SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....

Kama war qabo Shirkad Batrool ee reer Norway oo Soomaaliya ka Caawintay Akhbaarta Qalfoofka Qaaradda ee loo Gudbiyay QM....

"...Weydii Norway, weydii dadkii diyaariyey warbixinta, ma arkin warbixintan...."

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 6, 2009

Inner City Press oo ah warbaahin ka hawl gasha xarunta Qarammada Midoobay (QM) ee New York ayaa su'aalo ku saabsan akhbaarta ay Soomaalidu u gudbisay QM waxay weydiisay ergeyga QM Axmed Walad Cabdalla. Warbixintii Inner City Press, su'aalahii ah Video-gii iyo su'aalaha oo SomaliTalk qoraal ahaan u rogtay waa kuwan:

Warbixintii Inner City Press:

Jawaab la'aantu waxay astaan u tahay Walad Cabadalla, sida ku cad akhbaarta ay wada xareeyeen Soomaaliya iyo Kenya ee Sharciga Badaha ee Qalfoofka Qaarada, kaas oo lagu agaasimay caawinaadda ay bixiyeen Dawladda Norway iyo qaybta Norway u qaabilsan Batroolka. Inner City Press arrintaas hore ayey wax uga qortay, waxayna arrintaas wax ka waydiisay Qarammada Midoobay (QM) iyo Suzie Price oo ah afhayeenka Walada Cabdalla, laakiin wax jawaab ah ma helin.

Jimacdii (May 29, 2009) waxaa su'aashaas la weydiiyey Walad Cabdalla, waxana uu sheegay in uusan si wanaagsan ula socon akhbaarta la xareeyey (ee Soomaaliya u gudbisay QM), taas oo ay ku cadayd in isagu uu diyaariyey. "Weydii Norway," ayuu yiri. TVDaawo Video-ga (ama hoos ka akhri waraysiga Video-ga oo qoran). Inner City Press hore ayey u waydiisay -- Eeg halkan -- laakiin Walad Cabdalla jawaab la'aantiisii May 29 waxay abuurtay su'aalo dheeraad ah.

Inner City Press waxay sheegtay: in xogta loo gudbiyay QM ay ku caddahay in Walad Cabdalla "uu bilaabay diyaarinta akhbaarta hordhaca ah ee Soomaaliya gudbisatay ee muujinaysa qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed... Markii la diyaarinayey akhbaartaas waxa Ergayga Gaarka ee Qarammada Midoobay uu aqbalay taageero ay bixisay Dawladda Norway.... Wasaaradda Arrimaga Dibadda Boqortooyada Norway iyo Norway qaybta u qaabisan Batroolka labaduba waa ka qayb qaateen diyaarinta akhbaarta (Soomaaliya u gudbisay QM)... Dhammaan kharashka la xiriira diyaarinta si loo gudbiyo akhbaartaas waxaa bixisay Dawladda Norway."


Walad Cabdalla oo u jawaabayey Inner City Press

Inner City Press oo qormadeedii sii wadatay waxay qortay: in Norway ay tahay dal soo saara batroolka. Haddii aysan jirin nidaam degsan oo lagu hubinayo, waxaa loo arkayaa in ay jiraan dano gaar ah (conflict of interest) ee (ay wadato) Norway oo bixisay kharashka, islamarkaasna diyaarisay akhbaarta loo gudbiyey QM taas oo (waa danta gaarka ah'e ay) ku saabsan tahay xuquuqda shidaal qodista dalka Afrika ee lagu tilmaamo in uusan dawlad lahayn (waa Soomaaliya). Taas oo jirta wax badan arrintaas lagama dhehin, Qarammada Midoobayna way aqbashay akhbaarta la gudbiyey. Ugu yeer Burcad-Badeedda Qalinka, ayey tiri Inner City Press (Call them Pirates of the Pen).

Su'aalahii Inner City Press Waydiisay Axmed Walad Cabdalla


Matthew Russell Lee, Inner City Press

Inner City Press: Wixii ka dambeeyey imaanshadii ugu dambaysa ee aad ku timid halkan (xarunta Qarammada Midoobay ee New York) waxaa jirtay su'aal la xiriirta gudbinta (akhbaarta ku saabsan) Sharciga badaha taas oo la isweydiiyay laakiin aan jawaab loo helin...

Walad Cabadalla:  ku saabsan maxay?

Inner City Press: ku saabsan Sharciga Badaha / Qalfoofka Qaaradda, waa akhbaartii ay Soomaaliya gudbisay..... Su'aasha ku saabsan sharciga badaha, ma garanaysaa akhbaarta la gudibyay ee aan ka hadlayo dhawaan ayaa la sameeyay...

Walad Cabadalla:  Haa...

Inner City Press:  si loo difaaco ama loo xaqiijiyo Soomaaliya xuquuqda ay u leedahay baddeeda hoosteeda, su'aal ayaa arrintaas la iska weydiiyay. Waan fahamsanahay Soomaaliya in ay akhbaarta si wadajir ah ula xaraysay Kenya, taas oo Norway ay bixisay dhammaan kharashka lagu xareeyay akhbaartaas, waxaana ku qoran akhbaarta la xareeyey in adigu aad ahayd kan agaasimay in Norway ay ka qayb qaadato, waxaan doonayaa in aan ogaado immisa ayey bixiyeen, waase maxay waxa hubinta ah ee jira si Norway iyo Kenya aysan si uun uga faa'iidayn lugta ay ku leeyihiin arrin ahaan lahayd akhbaar ay Soomaaliya lafteedu xaraysato?

Walad Cabadalla:  Mahadsanid, waxaan ka bilaabayaa su'aasha la xiriirta dhibaatadan sharciga badda arrintan khabiir kuma ahi, laakiin waxaan doonayaa... fahamkayga halkan New York waxaa jiray waqti kama dambaysa ah oo loo qabtay in la soo xareeyo xadaynta... ma aha xadayn... waa soo jeedin ku saabsan arrintan qalfoofka qaaradda, Kenya iyo Soomaaliya waxaa caawiyey Norway, oo ka caawintan xagga dhaqaalaha iyo xagga farsamada, si ay wadajir ugu gudbiyaan akhbaarta, taasina ma ah dhibaato markale fahamkayga dhul la wareejinayo... aniga fahamkaygu xaqiiqadii xaraynta (akhbaarta) ee Kenya iyo Soomaaliya waxay la mid tahay akhbaarta ay xareeyeen France, UK, Ireland, iyo Spain. Sida aad ogtahay mar uun 200 mayl oo ah qalfoofka qaaradda, dalalka deriska ah ee xadku u dhaxeeyo waa kulmaan, waana gudbiyaan akhbaartooda, laakiin midna awood u siin mayso xuquuq in uu u yeesho in uu calaamadiyo, taasi waa sababta, marka aad eegtid khariidada ....ma arkeysid hab fikirka ka dameeya.. Ireland, UK, France iyo Spain waxay sameeyeen soo jeedin la mid ah....

Inner City Press: Su'aal daba joogta arrinta Norway, akhbaarta la gudbiyey ee loo soo gudbiyey halkan (QM) waxaa ku qoran adiga ayaa bilaabay diyaarinta akhbaarta, intii taas lagu dhex jirayna waxaad caawinaad (deeq) ka aqbashay dawladda Norway oo ay ku jirto qaybteeda u qaabisan Batroolka....

Walad Cabadalla:  .....qosol...

Inner City Press: waxaan qiyaasaa marka la yiraahdo adiga...

Walad Cabadalla:  Anigaa, anigaa?!!!

Inner City Press: waa sida ku qoran akhbaarta la gudbiyey, sababtaas weeye tan aan ula yaabahan in aadan ogeyn. Yaa arrintan ka dambeeyey, ma Norway ayaa kuu timid oo sheegtay in ay deeqda bixinayso, waxaan su'aashaas weydiiyey afhayeenkooda halkan waxaana la ii soo diray xafiiskaaga, waxaan rabaa in aan ogaado meeqa lacag ah ama sidee arrintani ku bilaabatay, sababtoo ah waxaa meesha ku jira madaxda sare ee Batroolka u qaabilsan shirkadda shidaalka baarta , waa maxay arrimaha hubinta ah ee jira si aysan uga faa'iidaysanayn lugta ay ku leeyihiin?


Axmad Walad Cabdalla: Anigaa, anigaa?!!!

Walad Cabadalla:  kama war qabo waxa aad sheegeysid, waxaan anigu fahamsanahay waxaa weeye in Norway caawisay dalal badan oo ku yaal Galbeedka Afrika, iyo dalal kale si ay u gudbiyaan, si ay uga caawiso diyaarinta akhbaarta la gudbinayo, ma aha oo keliya Soomaaliya iyo Kenya, balse waxaa jira dalal kale oo ku yaal Galbeedka Afrika iyo sida ay dhici karto dalal ku yaal Laatiin Ameerika, laakiin war kama hayo wax shirkad batrool ah ama kuwo kale...

Inner City Press: kaama filayo in aad halkaan hadda kaga jawaabid, laakiin ma jiraa qaab qof ka tirsan xafiiskaaga uu fahmo waxa dhacay warbixinta, yaa soo qaabilay qofkee, meeqa lacag ah ayaa la kharash-gareeyay.....


Walad Cabadalla:  Weydii Norwegian-ka, weydii dadkii diyaariyey warbixinta, ma arkin warbixintan, xitaa ma arkin computer-kaaga, markaan dhamayno waxaad i tusaysaa computer-kaaga sidee ku dhici kartaa in aan ogaado...

Inner City Press: waa gartay... laakiin waxaa la sheegay in aad adigu diyaarisay, waa intaas waxaan sheegayo...

Walad Cabadalla:  Sidee ku dhici kartaa in aan ogaado... waa jeclaan lahaa....

Inner City Press: adiga ayaa akhbaarta gudbiyay (akhbaarta Soomaaliya ee loo gudbiyey Qarammada Midoobay)

Walad Cabadalla:  haddii aan akhbaarta gudbiyay waad awoodaa in aad heshid...

Inner City Press: waa sax.. waa sax.. laakiin (akhbaarta la gudbiyay) ma sheegin meeqa (lacag ah) ayay Norway bixisay, laguma sharaxin sidee.. waxaa ku cad in adigu aad aqbashay caawinaadooda, sidaas ayaan kuu waydiinayaa (su'aasha)... xaggee kugu soo qaabileen.... sidee u aqbashay deeqdooda... maxay ahayd wixii ay bixiyeen...

Walad Cabadalla:  mudane... xaqiiqadii ...waa kuu sheegay ... ma hayo waxa aad... waad arki kartaa.. waxaa shardi ah in ay tahay dad u dhaxeeye (daabacan) haddii ay tahay Qarammada Midoobay... waa mid la daabacay....

Inner City Press: waa la daabacay.. laakiin wax intaas ka dheeraad ah ma jiraan... waa sababtaas tan aan su'aasha kuu weydiinayo... ma doonayo in aan ... waxaa jira waxyaabo kale oo aad ka hadashay .. waxa kaliya oo aan sheegay waa....

Walad Cabadalla:  maya... maya... waa fahmayaa.. laakiin kama warqabo waxa aad sheegtay.. shirkad batrool.. aad ayaad u mahadsan tahay...

Waraysigii Inner City Press haddaan intaas kaga gudubno, waxaa xusid mudan in Akhbaarta uu bishii April 2009 Ra'iisul Wasaaraha DFKMG u gudbiyay Qarammada Midoobay (QM) ay kuxusan tahay in: "Bishii October 2008 uu Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, mudane Axmed Walad Cabdalla, uu bilaabay diyaarinta akhbaarta hordhaca ah ee muujinaysa xadka qalfoofka qaaradda ee Soomaaliya wixii ka durugsan 200 mayl badeed oo laga soo bilaabayo xeebta barta laga cabiro biyaha ka tirsan dalka, akhbaartaas oo loo gudbinayo Xoghayaha Guud qaab waafaqsan xeerka SPLOS/183."

Qoraalku DFKMG u gudbisay Qarammada Midoobay waxaa kale oo ku xusan in "Diyaarintii akhbaartan la gudbiyay ay caawinaad ka gaysatey Dawladda Norway oo talo bixin  siisay Ergeyga Gaarka ah ee QM iyo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Akhbaarta la gudbinayo waxaa ka qayb qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway iyo Qaybta Batroolka (Shidaalka) u qaabislan Norway."


Qoraaladii Inner City Press Akhri....
UN's Somali Envoy Says Press Is Accomplice to Genocide, No Info on Norway's Role

Qoraaladdii uu Gudbiyey Cumar C/rashiid:

Sawirka hoose waxa uu muujinayaa khariidadda oo ay ka calaamadsan tahay cabirada Qalfoofka qaaradda ee loo gudbiyey Qarammada Midoobay... Waxaa badda la calaamadiyey ka mid ah aag ku beegan Soomaaliya islamarkaasna dhanka koonfureed ka xiga jasiiradda suqadara, halkaas oo ay calaamadsatay Yemen, taas oo weli aysan wax war ah ka soo saarin DFKMG. Sidoo kale waxaa calaamadsan meel ku beegan badda Soomaaliyeed oo ay calaamadsatay Kenya.


Meelaha calaamadsan waa cabirka Qalfoofka Qaaradda ee loo gudbiyey UN :
isha: http://maps.continentalshelf.org/viewer.htm

Xogta Kenya u gudbisatay QM.. Akhri...

  • Daawo Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG ee ku saabsanaa burcad badeedda ee uu May 29, 2009 ka jeediyey QM: Video

Xigasho iyo Sawirada:
http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/clcs_home.htm
http://en.wikipedia.org/wiki/Europe
http://maps.continentalshelf.org/viewer.htm
http://somalitalk.com/2009/may/13/unsom_2009_preliminaryinfo.pdf

WHILE MOGADISHU BURNS, U.N. ENVOY IS FRONTING FOR OIL EXPLORATION IN SOMALIA

http://www.un.org/webcast/2009.html

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2009

BAARID | SEARCH


qareFaarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad..
iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka... Akhri/Daawo


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: