SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG Oomaar:  inaga iyo Kenya laba xuduud ayaa inaga dhexeeya, mid waa tan berriga, midina waa tan badda...

... wax la xallilay oo dawladihii hore xalliyeen oo kuwa badda ah ama kuwa berriga ah qoraaladoodii waa in maanta laga daba tago, la helo, la xaqiijiyo....

  • SomaliTalk.com | Muqdisho, May 9, 2009

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda FKMG Maxamed Cabdulaahi Oomaar oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho (April 6, 2009) oo markii ugu horeysay intii uu soo gaaray Muqdisho ka hadlay xuduudda Keny iyo Soomaliya iyo arrimaha badda ee muranka badan dhalisay ayaa wuxuu difaacay in aanay jirin wax xeebta Soomaaliya oo la bixiyay.


Kenya oo Qarammada Midoobay u Gudbisatay Xogta Rasmiga ah ee Baddeeda: Badda Soomaaliyana ka Goosatay 116,000sq.km.. Akhri.. May 7

Mar la waydiiyay su'aal ahayd: Maadaama aad tahay Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaa jira heshiis ay wada gaareen dawladda Soomaaliya iyo Kenya, taas oo muran badan dhalisay, halka Kenya shacabkoodu aysan hadal ka qabin, balse shacabka Soomaaliyeed ay AAD ugu muransan yihiin, oo ay muujiyeen ka soo horjeedkooda, waxa uu ku jawaabay:

"Horta Madaxweynuhu sida uu sheegay, HAL TAAKO oo dalka iyo biyaha Soomaaliya oo la bixinayo ama la ogol yahay in ay awood Soomaali aan ahayni qabato ama masuuliyadeeda yeelato habeenkii xalay ahaa weeye, horta taa ku niyad samow."

"Tan labaad: inaga iyo Kenya laba xuduud ayaa inaga dhexeeya, mid waa tan berriga, midina waa tan badda, wadamada kalena xuduudo ayaynu isku hayney, wax la xallilay oo dawladihii hore xalliyeen oo kuwa badda ah ama kuwa berriga ah qoraaladoodii waa in maanta laga daba tago, la helo, la xaqiijiyo. Balse mid baa jirta: heshiis lama saxiixin, kontoraad lama saxiixin, bixin lama samaynin, waxa keliya ee la gaaray waa laba qodob:

  • - In codsigii dawladda Soomaaliyeed la gaarsiiyo Qarammada Midoobay maadaama waqti cayiman oo ay xirmaysay ay jirto, taas oo xiri lahayd badda inta la inoo ogol yahay oo sii ballaaran waqtigaa in laga gaaro, qodobkaa waa laga hawl galay.
  • - Qodobka labaad: in maadaama ballaarintaasi imanayso in labada dawladood ee jaarka ah ee Koonfurta Soomaaliya badaheeda ay is xigaan in arrintaasi United Nation-ka ama Qarammada Midoobay markay ka fiirsanayaan ee ballaarinayaan in ay ogaadaan in labadaa dawladood xuduud biyeed, maadaama aanu wax la kala saxiixday oo hore jirin, inay u diyaar yihiin in Qarammada Midoobay kala taliyaan dhexdhexaadiyaanna haddii, HADDII BAAN KU DARAY, haddii wax is-afgaransho-waa ahi dhaco."

"Marka qodobku waxa weeye Kontoraad lama saxiixin, heshiisna lama gelin, ee Memorandum of Understanding waxa la yiraado qoraalka taas ah ayaa la isku saxiixay oo iska caddayn oo kale ayaa la saxiixay. Marka dawladdu ma ogola, mana bixinayso, waana ka diriraysaa berriga iyo badda, dadka iyo dalka Soomaaliyeed, in HAL TAAKO ugu yaraan cid kale ama sheegato ama la wareegayso, taasi mid dhacaysa ma aha, dawladduna ma ogola, dadkuna ma ogola, dawladuna ma ay wareejin."

Dhulka Soomaaliyeed ee maqan waa NFD oo ku maqan Kenya iyo SoomaaliGalbeed oo ku maqan Ethiopia. Taas oo jirta, heshiiska Is-afgarad ee April 7, 2009 ay kala saxiixdeen DFKMG iyo Kenya, waxa uu si QEEXAN ugu saabsan yahay "MURAN BADEED" la galiyay badda Soomaaliya, waxaana taas caddayn u ah qoraalka rasmiga ah ee Kenya u gudbisatay Qarammada Midoobey (May 7, 2009).

Su'aasha hadda hortaal Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Oomaar, waxay tahay: Mar haddii Kenya ay si rasmi ah u cabirtay dhul-badeedka Soomaaliyeed, taas oo xad-gudub ku ah xorriyada Soomaaliya, sidaas daraadeedna ay ku jebisay Heshiiskii Is-afgarad ee Caruusha 1967, markaas wasiirku dhankiisa makaga dhawaaqayaa in Soomaaliyana ay khasab ku tahay in ay sidaas oo kale jebiso heshiiskii Caruusha. Sidaas daraadeena ay Soomaaliya diyaar u tahay markale in ay si sharci ah oo nabad ah kusoo celiso xornimada NFD, islamarkaasna ay Soomaaliya qoraaladoodii sharciga ahaa ee arrintaas xalka u keeni lahaa, laga daba tago, la helo, la xaqiijiyo NFD?..

Qoraaladii hore ee la xiriira hadaladii wasiirka iyo warbaahinta caalamka:

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG, Maxamed Cabdullaahi Oomaar, oo Difaacay Heshiiskii Is-afgarad ee Kenya....

Sida ay daabaceen warbaahinta Shiinaha iyo Kenya... Waxaana wasiirka warkaas laga soo xigtay hal maalin ka hor intii Kenya aanay xogta rasmiga ah ee ay ku sheegatay 116,000km2 oo badda Soomaaliya u gudbin Qarammada Midoobay...

Tarjumadii: SomaliTalk.com | May 8, 2009

  • Muhiimadda aagga dhul-badeedka ku aadan RaasKambooni: Waxaa aaggaas badda lagu tuhunsanyahay ceel uu ku jiro batrool. Sidoo kale Kenya waxay qorshaynaysaa in webiga Tana River ay qaar kamid ah ka kirayso dawladda Qatar, taas bedelkeeda magaalada Lamu looga dhiso deked weyn.. Arrimahaas waxay kuu muujinayaan muhiimadda aagga badda Soomaaliyeed ee hadda muranka la galiyay.. (Tixraac Halkan)
  • April 10, 2009 (Nairobi): Oomaar: "Anigu wax shaqo ah kuma lihi heshiiskan, waxaan u arkaa mid aan dan u ahayn Umadda Soomaaliyed"
  • May 6, 2009 (Muqdisho):  Oomaar: "Heshiiska Is-afgaradka ma aha in dawladdu ay dal kale siinayso baaxad dhul ama bad ah..."
  • May 7, 2009: Kenya oo Qarammada Midoobay u gudbisay xog muujinaysa in ay cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa difaacay heshiiskii ay DFKMG la gashay Kenya bishii hore (April 7, 2009), heshiiskaas oo dalka Soomaaliya ee ku yaal geeska Afrika ka abuuray muran aad u weyn, sidaas waxaa warka ku bilaabay warbaahinta dalka Shiinaha ee Xinhua, sidoo kale waxaa warkaas sheegay Jariidada ka soo baxda Nairobi ee Dail Nation.

Maxamed Cabdullaahi OomaarMaxamed Cabdullaahi Oomaar waxa uu yiri "Kani (Heshiiska Is-afgaradka ee Memorandum of Understanding) ma aha in dawladdu ay dal kale siinayso baaxad dhul ama bad ah. Waxa uu ku saabsan yahay in Kenya iyo Soomaaliya uu midba kan kale u ogolaaday diimo la'aan (non-objection) in ay akhbaartooda ku saabsan Qalfoofka Qaaradda inta badda hoos usii gashan ay u gudbistaan Guddiga Qarammada Midoobay ee Xadaynta Badaha," sidaas waxa uu Arbacadii weriyaal ugu sheegay magaalada Muqdisho, waa sida warku u dhigay'e.

Warku waxa uu intaas ku daray in heshiiska dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu Soomaaliya ka abuuray caro aad u xoog badan, kaas oo in badan oo ka mid ah saraakiisha dawladdu ay u arkaan in Dawladda Soomaaliya ay dhulka Soomaaliya u loogayso oo u gacan galinayso Soomaaliya. Waxaana warbaahinta Shiinaha iyo Kenya ay intaas ku dareen in la filayo in heshiiskaas si degdeg ah loo horgeeyo baarlamaanka, islamarkaasna baarlamaanku uu wasiirada dawladda su'aalo ka waydiiyo arrimaha ku saabsan heshiiskaas lala galay Kenya.

Warkaas waxaa Oomaar laga soo xigtay in uu sheegay Arbacadii May 6, 2009 oo ku beegnayd hal maalin ka hor intii Kenya aanay xogta rasmiga ah ee ay ku sheegatay 116,000km2 oo badda Soomaaliya u gudbin Qarammada Midoobay...

In badan oo Soomaali ah ayaa aaminsan sababta ay Kenya qorshaha dheer u gashay sidii ay saxiixa DFKMG u heli lahayd in ay ka mid tahay sidiiay ku heli lahayd dhul-badeed ceelka shidaal oo aad loogu tuhmayo batrool oo ku yaal aagga Laamu meel lagu qiyaasayo in ay ku taal gudaha badda Soomaaliya. Waxaa kale oo jira in Kenya ay muddo qorshaynaysay in dhanka hoose ee Webiga Tana River (ee mara Gaarisa) dhanka xiga xeebta in laga kireeyo dawladda Qadar, baaxad dhul ah oo dhan 40,000 hectares. Taas bedelkeedana in Qadar ay Kenya u dhisto deked weyn oo laga dhiso Lamu, sidaas daraadeedna ay tahay in xadka Soomaaliya laga durkiyo Laamu. Waxaana jira fikrado tibaaxaya in Ethiopia ay doonayso in ay adeegsato Dekedda laga dhiso doono Laamu, taas oo ah in jid laami ah oo isku xira Lamu iyo Itoobiya la dhexmariyo gobolka NFD ee Soomaalida. Arrimahaas oo kuu muujinaya muhiimadda aagga badda Soomaaliyeed ee hadda muranka la galiyay.

Waxaa xusid mudan in hore ay warbaahinta, sida Idaacadda CodkaBeesha, ay u werisay in heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya uu gaashaanka u daruuray oo aad iska fogeeyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo heshiiskaas ku tilmaamay heshiis aan xataa wadatashi laga samaynin. Sidoo kale, waxa hore looga soo xigtay Oomaar in uu yiri "Anigu wax shaqo ah kuma lihi heshiiskan, waxaan u arkaa mid aan dan u ahayn Umadda Soomaaliyed" sida ku cad warka hoose oo April 10, 2009 uu faafiyey TV Universal:

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay heshiiska Somaliya iyo Kenya ee xuduuda badda

Isha: TVUniversal: Jimce, April 10, 2009 (Fri, 10/04/2009)

oomaarWasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay heshiiskii Dowladda la gashay Kenya ee qeexayay sohdimaha badda labada dal ay wadaagaan.

Mr Oomaar ayaa sheegay inuu wax raad ah ku laheyn ama wax ka og yahay heshiis Wasiirka Iskaashigga caalamiga Dowladda KMG ah Somaliya Xukuumadda Kenya kula galay in dib loo sameeyo xadka badda ee u dhaxeeya Labada dal.

Isagoo hadda ku sugan Wasiirka Magaalada Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa u sheegay qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka inaan lala socod siin heshiiska maadama uu Wasaarad ahaan isaga howshaas qaabilsanaa.

"Anigu wax shaqo ah kuma lihi heshiiskan, waxaan u arkaa mid aan dan u ahayn Umadda Soomaaliyed"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inuusan aqbali doonin marna in Bad ay leedahay Soomaaliya gorgortan lagala galo Dowladda Kenya.

Labo Maalin ka hor ayaa Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda KMG ah C/raxmaan C/shakuur waxaa uu wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya la gaaray heshiis dib loogu eegayo Xadka dhinaca Badda ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Shabakadda Hillaac Net waxay April 10, 2009 sheegtay: Maxamed C/llaahi Oomaar oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa isaga oo Magaalada Nairobi ku sugan waxa uu ka dhawaajiyey in Heshiiskii ay Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen uusan isagu wax raad ah ku laheyn amaba uusan waxba kala socon, Wuxuuna Mr Oomaar Heshiiskaas ku sheegay mid aanan  wax dan ah ugu jirin Ummadda Soomaaliyed, Isagoo weliba Qeexay inuusan Marnaba Aqbali doonin in Badda Soomaaliya Gorgortan lagla galo Dowladda Kenya. Mr Oomaar ayaa Tilmaamay in aaney jirin Wasaaraddiisa Arrimaha Dibedda wax ay ka ogtahay Arrintaas, Sidoo kalena Golaha Wasiirada aysan waxba kala socon, Waxana intaa dheer buu yiri in Baarlammaanka Soomaaliya aan xitaa lagu soo wargelin Heshiiskaas iyo waxa uu yahay.

Isha: TVUniversal iyo HillaacNet

Hadda, haddii hore wasiirka looga soo xigtay April 10, 2009 isagoo joogay Nairobi in uu yiri "heshiiskan, waxaan u arkaa mid aan dan u ahayn Umadda Soomaaliyed",  haddana May 6, 2009 isagoo joogay Muqdisho, laga soo xigtay in uu yiri heshiiska Is-afgarad "waxa uu ku saabsan yahay in Kenya iyo Soomaaliya uu midba kan kale u ogolaaday diimo la'aan (non-objection) in  (akhbaarta ku saabsan cabbirka badda) u gudbistaan Guddiga Qarammada Midoobay", islamarkaasna May 7, 2009 ay Kenya u gudbisaytay xog muujinaysa in ay sheegatay dhul-badeed Soomaaliyeed oo dhan 116,000km2, sow kuma haboona in wasiirka la xusuusiyo in heshiiskaasi in uu yahay "mid aan dan u ahayn Umadda Soomaaliyed", ayna tahay in uu aqbalay DIIDMO LA'AAN (non-objection) in Kenya sheegato Dhul Soomaaliyeed.

Dowladda Sheekh Shariif oo uu waagu ku baryey markii la helay in Kenya ay Qaramada Midoobey u gudbisay qoraal ku aadan inta ay Badda Soomaliya ka goosatay... Akhri.. May 7


dalxa

Hadalladii Kala duwanaa ee Prof. Dalxa ka yiri Heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray DFKMG & Kenya: Soo rogo(mp3) ama Dhagayso ama Halkan(mp3)
Isha: BBC-Som, CodkaBeesha & DananRadio

Somalia defends controversial maritime deal with Kenya

www.chinaview.cn 2009-05-07 02:17:06

MOGADISHU, May 7 (Xinhua) -- The Somali government on Wednesday again defended a maritime agreement signed with Kenya last month that caused huge controversy in the war-torn east African country.

The two governments last Month signed a memorandum of understanding on their maritime boundary which the two countries say will facilitate the presentation of both country's submissions to the Commission on the Limits of the Continental Shelf by May as required under the United Nations Convention on the Law of the Sea.

"This (memorandum of understanding) is not about the government giving other country a span of our land or sea. It is about Kenya and Somalia granting each other non-objection in respect of their submissions on the Outer Limits of the Continental Shelf to the Commission," Mohamed Abdullahi Omaar, Somali foreign minister, told reporters in Mogadishu.

However, the maritime agreement between Somalia and its southern neighbor has caused an uproar in Somalia and is increasingly being seen by many including some officials within the Somali government as being compromising the territorial integrity and ceding land to Kenya.

The deal is expected to be brought before the Somali parliament soon with some ministers to be questioned regarding the maritime agreement with Kenya.

Meanwhile, the Somali foreign minister accused some foreign ships of "illegal fishing and of dumping industrial waste into Somali waters," saying that helps piracy by providing bandits excuses to launch attacks off the Somali coast.

Piracy is rife in the Somali coastal waters and in the Gulf of Aden. Nearly 20 ships with nearly 250 crew members are being held hostage for ransom by Somali pirates who operate in an ever increasingly widening area in the Indian ocean.

Several countries have deployed warships in the troubled east Africa waters to protect ships from hijacking by local pirates, who claim to be protecting Somali waters from foreign ships involved in illegal fishing and the dumping of dangerous industrial waste into the coast.

Somalia, which has not had an effective central government for nearly two decades, does not have the navy or a strong army to protect its territorial waters from the rampant piracy, illegal fishing and the dumping of industrial waste by foreign ships.
Editor: Yan
http://news.xinhuanet.com/english/2009-05/07/content_11325871.htm


MPs demand compensation for Somalia waters

By LUCAS BARASAPosted Thursday, May 7 2009 at 16:13

  • In Summary
  • Somalia legislators say the West has engaged in illegal fishing and dumping of toxic wastes on the Somali coast line.

Somalia MPs are now demanding compensation from some Western countries for "looting" the horn of Africa country’s water resources for the last 15 years.

The countries, the legislators said, have engaged in illegal fishing and dumping of toxic wastes on the Somali coast line.

"We want our country to be compensated for years of looting of our water resources," Mr Ashareh, the leader of the delegation said.

As a result of these activities by the countries, they said, Somalis found ways of protecting their water resources "which gave birth to the pirates."

The MPs welcomed Somalia’s Foreign Minister Mohamed Abdullahi Omaar statement to reporters in Mogadishu on Wednesday, accusing some foreign ships of "illegal fishing and of dumping industrial waste into Somali waters."

The minister said the illegal activities helped piracy in Somali coast by being a pretext to "unscrupulous individuals."

Piracy is rife in the Somali coastal waters and in the Gulf of Aden where nearly 20 ships with nearly 250 crew members on board are being held hostage for ransom by pirates.

Several countries have deployed warships along the east Africa coastline to protect ships from hijackings.

Somalia, which has not had an effective central government for nearly the past two decades, does not have navy or a strong army to protect Somalia’s territorial waters from the rampant piracy, illegal fishing and the dumping of industrial waste by foreign ships.

Mr Omaar further defended a maritime agreement signed with Kenya last month that caused huge controversy in the war torn east African country.

The two governments last Month signed a memorandum of understanding on their maritime boundary which the two countries say will facilitate the presentation of both country’s submissions to the Commission on the Limits of the Continental Shelf by May as required under the United Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS).

"This (Memorandum of Understanding) is not about the government giving other country a span of our land or sea. It is about Kenya and Somalia granting each other non-objection in respect of their submissions on the Outer Limits of the Continental Shelf to the Commission ( on the Limits of the Continental Shelf)," Mohamed Abdullahi Omaar, Somalia’s Foreign Minister told reporters in Mogadishu.

However, the maritime agreement between Somalia and its southern neighbour has caused an angry uproar in Somalia and is increasingly being seen by many including some officials within Somali government itself as being compromising the territorial integrity of Somalia and inadvertently ceding land to Kenya.

The deal is expected to be brought before Somalia parliament soon and government ministers would be questioned regarding the maritime agreement with Kenya.
 

Source: http://www.nation.co.ke/News/-/1056/594954/-/u674f0/-/index.html

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2009


BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: