SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED


Disaster and development in the Horn of Africa
By John Sorenson, (1995; pp.61)

 

Duncan Sandys, oo ninkii jagada uga dambeeyey Reginald Maudling, ayaa .... March 8, 1963...

 

 


Disaster and development in the Horn of Africa
By John Sorenson, (1995; pp.61)

AOU iyo Xuduudaha

Ururka Midowga Afrika markii la asaasay kaddib waxa uu bilaabay in la sameeyo qaraar sheegaya in xuduudahii Afrika loo dhaafo sidii ay uga tageen Gumaystayaashii. Shirkii OAU ee Qaahira July 21, 1964 ayaa mabda' ahaan waxaa laga soo saaray in dalalka Afrika ay ballan qaadaan "inay tixgalinayaan xuduudaha sidii ay ahaayeen markii xornimada la qaatay". Arrintaas markii codka loo qaadayay xubintii Soomaaliya matalaysay goobtaas ma soo xaadirin. Waxayna Soomaaliya mowqifkeeda si qeexan u cadaysay July 23, 1964 in aan qodobada qaraarkaasi khusayn oo aysan aqbalayn. Waxaana Soomaaliya sheegtay in ay ka soo horjeedo in la sii wado khaladaadkii jiray ee ku saabsanaan xuduudaha ee xilligii gumaysiga. Haddii xuduudahii lagu dhaafo sidii gumaysigu uga tagay ay tahay khalad iyo xadgudub sii socda, ayaa lagu cadeeyay warsaxaafadeedka Soomaaliya. (Alan J. Day, 1982, pp. 133).

December (1962) waxaa NFD loo kala qaybiyey laba qaybood, labadii qayboodna waxaa la hoos geeyay xukunka Kenya. Bedka NFD waxaa buugga (Vavocoressi, 2001. pp. 666) uu ku qiyaasay 260,000km2., Halka buugga (Alan J. Day, 1982, pp. 131) uu sheegay in bedka NFD uu yahay 388,000km2 (150,000 square miles).


BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: