w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK: DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

"Xukuumaddu awood sharci uma laha inay xuduud-badeedka dalka wax ka badasho"


Qore: Muxiyadin Maxamed X. Ibrahim, Siyaasi Somaliyeed.,
Xubin Golahii hore ee Wasiiradda DFKM,TFG
Xubin Golahii Wasiiradda Dowladii KMG ee Carta. TNG.


7 April 2009

Muhyadin Muhammad Haji IbrahimWaxaan muwaadin ahaan iyo waliba xog-ogaalnimadedu igu waajib yeeshay inaan wax ka iftiimiyo xaaladda ku saabsan xeer u samaynta xuduud-badeedyada caalamka oo ay Qaramada Midoobay u qabatay 13ka Maayo ee sanadkan 2009ka.

Xog-wareedyada tilmaamaya inay xukuumadda cusub ee DFKM ee Soomaaliya ay faraha kula jirto arrimo saamayn ku leh xad-badeedka gayiga Soomaaliya oo keeni karta in dhaawac aan laga soo waaqsan karin ku keento danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ama soo kordhiso cakirnaanta arrimaha dalkeenna burbursan, ayaan ku baraarujinayaa shacabka iyo mas'uuliyiinta haatan xilka haya ee DFKM in laga muujiyo feejignaan iyo bisayl wadaninimo.

Arrimaha ku saabsan xadaynta xuduudaha aad ayeey xasaasi u yihiin, ka go'aan gaaristooduna waa mid marwalba soo foodsaarta hadba mas'uuliyiinta xukunka dalka haya. Dowladihii dastuuriga ahaa ee dalka ka jiri jiray kuma ekeyn, ee waxaa si toos ah culayskaasi u horyaalay dowladihii ku meel gaarka ahaa ee ka dhashay dib-u-heshiisiintii Carta iyo Mbagathi. Waxaa xaqiiqdu ahayd inay xukuumadihii hore ee ku meel gaarka ahaa ay iska xakameeyeen inay faraha la galaan arrimaha ka go'aan gaaristoodu saamayn ku reebayso wadajirka dhuleed iyo xuduudaha dalka, sababaha soo socda awgood:-

1) Jiritaanka khilaaf iyo kala aragti duwanaansho soo-jireen ah oo Jamhuuriyadda Soomaaliya kala dhexeeya dalalka ay xuduud-badeedka wadaagaan qaarkood, oo saameyn weyn ku leh dhul-badeedka Soomaaliya iyo jasiiradaha ku yaala baddaha dalka, Qaramada Midoobayna xogogaal u tahay, dowladihii dalka ka jiray ilaa xoriyadiina isku afgaran waayeen xuduudahaas halka ay marayaan,dowladaha dalalka ay khusayso.

2) Dowlad dib-u-heshiisiineed oo aan la soo dooran oo aan awood sharci u lahayn ka go'aan gaarista arrimaha saameeya jiritaanka qaranimo, wadajirka dhuleed iyo xuduudaha dalka.

3) Mas'uuliyadda dowlad ku meel gaar ah oo ku xadaysan hirgalinta nabadgaliyo, dib-u-heshiisiin, dastuur samayn iyo dhaqangalinta afti dadweyne, iyo qabanqaabada doorasho xor ah.

Hadaba, iyada oo laga duulayo qodobka 1aad ee kor ku xusan, waxaa ku waajibta xukuumadda haatan xilka haysa inay, sidii xukuumadihii hore ee ku meel gaarka ahaa, iska fogeeyaan ka go'aan gaarista arrimaha baaxadoodu saamayn qoto dheer qaranka ku reebayso, maadaama aysan awood dastuuri ah u lahayn wax ka bedelka xuduudaha iyo wadajirka gayiga dalka sida ku cad faritaanka:

Qod 2aad ee Axdiga faqradihiisa 1 iyo 2aad: Wuxuu si cad u qeexayaa in wadajirka dhuleed (oo ka kooban dhulka, jasiiradaha, dhul-badeedka, gunta dhulka, hawada sare iyo goobta ay qaaradda kaga taal) waa laguma xadgudbaan, lamana qaybin karo.

Taladaasi waa mid aan ugub ahayn oo hore loogu soo dhaqmay, isla markaasna xukuumadihii idinka horeeyey ay uga gaabsadeen (Reservation) arrimaha jiritaanka qaranka halis ku keeni kara ee aysan dowlad ku meel gaar ahi awood u lahayn inay qaado. Waxaa u furan xukuumadda Soomaaliya inay taxafud sharci ka qaadato (legal reservation) taas oo hubinaysa in arrintu gunnaanad galin sida Axdiga Qaramada Midoobay baneeyey, illaa dowlad awood u leh ka go'aan gaaristeeda iyo diyaarinta qorshe cilmiyeed oo wax looga badalo xeerka baddaha Soomaaliya laga helayo. Mas'uulka u horseeda siyaasadda dalka arrimahaas oo kale waxaa hubaal ah in uu ku khasaari doono, maadaama qof aan la soo dooran uusan saxiixi karin wax saamayn ku leh jiritaan qaran iyo xuduudihiisa.

Waxaa iyadana xusid mudan oo aan indhaha laga qabsan karin in go'aan walba oo dowladeed uu ku hirgalo sharci, hay'adda sharci dejinta awoodda u lehna ay tahay Baarlamaanka KMG. Wuxuu Axdiga KMG ah ku qeexayaa qodobkiisa 71aad faqradiisa 2aad in shuruucdii dalka u yaalay ansax yihiin. Waxaa xusuusin mudan in dalku leeyahay sharci qeexaya xuduud-badeedka Soomaaliya oo tirsigiisu yahay #37/1972 Xeerka Badda Dhulka Soomaaliya ( Somalia Territorial Sea). Wixii xadgudub ku ah sharcigaas dalku leeyahay awood uma laha xukuumadi inay ku talaabsato. Sidaas awgeed, waxaa waajib ku ah xukuumadda inay ka fogaato wixii ka hor imaanaya shuruucda dalka u yaala.

Muxyadin Maxamed X. Ibraahim
Wasiirkii G/dhigga ee hore
Muhyadin2001@yahoo.com


Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 
 

Copyright © SomaliTalk.com | 1999 - 2009