxaa Raiisalwasaare ka noqday Soomaaliya Maxamed I. Cigaal , wuxuuna shuruud la’aan soo celiyey Xiriirkii Ingiriiska , laakiin Ingiriisku wuxuu shuruud uga dhigay inuu duudsiiyo xaqa shacabka NFD. 28 -10-1967-dii Maxamed I. Cigaal wuxuu heshiis kula saxiixday dowladda Kenya Magaalada Caruusha Tanzania, waxaana dowladda Kenya markaa matelayey M. kuxigeen Daniel Arap Moi, waxaana dhex-dhexaadinayey Madaxweynihii Zambia Kenneth Kaunda, dulucda heshiiskaas waxay ahayd :-in Kenya leedahay dhulkeeda , duulaan danbena uusan soomaaliya uga imaanayn; heeshiiskaasana wuxuu dhaqan galay 01-01-1968.

Waxaa ayaan darro ahayd in Labada dowladood ay heshiiyaan , meeshana ay ka maqnaayeen Jabhadii NFD (Northern Frontier District) oo markaa iyadu u dagaalamaysay Xornimo iyo Inay Soomaaliya ku biiraan.

Haddaba haba la bixiyee dhul soomaaliyeed , waxaase isweydiin mudan muxuu ka helay Maxamed I. Cigaal bixntii uu bixiyey dhulkaas Soomaaliyeed?.

Sida ku cad taariikhda Janayo 1994-tii , waxaa yimi Nairobi Maxamed I. Cigaal oo markaa ah Guddoomiyaha Waqooyi galbeed iyo Togdheer , waqtigii uu ka soo baxayey Hargeysa wuxuu dadkiisa u sheegay inuu ictiraaf ka raadinayo East African Community iyo British High Commissioner Nairobi isla markaana uu ka helay Casuumad. Maalinkii uu soo gaaray Nairobi maalinkii ku xigtay ayuu shir JaraaŽid ku qabtay City Hall Nairobi isaga iyo taageerayaashiisa, wuxuuna maalinkaas caddeeyey inay Soomaaliya tahay Waqooyi , Koonfur iyo Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia ay dhulkooda leeyihiin oo aysan soomaaliya waxba ku lahayn.


Buugga Superpower diplomacy in the Horn of Africa ee uu qoray Samuel M. Makinda (1987)

October 28. 1967, Somalia iyo Kenya waxay Caruusha, Tanzania, ku kala saxiixdeen heshiis is-afgarad  'Memorandum of Understanding'.

Somalia
Khariidadda Soomaaliya

Hadalka ka soo baxay Ina Ibraahim Cigaal wuxuu dhaliyey dood aad u dheer , waxaa maalinkii ku xigay isla hoolkaas shir JaraaŽid ku qabtay Suldaan Deeqow Macalin Sanbul Guddoomiyaha Jabhada NFD , isagoo dowladda Kenya weydiiyey oo yiri "Dowlada Kenya waa inay war cad ka bixisaa waxa ay ugu yeertay guddoomiyah Waqooyi galbeed, soomaaliya haddii ay kala tagtay oo gobolo ayey noqotay waqooyi galbeed iyo Togdheer wax xuduud ah lama laha Kenya , haddii arrin Xuduud laga hadlayo waa in Guddoomiyaha W/Bari ee Kenya uu arrimaha xadka iyo nabadgelyada kala shiraa Madaxda Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaas ayaa xuduud la leh Kenya , waxaana uu Guddoomiyuhu uu u sheegay Daniel Arap Moi inuusan Maanta ahayn Maxamed I. Cigaal Riisal wasaarihii soomaaliya. balse uu yahay Guddoomiye gobol, isagoo dowlada Kenya ka codsaday inay warcad ka soo saarto martigelinta Maxamed I. Cigaal " .

Waxaa habeenkaas Madaxweyne Arap Moi u tegay Mudanaasha laga soo doorto W/bari Kenya , waxayna madaxweynha ka codsadeen inuu ka warbixiyo waxa uu ka ogyahay Booqashada Maxamed I. Cigaal .

Madaxweye Arap Moi ayaa habeenkaas u sheegay mudanayaasha laga soo doorto W/bari Kenya iney la soo xiriireen Rag ehalada Cigaal ah oo deggen Nairobi waxayna u sheegeen in Maxamed I.Cigaal Raadinayo Qandaraaskii dowlada Kenya ay siisay heshiiskii Caruusha 1967-dii, kaas oo ahaa inuu Sannad waliba ina Ibraahim Cigaal qandaraas loo siiyo inuu u iib- geeyo Kenya 20.000 neef oo Lo’ ah, kana xaraasho KMC ( Kenya Meat Commission) xarunteeda Lamu, qandaraaskaas oo bur-buray 1969-kii markii kacaanku uu ka curtay Soomaaliya, Waxaana la xasuustaa in Qandaraaskii uu la galay dowlada Kenya Ina Ibraahim Cigaal lagu faah-faahiyey Joornaalada ka soo baxay dalka Kenya. Dhacdadaas ayaa noqotay mid daah furtay sirtii mudada qarsoonayd.

Markii ay sidaas dhacday oo Joornaalada Kenya ay kashifeen heshiisyadii qarsoonaa ee ina Cigaal la galay dowlada Kenya laguna bixiyey dhulkii NFD , ayuu Maxamed Ibraahim Cigaal Habeen madow ka huleelay Kenya una cararay Ugandha oo uu kasii aaday Hargeysa.

Ulajeedada maqaalka ayaa ah, haddii shalay dowladdii Ina Ibraahim Cigaal ayaa Berrigii bixisay , maantana tan Shariif ayaa Baddii u saxiixday Kenya, Maxaa Shariifka loo ballan qaaday oo qarsoon? Waxaa la isweydiin karaa Yaa dillaal ka ah howshan ? Waa shay aan marnaba qarsoonayn in Dilaal iyo dhaqaale jiro , la doonayo in laga qaato dowlada Kenya.

Dib u raacid: Arrinkaan ayaa soo jiitamayey ilaa 2005-tii , maantase waxaa loo helay rag u heelan dallaal oo dantoodu iyo Mustaqbalkoodu uu yahay in hanti Xaaraan ah ay helaan , waxaana ugu horeeya Shariif xasan Sh. Aadan oo ay Noloshiisu ay ku dhisantahay Dullaal iyo qaadwale , waxaa kaas weheliya Iimaan laawaha C/raxmaam Ibbi.

Waxaase ayaan darro ah in Cumar C/rashiid oo ah Raiisalwasaarihii Dowladdan cusub uu dafiro xaqiiqda dhabta ah ee heshiiska isla markaana uu difaaco. Aaway Macalin Aadan Madoobe sharcigiisu ma wuxuu shaqaynayey oo kaliya markii uu Baydhabo joogay mise Shariif sh. Aadan baa afkoodii kula hadlay oo dhegta wax ballan qaad ah u saaray.

Sh. Shariif: Jubba Kismaayo waxay ahayd goobtii uu u soo qaxay desember 2006-dii oo ahayd markii Xamar laga soo saaray Kooxdiisii , wuxuuna waqtigaas BBC-da u sheegay inuu Xamar uga soo baxay inuu badbaadiyo Xamar iyo shacabkeeda , isweydiinta taal baa waxay tahay haddii uu Xamar u turay muxuu shacabka Kismaayo ugu turi waayey ? . Ayaamo kaddib wuxuu iska dhiibay Haluuqo Kenya waxaana xigtay in Jendai Fraizer tiri dowladda ku meelgaarka ah waa inay la hadashaa ragga macquulka ah sida Sh. Shariif , xilligaas oo Jubbaland berri iyo Bad iyo cirkaba laga garaacayey.

Isweyndiinta taal maanta waxay tahay Sh. Shariif Jamhuuriyada Soomaaliya ma ka taliyaa ? waxse ma saxiixi karaa , iyadoo Dhulka uu bixinayo dadkii u dhashay ay joogaan.

Geesinimo : Qofkasta oo Soomaaliya wanaaga uu sameeyaa waa wax mudan in lagu ammaano gobolkuu doono ha ka soo jeedee, Waxaa ammaan mudan in la dhiirigeliyana mudan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar kaalinka uu iska taagay arrinka Badda loogu saxiixayo dalka Kenya, wuxuuna noqonayaa nin Masuul ah oo Taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galay haddii uu ku sii adkaysto mowqifkiisa ku aadan Badda Soomaaliya ee la dhaxalsiinayo Kenya.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay inuusan waxba ka ogeyn heshiiska la sheegayo ee lala galay dowlada Kenya uusan raali ka noqonaynin . taasi waxay ina tusinaysaa in Heshiis hoose uu arrinku yahay oo rag gaar ahi ay wataan , dantay doonaan haka yeesheene.

Waxaan u fadhinaa in maalin dhow ay bannaanka imaan doonto waxa lagu heshiiyey iyo waxa la kala qaatay. Waxaan ammaan ballaaran u jeedinayaa Website-ka Somalitalk sida uu uga warbixiyey iyo macluumaadka uu soo bandhigay iyo sirta qarsoon.

Yuusuf Cali Qammaan
Qammaan@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: