w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK: BADDA SOOMAALIYEED

DFKMG oo Sheegtay in aysan Kenya la saxiixan Heshiis Is-Faham oo ku saabsan Xadaynta Badda u dhaxaysa Labada Dal

Afhayeen u hadlay Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin qoraal haba yaraatee la isla fahmay oo u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aaddan calaamadaynta xuduudda badda ee u dhaxaysa labada dal.

Waxaa shir jaraa'id oo arrintaas ku saabsan qabtay C/qaadir Maxamuud oo ka tirsan xafiiska warbaahinta ee ra'iisul wasaaraha DFKMG.

Afhayeenku waxa uu qiray in arrintaas ay mar hore isla soo qaadeen Golaha Wasiiradda ee DFKMG.

TV-ga Universal oo arrintaas ka warbixinaya waxa uu yiri: Afhayeenku wuxuu sheegay in muddo hore arrintaasi lagu soo qaaday shirka golaha wasiirada, waxaana markaas golaha wasiiradu ku taliyeen in hawshaasi loo saaro khubaro Soomaali ah oo takhasus gaar ah ku leh calaamadaynta xuduudda badda iyo arrimaha khayraadka dhulka hoostiisa ah, khubaradaasi markii ay soo saaraan xog buuxda ayaa Dawladda kumeelgaarku ay go'aan rasmi ah oo arrintaas ku aaddan ka soo saari doontaa," ayuu yiri afhayeenka. (Daawo Video-ga hoose).

Hadalka afhayeenka DFKMG ka jawaabayay ayaa ah war ay faafiyeen warbaahinta caalamka oo soo xiganaysay wasiirka Arrimaha dibaadda Kenya, Moses Wetangula. Warkaas oo xusay in heshiis is afgarad oo ku saabsan xadaynta badaha uu dhex maray Moses Wetangula iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Taas oo hadda uu afhayeenka Soomaaliya uu warkaas beeniyey. Weli Kenya beenintaas dambe kama hadlin.

Kenya waxay si bareer ah u calaamadsatay qayb ka mid ah badda Soomaaliya, sida ku cad qoraal ay Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay. Arrintaas oo laga doonayo Dawladda Soomaaliyeed in ay si qeexan u diido, adduunka iyo shacabka Soomaaliyeedna si waadax ah ugu sheegto.

Waxa kale oo Qarammada Midoobay (QM) ka socda qorshe lagu kordhinayo baaxadda baddaha Adduunka, laakiin ay shardi tahay in dalalka xeebaha leh ay xogta cabbirka badahooda u gudbiyaan QM ka hor May 13, 2009, haddii kale ay dhici karto in baddaas lagu wareejiyo Hay'ad hoos timaadda QM ama lag akireeyo dalal shisheeye, sida ku cad warbixinta faahfaahsan ee SomaliTalk.com.

Halkan ka daawo Warkii TV Universal ee Afhayeenka DFKMG.


Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 
 

Copyright © SomaliTalk.com | 1999 - 2009