SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Heshiiskii Is-afgarad ee Caruusha (Oct 28, 1967) Tanaasulkii ay dowladda Soomaalidu samaysay waxna kagama eeyan beddelan dowladdii Keenya.

dr saadiq enowDr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Heshiiskii Caruusha (Tansaaniya) ay ku gaareen ra'iisul-wasaaraha Soomaaliyeed Maxamad I. Cigaal iyo madaxweynihii Keenya Jomo Kenyatta Qodobkiisa koowaad oo ah midka ugu hilan cuslaa ayaa lagu qeexay in labada dowladood ay is-dhaafsadaan xushmad mid walba loogu aqoonsanayo urusanaanta dhulkeeda iyo is-heysashada gobolladeeda. Tanaasulka ay dowladda Soomaalidu samaysay waxna kagama eeyan beddelan dowladdii Keenya....

....heshiiskii Caruusha wuxuu ahaa mid aanan soo dhoweyn ka helin dad-weynihii Soomaaliyeed. Waxaase jirtay in heshiiska laga ansixiyay barlamaanka 22/ 11- 1967-kii.


Ilays NewsPaper Cadadkii 23aad (Apr 19, 2009)

Somalia
Khariidadda Soomaaliya

...Sidaas baa dowladdii Soomaaliyeed ay ku weyday qadiyaddoodii....


Dhegeyso: Muhimadda uu leeyahay dhulka dalka Soomaaliya oo Dr.Saadiq Eenow ka jeediyey Nadwo Cilmiyeed la qabtay April 2009.
Dhegeyso 
Halkan ama Halkan


  • FG: Qoraalkani waxa uu qayb ka yahay maqaal kusoo baxa Wargayska Ilays Newspaper.

Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Madaxweyne 10 Jun 1967 - 15 Oct 1969)
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal (Ra'iisulwasaare 15 Jul 1967 - 1 Nov 1969)

Bishii maarso 1967-kii, madaxweynihii cusbaa Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu Maxamad Ibraahim Cigaal u doortay raŽiisul-wasaare hoggaamiya dowladda cusub. Inkasta oo Cigaal loo arkay hoggaamiye geesi ah oo ka danbeeyay midnimadii labada gobol ee Soomaaliyeed, misana masuuliyaddii uu qabtay waxay noqotay mid ay Soomaalidu dood badan geliyaan. Waayo waxay hoos u dhigtay rajadii loogu halgamayay qadiyaddii dhulalka Soomaalida ka maqan. RaŽiisul wasaaraha cusubi wuxuu isku deyay in uu debciyo xiriirka sii xoogoobaya oo Soomaalidu ay la yeeysheen USSR, halkiisana ay galaan dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan Mareekanka. Wuxuu qaaday tallaabooyin uu ku qaboojinayo kuleylkii dhex-yiil Soomaaliya iyo dowladaha deriska ah (Keenya iyo Itoobiya). Waxaa la xiray xeradii tababarka ka socday ee Garoowe. Wasaaraddii Danaha Soomaaliyeed waxaa lagu magacaabay nin la yiraahdo Maxamad Shiikh Yuusuf oo ku magac dheer (Derbi), kaas oo ahaa siyaasi lagu yaqaan mowqif aanan is rog-rog lahayn inflexibility. RaŽiisul wasaaruhu isaga oo hoggaaminaya wafdi Soomaaliyeed ayuu fadhi OAU-du ku lahayd magaalada Kambala (Ugaandha) uu kaga khudbeeyay in dowladdiisu ay xushmeynayso xuduudda Keenya, isla markaasna ay ilaalinayso isu-socodka lagaga tallaabsanayo xadka. (National and Class Conflict in the Horn of Africa, Jhon Markakis, 1987, p. 181 & 185).


Qalin Qaran ku difaac

Arintaasi waxay ku dhamaatay heshiiskii degmada Caruusha (Tansaaniya) ay ku gaareen raŽiisul-wasaaraha Soomaaliyeed Maxamad I. Cigaal iyo madaxweynihii Keenya Jomo Kenyatta. Qodobka koowaad oo ah midka ugu hilan cuslaa ayaa lagu qeexay in labada dowladood ay is-dhaafsadaan xushmad mid walba loogu aqoonsanayo urusanaanta dhulkeeda iyo is-heysashada gobolladeeda. Tanaasulka ay dowladda Soomaalidu samaysay waxna kagama eeyan beddelan dowladdii Keenya.

RaŽiisul-wasaare Maxamad I. Cigaal, isaga oo arintan ka waramayay ayuu wuxuu ka sheekeeyay waxa ku khasbay goŽaanka uu qaatay. Wuxuu ka waramay mar uu niman madax ah oo u dhashay dalka Ingiriiska uu weydiiyay sababta ay NFD ugu dareen gobollada Keenya. Waxay ugu jawaabeen sidan :

" Soomaaliya waxay ku tagtay in ay gowrac u noqoto danaha dowladaha waaweyn ". (Daahir Maxamuud Geelle, risaalad uu ku diyaariyay shahaado majisteer, Qaahira, 1995-kii, s. 67).

Raggaa Ingiriiska ah waxay sheegeen in boqorkii Itoobiya uu ku calaacalay dowladda Mareekanka isaga oo ka baqaya haddii NFD ay Soomaaliya raacdo, in Ogaadeenya iyo Jabuutina ay raacayaan. Dabadeed Madaxweynihii Mareekanka J. F. Kennedy  ayaa Ingiriiska ka codsaday in NFD aanan Soomaaliya la raacin. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii Caruusha wuxuu ahaa mid aanan soo dhoweyn ka helin dad-weynihii Soomaaliyeed. Waxaase jirtay in heshiiska laga ansixiyay barlamaanka 22/ 11- 1967-kii.

Waxaa kale oo xilligaas jiray shiddo dowladda Soomaaliyeed ka haysatay gudaha oo ahaa dagaallo sokeeye oo ay beelaha reer miyiga ahi isku baabiŽinayeen. Kaas oo ku baahay dhulkii ay ka talinaysay jamhuuriyadda madaxa bannaan. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa colaad 40 jirsatay oo ka dhex aloosnayd beelaha Abgaal iyo Murursade, taas oo baaluq noqotay xilligii dowladdii Cigaal. Waxaa xoog ku qaboojiyay ciidamada la wareegeen talada dalka. Dagaallada xilligaas socday ee ku faafay inta badan gobollada Soomaaliya, ayay ahaayeen kuwuu ka gabyay Cabdullaahi Suldaan (Timacadde) markii uu lahaa :



Tixraaca: Buugga cinwaankiisu yahay Arms for the Horn: U.S. security policy in Ethiopia and Somalia, 1953-1991 oo uu qoray Jeffrey Alan Lefebvre, ayna daabacday madbacadda Jaamacadda Univercity of Pittsburgh Press, 1991 ..
EEG HALKAN

Heshiiskii Caruusha: October 28. 1967, Soomaaliya iyo Kenya waxay Caruusha, Tanzania, ku kala saxiixdeen heshiis is-afgarad  'Memorandum of Understanding', kaas oo ku saabsanaa dhulka Soomaaliyeed ee NFD.

Ubadkiinii waad daadiseen waadna dubateene
Dubaaxdiisi waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyay waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa helaŽe
Nin ka duday dastoorkiyo waxyiga diinta ka carowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Tallaabadii uu qaaday raŽiisul-wasaare Cigaal, ee ahaa aqoonsiga xudduudaha, waxay rajo weyn ku abuurtay dowladdii Mareekanka. Waxay arintaasi kaga jawaabtay in ay Soomaaliya u soo dirto madaxweyne ku xigeenkoodii Hubert Humphrey, kaas oo Xamar yimid bishii janaweri 1968-kii. Qiimeyntii masuulka martida ah siiyay tallaabooyinkii ay dowladda Soomaaliyeed qaaday ayaa dhalisay in raŽiisul-wasaarihii Soomaaliya uu bishii maarso ee sanadkaas u kicitimo magaalada Washington. M. I. Cigaal, socdaalkiisii kama uusan soo helin kaalmadii dhaqaale oo uu rajeynayay. Sababtuna waxay ahayd, dowladdii madaxweyne Lyndon B. Jhonson oo ku mashquulsanayd howlaha samafalka ah welfarism oo dalka gudihiisa laga hirgelinayay iyo qorshayaasha dagaalka warfarism ee Fiyetnaam. Soomaaliyana xilligaas maahayn degaan kamid ah meelaha istraateejiga ah oo Mareekanka uu ahmiyadda siinaysay. Waxaa taas wehelisa caadifadda u janjeerta Itoobiya ayaa dowladda weyn waxay u diidaysay in ay Soomaaliya u fidiso kaalmo ay ku caga-dhigato.

Sidaas baa dowladdii Soomaaliyeed ay ku weyday qadiyaddoodii iyada oo uu soo food saaray xilli uu dhaqaalihii hoos u dhacay, khilaafkii qabiilkuna uu cirka isku shareeray. Odey Soomaaliyeed oo ka quustay hanaankii ay siyaasiyiintu wax ku wadeen ayaa doorashadii ugu danbeysay tix afar beyt ah ka tiriyay. Odeygaas oo magaciisa la yiraahdo Cali Aadan Ciye ayaa diiday in uu dhameystiro gabeygaas. Wuxuuse ballan qaaday in haddiiba uu gaaro doorashada danbe, uu markaas dhameystirayo gabeyga. Dhowr bilood dabadeed waxaa dhacay afgembigii ay ciidanku talada kula wareegeen. Tixdii Cali Aadan waxay ahayd sidan :

Haddaan woodka woodkiisa kale weyda lagu raagin
Nin wanaagsanaan jiray hadduu midab waraaboobin
Ninkii wiil ahaan jiray hadduu waabta ka adeegin
Meeshiyo wareegsane haddaan Galowgu wiireynin

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2009

BAARID | SEARCH


Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri... Apr 23

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress.... Apr 22

Britain and Argentina dispute rights to seabed around the Falkland Islands (Friday 24 April 2009)

New Somali President guaranteed nightmares - Abdul Kadir (Uganda Daily Monitor)


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: