SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Gabay: Xeer-badeed

Gabayga Xeer Badeed waxaa April 20, 2009 curiyay C/salaam Cismaan X.Cige.


Shiinow badanku waa igubanayaa sidii bur cawseede
Baaruud rasaaseed ka daran beeydadkaad tiriye
Ragga beerku uu ololayee ciil la boholyaysan
Ee booyi maantii hurdana laylki bogan waayey
Ee bari samaadkii xusiyo dawlad lagu baano
Maalaayiin ka badan uumiyaha ciil la bayd go’aye

Buruudkii dadlkeeniyo raggaa baawarkii tabaya
Miigaggii buluuglaha lahaa caaryo lagu buufshay
Maraakiib badmaaxdiyo wixii beebe nahorjoogay

Milatariga aan biqin raggii burada loosiiyey
Xuduudaha balaadhsiga raggii loo bud’dhigay iilka
Baabkale raggii aan aqoon toodi laga boobye

Haddiise ay barbaartani aqoon xeerka badaheenna
Dhulna aan ciyaar lagu bixin booto iyo sheegad
Bahalqaadyayoow!!! maysugaan culimadii beesha

Haddaanse boqorku noo hiilin oo balada noo doorin
Baddu waaba sahalee dadkaa beeca xigidoona


Curiye C/salaam Cismaan X.Cige
<feeyige@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: