SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Heshiiskii Xadeynta Badda ee Kenya iyo Soomaaliya: Hagardaamo Halisteeda leh

  • Axmed Cali M. Khayre (Garyaqaan ku takhasusay qawaaniinta caalamiga ah)

    ....Waxaa (Heshiiskaas/isafgaradkaas) looga noqon karaa in baarlamaanku yiraahdo heshiiskaasi ma ahan mid ansax ah sababtoo ah lama soo marsiin golaha sharci dajinta sida sharcigeennu qabo.......  Arinkaan waa mid deg deg ah waxaana dhamaanteen nalaga rabaa in aan u howl galno....


Hordhac

Maalmahan waxaa socotay dood ku saabsan  badda Soomaaliya iyo heshiis ay Dowladda Kumeelgaarka ah (DKMG) la gashay dalka Kenya. Cilmi baaris qotodheer oo ay sameeyeen bahda SomaliTalk ayaa waxaa ka soo baxday in dowladda Kenya hunguri ka galay dhulbadeed Soomaaliya leedahay. Bahda SomaliTalk-na waxa ay umadda Soomaaliyeed ku baraarujiyeen arrin baaxad weyn oo u baahan in wax laga qabto. Doodda dhinacyo badan ayaa laga fiiriyey. Maqaalkan gaaban waxaan ku lafagurayaa waxyaabaha ka dhalan kara heshiiskaas, xadaynta qalfoofka qaaradda badda Soomaaliya (outer limits of the continental shelf) dhinaca qawaaniinta caalamiga ah.

Macnaha Heshiiska Isfahamka

Marka la raaco qawaaniinta caalamiga ah muhiim ma aha magaca loo isticmaalo heshiiska ay kala saxiixdaan laba dowladood. Tusaale ahaan DKMG waxa ay ku doodaysaa waxa aan galnay heshiis (agreement, treaty)  ma ahayn ee waxa uu ahaa Isfaham (Memorandum of Understanding). Halkaas waxaa laga dhadhansankaraa in ay aaminsan yihiin in ay khalad ahayd in heshiis lala galo Kenya oo bad Soomaaliya leedahay ku sheegtay mid lagu muransanyahay.Su'aashu waxa ay tahay haddii la caddeeyo in waxa la kala saxiixday ay heshiis ahaayeen oo magaca loogu hoos geliyey, maxay samaynayaan? Ma ka noqonayaan heshiiskaas? Doodda meesha ay u dhacayso ma ahan in ay dowladdu heshiis gashay iyo in kale ee waxaa weeye heshiiskaasi ma yahay mid sharci ahaan qabanaya labada dal oo laysku isticlaami haro mustaqbalka?

Marka la tixgalinayo qawaaniinta caalamiga ah, magaca heshiiska loo bixiyo ma sugo in heshiisku yahay mid qabanaya sharci ahaan waddamada kala saxiixday heshiiska (binding) iyo in kale ee waxaa la fiirinayaa waxa ku qoran heshiiska iyo masuuliyiinta saxiixday. Marka la fiiriyo kalmadaha loo adeegsaday heshiiskan iyo saxiixa ay saxiixeen wasiirrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxaa muuqata in uu yahay mid loogu talo galay heshiis labada dalba qabanaya. In heshiiskan Soomaaliya loo isticmaali karo iyo in kale waxa ay ku xirnaan doontaa in heshiiskaan laga diiwaan geliyo xoghaynta qaramada midoobay waaxda aruurinta heshiisyada. Waxaa jira heshiisyo badan oo cinwaankoodu yahay isfaham oo loo diiwaangeliyey xeer ahaan iyo kuwo kale oo isfaham ahaan loo qaatay. Xiriir aan la sameeyey waaxdaas waxaa ay ii sheegeen in aanay illaa maanta oo taariikhdu tahay 15ka April ayna soo gaarin heshiiskaas, arinkanna waan lasocon doonnaa.


....Haddii heshiiskan laga qoro Qaramada Madoobay oo Kenya ama Soomaaliya midkood diinwaangeliyo waxa uu noqonayaa mid qabanaya labada dal oo Soomaaliya loo isticmaali karo haddii mustaqbalka dacwo arinkan ku saabsan timaaddo....


Haddii heshiiskan laga qoro Qaramada Madoobay oo Kenya ama Soomaaliya midkood diinwaangeliyo waxa uu noqonayaa mid qabanaya labada dal oo Soomaaliya loo isticmaali karo haddii mustaqbalka dacwo arinkan ku saabsan timaaddo. Maxkamadda adduunka ayaa arinkan caddaysay  sida ku cad dacwad ay maxkamadda gaysteen dalaka Qatar iyo Bahrain oo dhul badeed iyo jasiirado isku haystay. Waxa ay u egtahay in Kenya magaca isfahamka u bixisay heshiiskan si Soomaalida loogu qaldo. Bogga internetka ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Kenya waxa ay heshiiskan ugu yeertay 'Heshiis Xadka Badda' sida ku qoran boggooda internetka. In ayna jirin sinnaan labada dal waxa ay ka muuqataa,  marka heshiiska la saxiixayey waxa dhinaca Kenya goobjoog ahaa dad badan oo ay kamid ahaayeen Xoghayaha Joogtada ah  ee Wasaaradda Arimaha Dibadda, Madaxa Qaybta Sharciga. Halka Soomaaliya uu socday hal wasiir oo keligiis ah. Waxa kale oo muuqata in Kenya heshiiska soo qoratay oo ayna jirin wadahadal lagala galay waxa lagu qorayo heshiiska. Tan kale, maadaama nuqul heshiiskan ah ay Soomaaliya u gudbisay Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda Badaha, wey adkaanaysaa in aan ku doodno waxa uu ahaa isfaham oo keli ah. 

Kala caddaynta doodad

Waxaa aad mooddaa in ay laba doodood isku dhinac socoto. Waxaana habboon in labada doodood lakala saaro oo mid walba gooni loo galo. Tan koowaad  waa in loo baahnaa  in aan guddiga xadaynta qalfoofka badda ee QM u gudubsanno macluumaadka ku aadan sheegashada Soomaaliya ay rabto in ay kororsato xadka qalfoofka baddeeda sida xeerka baduhu farayo. Doodda labaadna waxa ay tahay heshiiska aan lagalnay Kenya iyo in aan ku qasbanayn iyo in kale iyo in aan waxa heshiiska ku qoran iska fiirinay. Haddii doodda sidaa lookala qaado waxaa sahlan in si fiican loo fahmo. Qoraalkan doodda waxa uu u wajihi doonaa qaabkaas.

Nuxurka Heshiiska

Marka aad fiiriso qodobbada heshiisku daboolayo waxaa kuu soo baxaysa in qaar layskaga daray kuwana muhiim yihiin. Marka hadda waxaan u falanqaynayaa heshiiska qodob qodob.

  1. Tan koowaad, heshiisku waxa uu leeyahay labada dal waxba kama qabaan in mid walba gudubsato codsigeeda ku aaddan kororsiga qalfoofka baddeeda. Marka la raaco xeerka baddaha adduunka iyo lifaaqyadiisa iyo weliba xeer hoosaadka guddiga arinkan u xilsaaran dalna uma baahna in uu helo ogolaashaha mid kale si uu u sameeyo codsigiisa. Dalwalbana waaba ku qasbanyahay in uu soo gudbin sameeyo. Marka qodobkaan looma baahnayn in laba dal heshiis ku xusaan.Waxaa kali ah oo dhib ah in aan ogolaanay inaan waxba ka qabin in Kenya wax gudubsato anaga oo aan ogayn waxa ay gudubsanayso. Waxa uu heshiiskaanu ishaarayaa in aan ognahay oo aan aragnay waxa Kenya gudubsanayso- taas oo aan sax ahayn.
  1. Heshiisku waxa uu qirayaa in ay jirto bad laysku haysto oo u dhaxaysa labada dal. Somaaliya waxa ay adduunka u gudbisay xadka badeeda oo qayaxan xilligii dowladdii milatariga dalka ka talinaysay mana jirin dowlad muran ka keentay. Kenya waa la socotay xadka Soomaaliya doodna kama qabin.Waxaa khalad aan laga soo waaqsan ah in Soomaaliya hadda qirto in uu jiro bad laysku haysto. Waxaa ka sii daran ma aanan arag maabka Kenya wadato oo maba ogin dhulka ay leedahay waa lasyku haystaa. Marka la eego macluumaadka dowladda Kenya (hordhac ahaan u) gudbisay, waxa ay sheeganaysaa bad aad u weyn oo Soomaaliya lahayd oo baaxaddeeda lagu qiyaasay 38,000 km2.
  1. Heshiiska waxaa kale oo ku qoran in xadaynta qalfoofka badda uuna shaqo ku lahayn muranka labada dal u dhexeeya. Tan looma baahna in lagu qoro heshiis sababtoo ah xeerka badda iyo lifaaqa la socda ayaa qoresya in muran wadamada deriska ah u dhexeeya ayna wax shaqo ah ku lahayn xadaynta. Guddiga xadayntuna shaqo kuma laha muranka dowladaha u dhexeeya. Waxaad moodaa Kenya in ay rabtay in ay caddayso in bad laysku haysto ay jirto.
  1. Heshiisku waxa uu qirayaa in Somalia iyo Kenya ay gudubsanayaan sheegashadooda ka hor 13 May 2009. Arinkanna looma baahna in laga heshiiyo sababtoo ah waxaa amraya xeerka badda.
  1. Waxaa  kale oo heshiiska ku jira in labada dal ay guddiga siiyeen ogolaasho in uu talo bixintiisa tixgalin siiyo dhulka laysku haysto. Arinkan ayaa dhibkeeda leh.  Kenya waxaa ay samaysay diyaar garow weyn oo waxa ay soo bandhigaysaa macluumaad badan oo ay ku taageerayso sheegashadeeda. Soomaaliya awood uma laha in ay markaan is difaacdo, marka waa khalad weyn in ogolaashahaas la bixiyo, sababtoo ah haddii aan ogolaashaha la bixin waxa ay ahaanaysaa arin taagan oo markii aan awood u yeelanno aan u soo jeesan karno.
  1. Qodobka kale oo xasaasiga ah oo ku jira heshiiska uguna dambeeya waxaa weeye in aan qirnay in aan annaga iyo Kenya marka gudigu talo soo jeedinta bixiyo ka heshiinayno 'badda laysku hayo'.Hadda oo aanan tabar lahayn oo aanan haysan khubaro iyo aqoon aan isku difaacno wax heshiis ah lama gaari karno Kenya oo diyaar garow badan samaysay. Sida muuqata ujeedada Kenya waxa ay tahay marka guddiga xadayntu talo bixinta bixiyo in ay heshiis la gaarto xubno matalaya Soomaaliya. Haddii qaabkaas lagu xadeeyo badda waxa ay noqonaysaa mid kama dambays ah oo aan laga noqon Karin. Marka waxaa muhiim ah in aan wax heshiis ah aanan Kenya la galin inta aan tabarteeda ka yeelanayno oo aan awoodayno in aan xaqayaga soo dhacsanno.

Wareegto Rasmi ah (GAZETTE NOTICE NO. 3929) oo soo baxday 24kii May, 2006 ayaa Kenya ku magacawday Guddi Hawlgal (Task Force) oo ka kooban 14 xubnood iyo 3 xoghayn, waxaana loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan iskuna soo dubbaridaan arimaha ilaalinta iyo sheegashada xadka Qalfoofka Qaaradda illaa 350 mile badeed... "TASK FORCE ON THE DELINEATION OF KENYA'S OUTER CONTINENTAL SHELF"

.. Dhanka DFKMG: Sida ay sheegeen qaar ka mid ah golaha wasiirada waxaa ay go'aanka qaateen ka bacdi markii SADDEX SAACADOOD oo kaliya warbixin laga siisay arinkan....


Haddii aan nuxurka heshiiska soo falanqaynay, bal aan fiirinno diyaargarowga ay labada dal sameeyeen si ay arinkan  sheegashada xadka qalfoofka badda u sheegtaan. Dowladda Kenya waxa ay gashay diyaar garow dheer. Sanadkii 2006dii waxa ay shaqo la bilowday Xoghaynta Ururka Barwaaqo sooranka qaybtiisa Talooyinka khaaska ah si ay uga caawiyaan isku diyaarintooda. Kenya waxa kale oo ay isticmaashay shirkado kale oo ay ka mid tahay shirkad Faransiis ah oo iyana ka caawisay aruurinta macluumaadka loo baahanyahay iyo samaynta maababka laga rabo oo taageeraya sheegashadeeda. Dowladda Kenya waxa kale oo isla sanadka 2006da ay samaysay guddi heer qaran oo isku keenay xeeldheerayaal loo diray in ay ka shaqeeyaan iskuna soo dubbaridaan arimaha ilaalinta iyo sheegashada xadka Qalfoofka Qaaradda illaa 350 mile badeed.

Dowladdii Kumeelgaarka ahayd oo Soomaaliya  xilligaas ka jirtay waxba kama qaban arrinkan oo kumaba baraarugsanayn ama ma doonayn in ay wax ka qabato. Dhowr usbuuc ka hor ayaa dowladda Kenya oo diyaarsan waxa ay heshiis la gashay dowladda kumeel gaarka ah oo hadda  jirta oo aan wax macluumaad ah ka hayn arimaha laga hadlayo. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah golaha wasiirada waxaa ay go'aanka qaateen ka bacdi markii saddex saacadood oo kaliya warbixin laga siisay arinkan. Waa arrin la dareemi karo oo iska cad in aan shaqsiyaad iska socda oo aan wax diyaargarow ah samayn ayna marna si sax ah wax ula qaybsan karin  dowlad diyaargarowgaas dheer gashay oo ay hay'adeheedii dowliga ahaa u shaqaynayaan, kaalmana ka heshay hay'ado caalami ah.

Su'aashu marka waxay tahay, maxaa nagu kalifay in aan ku degdegno saxiixa heshiiskan? Ma waxay nagu ahayd qasab in aan la galno Kenya heshiiska noocaan ah?  

Ma ku qasbanayn in aan Kenya heshiiskan la galno?

Marka la eego xeerka badda qodobkiisa 76aad, lifaaqa labaad (Annex II) oo xeerka badda la socda iyo weliba ficilladda wadamada adduunka oo gudbiyey sheegashada xadkooda qalfoofka badda midna kuma cadda in ay qasab nagu ahayd in aan heshiiskaan la galno dowladda Kenya oo iyada diyaargarowga dheer gashay. Taasna waxaa kuu muujinaya dalka kale oo dariska nala ah eeYemen wax heshiis caynkaan ah nalama gelin. Yemen weliba waxa ay guddiga xadaynta qalfoofka qaaradda u gudbisay sheegashadeeda ku aaddan xadka qalfoofka qaaradda ee jasiiradda Socatra iyada oo aan wax heshiis ah nalaga galin. Marka waxaa muuqata in heshiiskani yahay mid ay Kenya soo karisay annagana aan ku baraarugsanayna iska saxiixnay. Dowladda Kenya ayaa ku doodaysa in xeerka baddu qabo in wadamadu ka heshiiyaan xadka baddooda. Laakiin sida aan kor kusoo sheegnay guddiga xadaynta qalfoofka badda shaqo kuma laha xadka wadamada u dhaxeeya. Xeerka badda ma ahan wax qarsoon ee meesha ay uga taallo hasoo bandhigeen. Tan kale, xataa haddii heshiis lagalayo waxaa qasab ah in layska fiiriyo oo wixii aan dan kuugu jirin laga saaro, taasna ma dhicin.

Haddii aan heshiiskan la galin maxaa dhici lahaa?

Waxaan maqlay xubno ka mid ah golaha wasiirada DKMG ah oo ku andacoonaya waxaan cusboonaysiinaynay sharciga badda Soomaaliya oo dhacay oo haddii aan la cusboonaysiin waa la qaadan lahaa. Hadalkaas waa mid aan sax ahayn xaqiiqadana ka fog. Xeerka badaha adduunka oo Soomaaliya saxiixday 1989 hirgalayna 1994 (waxa uu hirgalayey marka ay xubin ka noqdaan lixdan dowladood) waxaa uu Soomaaliya u ogolaanayey in ay sheegato illaa 200 mile badeed oo ah dhul ay kuleedahay xaq ganacsi oo khaas ah. Dhulkii Soomaaliya sheegatay iyo dhamaan xuduudihii badda Soomaaliya sidoodii ayey u jiraan umana baahna in la cusboonaysiiyo. Arinka uu qodobka 76 ee xeerka badaha uu ka hadlayo waxaa weeye in waddamada badaha leh loo ogolyahay in ay calaamadaysataan xadka u dambeeya ee qalfoofkooda qaaradda inta ka dambaysa 200 mile badeed oo horay loo sheegtay ayada oo dowlad walba loo ogolaaday in ay gaarsiisankarto ilaa 350 mile badeed. Arinkan waxaa Qaramada Midoobay u saartay guddi shaqadiisu tahay in uu talo soo jeedin sameeyo sida ku cad xeerka. Talo soo jeedintaas kabacdi ayaa dal kasta waxaa laga rabaa in ay calaamadaystaan xadka qalfoofkooda qaaradda badda.

Haddaba, haddii aan annaga oo wax heshiis ah la galin dowladda Kenya aan gudbin lahayn sheegashadayada ku aadan kororsiga xadka qalfoofka badda waxa guddigu tixgalin lahaa codsigayaga ayada oo aan loo eegayn dal kale. Haddii Kenya ay sheegato dhul aan leenahay waxaan iska difaaci lahayn annaga oo aan u qirin in dhulkaasi muran ku jiro. Waxaa nagu filnaan lahayd gudbinta macluumaadka kumeel gaarka ah oo haddaba la gudniyey. Waxaa kale oo noo furnaa oo qawaaniinta caalamiga ah noo fasaxi lahayd in aan guddiga weydiisanno in dib naloogu dhigo waqtiga layska rabo in macluumaadka la gudbiyo. Qodobka 61aad ee heshiiska Vienna ee xeerarka caalamiga ah ayaa waxa uu ogolyahay in waddan qayb ka ahaa heshiis haddii ayna suurtogal ahayn in uu kasoo baxo waajibaadka ka dhashay heshiiskaas uu weydiisan karo in loo dib loogu dhigo.

Maxaa nala gudboon hadda?


....Waxaa (Heshiiskaas/isafgaradka) looga noqon karaa in baarlamaanku yiraahdo heshiiskaasi ma ahan mid ansax ah sababtoo ah lama soo marsiin golaha sharci dajinta sida sharcigeennu qabo. ...... Arinkaan waa mid deg deg ah waxaana dhamaanteen nalaga rabaa in aan u howl galno....


Hadda, dowladda kumeel gaarka ah waxa ay gudbisay macluumaad kumeel gaar ah oo ku aaddan sheegashada xadka ugu dambeeya ee qalfoofka qaaradda badda Soomaaliyeed. Waxaa gudbintaas lagu lifaaqay laguna dhexdaray qoraalka la gudbiyey heshiiskii aan Kenya la galnay. Hadda waan buuxinnay shuruuddii nalaga rabay, laakiin waxaa qodax isha nooga taagan ah heshiiska ay Kenya na hoos galisay oo dhibaato badan noo keenaya. Waxaa muhiim ah in aan heshiiskaas ka noqonno.Waxaa looga noqon karaa in baarlamaanku yiraahdo heshiiskaasi ma ahan mid ansax ah sababtoo ah lama soo marsiin golaha sharci dajinta sida sharcigeennu qabo. Qoraal arinkaas ku aadanna loo gudbiyo Kenya iyo guddiga xadaynta badda, loona sheego in laga soo qaado mid aan jirin. Arinkaan waa mid deg deg ah waxaana dhamaanteen nalaga rabaa in aan u howl galno.

Arinka kale oo la rabo in aan aad uga digtoonaanno waxaa weeye in, sida ku cad heshiiska aan Kenya la galnay, marka guddigu talo soo jeedinta sameeyo aan Kenya kala heshiinayno xadka badda. Arinkan waa in lagu baraarugsanaadaa. Waqtigaan Soomaaliya malaha dowlad tabar leh awoodna  u leh dhinac walba in ay wadahadal si siman ula gasho Kenya. Sidaas daraadeed waa in aanan wax heshiis ah haba yaraatee la gelin Kenya ama dowlad kalaba inta aan awooddeeda yeelanayno. Waa khalad in shaqsiyaad ay iska saxiixaan arrin saameyn ku leh masiirka ummadda Soomaaliyeed iyo jiilasha soo socda. Sharciga waxa uu noo ogolyahay haddii aanan ku qancin talo soo jeedinta guddiga xadaynta badda aan macluumaadka aan gudbinnay dib-uhanayno oo mar kale ku celinno. Haddii sidaas la yeelayo waa in aan isticmaalnaa khubaro arinkaan ku xeel dheer oo Soomaali iyo ajnabiba noqon karta.

Ahmed Ali M. Khayre

Waa garyaqaan ku takhasusay qawaaniinta caalamiga ah, horeyna uga mid ahaa macalimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed, Kuliyaddii Waxbarashada Lafoole.

Waxaa lagala xiriiri karaa: aakhayre@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2009

  • FG: Xadka qoraalkani ka hadlayaa waa Xad-Badeedka Soomaaliya.

BAARID | SEARCH


Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri... Apr 23

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress.... Apr 22

Britain and Argentina dispute rights to seabed around the Falkland Islands


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: