SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Shariif Xasan oo Heshiis la galay Shirkay Shisheeye oo Hanti Dhawr ah
  • iyo Shariif Xasan oo Waraaq aan faaf-faahin laga bixin u dhiibay Zenawi

Wasiirka Maaliyadda DFKMG oo Warqad u dhiibay Meles Zenawi

Shariif Xasan oo ku biiray Madaxda Soomaaliyeed ee lagu fariisiyay Kursiga Zenawi


Shariif Xasan iyo Zenawi, June 26, 2009, ENA

cumar iyo zenawi
Cumar C/rashid iyo Zenawi, April 20, 2009. ENA


faroole
Faroole iyo Zenawi: March 14, 2009.. ENA


Daahir Riyaale iyo Zenawi: March 13, 2009


Sheikh Shariif  iyo kurisga Zenawi

Shariif Axmed iyo Zenawi, Feb 3, 2009

Gaashaanle Sare Nuur Cadde Ma Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ayuu Zenawi uga Mahad Celiyey?...

G/sare Nuur Cadde iyo Zenawi, Addis Ababa, Feb 6, 2008

geeddi iyo zenawi
Geeddi iyo Zenawi oo jooga Addis Ababa xilligii uu ra'iisul wasaaraha u ahaa DFKMG -

Ethiopian Prime Minister, Meles Zenawi, left,  Somalian President, Abdullahi Yusuf, middle, and Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi , right, during their meeting in Mogadishu , Tuesday, June 5, 2007.  Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi made a surprise visit to Somalia on Tuesday, the highest ranking government official to visit Mogadishu in more than a decade as his troops try to protect this country's fragile government, officials said. Ethiopia, the region's military powerhouse, was vital in helping the Somali government drive out radical Islamists who ruled much of the country for six months last year. From AP Photo by MOHAMED ABDULLE HASSAN SIIDI.
Muqdisho, June 5, 2007: Zenawi oo Muqdisho kula kulmay C/laahi Yuusuf iyo Geeddi, kaddib markii maxkamaadaha laga saaray Muqdisho. Sawirka: daylife

Addis Ababa, June 26, 2009 - Wasiirka Maaliyadda DFKMG, ahna ra'iisul wasaare xigeen Shariif Xasan Sheikh Aaden ayaa (Jimce June 26, 2009) waxa uu waraaq u dhiibay Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.


Shariif Xasan oo warqad u dhiibaya Zenawi oo qummaati u fadhiya


Zenawi oo akhrinaya warqaddii Shariif Xasan u dhiibay (ENA)

Wakaaladda wararka u faafisa xukuumadda Itoobiya ee ENA oo kulankaas war kooban ka qortay waxay xustay in ay ka wada hadleen sidii Itoobiya ay u caawin lahayd DFKMG. Laakiin faahfaahin kama bixin wixii ku qoraa warqaddii wasiirka Maaliyaddu DFKMG u dhiibay Zenawi. Waxa keliya oo warku sheegay in Meles u sheegay Shariif Xasan in ay DFKMG ka caawinayaan xagga tababarka.

Dhanka kale waxaa wakaaladu sheegtay in wasiirka maaliyadda DFKMG uu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in ay xoojiso dhammaan xiriirka wadashaqaynta ee kala dhexeeya Itoobiya. Waxana uu intaas ku daray in uu Meles kala hadlay caawinaada ay DFKMG uga baahan tahay Itoobiya.

Xigasho: Ena


Dawladda oo Heshiis La Gashay Shirkad Hanti-dhawr oo Caalami ah
By Harun Maruf | Washington | 29-June-2009

Shariif Xasan Sh Aadan
Shariif Xasan Sh Aadan
Dawladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad caalami ah oo qaabilsan hantidhowrka oo maamulaysa dhaqaalaha ay beesha caalamku ugu deeqdo Soomaaliya. Heshiiskaasi waxaa Soomaaliya u saxiixay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Shariif Xasan Sh. Aadan.

Hehsiiska ay dawladdu la gashay shirkadda PricewaterhouseCoopers ayaa la xiriira sidii ay shirkaddaasi ay  xisaabin iyo hanti dhowr ugu samayan lahayd dawladda.  

Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh Adan oo u warramay VOAda ayaa difaacay heshiiiskaasi oo ay maanta oo isniin ah wada saxiixdeen labada dhinac oo uu sheegay in ujeedadiisu tahay in maadaama maamulka lacagaha baaxadda leh ay in mudo ah ka maqnayd Soomaaliya, in maaliyadda ay mamausho shirkadaasi oo saldhigeedu yahay dalka Kenya.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in go'aamada maamulka iyo sida lacagtaasi loo bixiinayo ay ka iman doonaan madaxda Soomalaiya, balse shirkadda looga baahan yahay xisaabinta iyo hanti-dhowrka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu sheegay in arrintani ay ka dmabaysya markii dawladda loogu yaboohay dhaqaale badan oo gaadhaya ilaa 75 milyan oo doollar intii uu socday shirkii lagu qbatay magaalada Brussells bishii April ee sannadkan.

Dhinaca kalena Wasiirka Maaliyaddu waxa uu meesha ka saaray in dawladdu ay wadahadallo la gasho ururka Al-Shabab, Waxa uu sheegay inay dawladda dhibaato ku tahay inay wadahadal la gasho cid ana wadan ajande Soomalaiyeed.Waxa uu ku eedeeyey ururka Al-Shabab inay horseed ka yihiin ururka Al-Qaacida.

Isha: VOA

Sidoo kale dhegeyso Waraysi Shariif Xasan (ee BBC)


GaaniXildhibaan hore uga tirsanaan jirey Baarlamaanka DFKMG oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyey Musuqmaasuq iyo in uu dad u dhoofiyey Yurub gaar ahaan Dalka Switzerland xilli uu ka dhacayey Shirka Baarlamaanada Aduunka... Akhri


shireXildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFKMG oo eedayn Kulul dusha uga tuuray Axmed Walad Cabdalla..: Xildhibaan Saciid Cali Shire ayaa sidoo kale eedayn iyo cambaarayn usoo jeediyey
Akhri...


aadanGuddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo Qiray in Heshiiskii Dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu Ku Saabsan yahay Xadaynta Badda...
iyo in Isniinta June 15, 2009 uu Baarlamaanku ka doodi doono heshiiskaas..
Akhris/Dhegeysi


Prof. Dalxa oo Sheegay in Arrinta Badda uu Baarlamaanku ka soo saari doono Go'aan Shacabku ku Qanci karaan...
Dhegeyso/Akhri


cnuurSh. C/Qaadir Nuur Faarax: Baarlamaanka Go'aan kii hore ka duwan haka qaato arrinta ku saabsan heshiiska badda.. Waraysi...
"ragga dagaalka iskala soo horjeeda ee xabadaha ridaya dhammaan Walaalayaalow xabbadda joojiya, walaalayaalow Ilaahay ka baqa, walaalayaalow ummaada u naxa, walaalayaalow diinta iyo ubadka iyo dumarka iyo dhulka ha gubina, walaalayaalow yaan waddankeenu faraha ka bixin... Waraysi.... Akhri/Dhagayso...


Kenya oo Meesha Ka Saartay Fara-galin Millatari oo ay ku samayso Soomaaliya - June 24, 2009
"Wasiirka Difaaca Kenya Maxamed Yusuf Xaaji ayaa waraysi uu siiyay VOA-da waraysi uu siiyay si cad ugu sheegay in ayan Kenya marna gali doonin dhulka Soomaaliya..." Waxaa mowqifkaas sii xaqiijiyay George Saitoti oo ka qayb galay kulankii Kibaki iyo...
 Akhri...

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri