Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha
Guud ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
- Waxaa soo ururiyey SomaliTalk.com

Xafiiska Ergeyga Khaaska ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha
Soomaaliya oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa
madax xilligan ka ah Axmed Walad Cabdalla. Haddaba waxaan si kooban u
guud maraynaa taariikh ahaan sidii uu ku bilowday iyo ciddii xilalka ka soo
qabatay iyo shaqada xafiiskaas.
 
Xoghayahii
Guud ee Qarammada Midoobay (January 1, 1982 – January 1,
1992)
Javier Pérez de Cuéllar, oo u dhashay dalka Peru,
ayaa Decmber 1991 waxa uu Soomaaliya u diray wafti
xaqiiqo raadis ah si ay u soo ogaadaan xaaladda dhabta ah
ee ka jirtay Soomaaliya.
Waftigaas waxaa hoggaaminayey
James
O.C. Jonah, oo u dhashay dalka Sierra Leone.
Waftigaasi waxay soo diyaariyeen warbixin ay aad uga dayriyeen xaaladda Soomaaliya. Warbixintaas ayaa la
tilmaamaa in ay sabab u ahayd in Qarammada Midoobay ay
Ergey ama wakiil gaar ah u magacawdo Soomaaliya.
 
Xoghayahii
Guud ee Qarammada Midoobay (1 January 1992 – 1 January
1997)
Boutros Boutros-Ghali, oo u dhashay dalka Masar,
ayaa April 28, 1992 waxa uu Wakiilkiisa Gaarka ah ee
Soomaaliya u
magacaabay Maxamed Sahnoun, oo u dhashay dalka
Algeria. Waa xilligii
UNOSOM I (April 1992 - March 1993). Laakiin October
26, 1992 ayaa Sahnoun iska casilay xilkaas kaddib,
sida la sheegay, markii
khilaaf soo kala dhex-galay isaga xoghayaha guud QM.
 
Markaas
ayaa waxaa Xoghayaha Guud ee QM waxa uu November 8, 1992
Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Ismat T.
Kittani oo reer Ciraaq ah. Ismat Kittani waxa uu
ahaa ergeyga gaarka ilaa March 1993 markaas oo ay bilaabatay
UNOSOM II (March 1993 - March 1995) iyo xilligii hawlgalkii
UNITAF
ee "raja soo celinta Soomaaliya" (December 5, 1992 ilaa
May 4, 1993).

March
9, 1993 ayaa Admiral Jonathan T. Howe, oo u
dhashay Maraykanka, waxaa uu noqday Ergeyga gaarka ah ee
Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya. Waxana uu xilkaas
hayey ilaa February 1994 markaas oo uu is-casilay.
 
Waxaa markaas (February 1994) Ergeyga Gaarka ah ee
Soomaaliya si kumeel gaar ah u sii
qabtay kuxigeenkii oo ahaa Lansana Kouyaté, oo
dhashay dalka Guinea.
 
July
1, 1994 ayaa Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay,
Boutros-Ghali, waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u
magacaabay James Victor Gbeho (oo ah reer Ghana).
March 1995 markii ay ciidamadii
UNOSOM II ay ka baxeen Muqdisho, waxaa Qarammada
Midoobay u muuqatay xagga nabadgelyada awgeed in aysan
xafiiskeeda ergeyga gaarka ah uusan sii ahaan karin
Muqdisho.
Sidaas daraadeed waxaa April 15, 1995 ay Qarammada Midoobay xafiis qaabilsan
arrimaha Soomaaliya ka furtay Nairobi, xafiiskaas oo loo bixiyay
United Nations Political
Office for Somalia (UNPOS). Qarammada Midoobay waxay sheegtay in xafiiskaasi
loogu talo galay "Horumarinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ayadoo lala kulmayo
hoggaamiyaasha Soomaalida, ururada bulshada iyo dalalka iyo ururada danaynaya."
Sida ku cad shabakada un-Somalia.org, xafiiska UNPOS hawshiisu waa mid
siyaasadeed, waxaana garab siiya oo korka kala socda Qarammada Midoobay
Waaxdeeda Arrimaha Siyaasadda ee loo soo gaabiyo DPA (Department
of Political Affairs).
Waxaa xafiiskaas UNPOS madax ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada
Midoobay, kaas oo si dhaw ula socda xaaladda gudaha Soomaaliya iyo arrimaha la
xiriira Soomaaliya. Ergeyga Khaaska ah waxa uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyaa
warbixinno waqtiyo ah oo kooban, waxa kale oo uu warbixino u gudbiyaa Golaha
Ammaanka ee QM. Xafiiska Soomaaliya u qaabilsan QM (UNPOS) waxa uu bixiyaa hagid
siyaasadeed markii loo baahdo, oo uu siinayo rugaha Qarammada Midoobay iyo
hay'adaha UN-ta ee maaraynaya mucaawinada bini'aadamino iyo ururada UN-ta ee
dalka Soomaaliya, sidaas waxaa qortay shabaka xafiiskaas ee Nairobi.
Waxa kale oo shabakada xafiiska UNPOS ku qoran in Xafiiskaasi uu taageero
soojeedinta dalalka gobolka ee ku aadan in la horumariyo nabadda iyo
dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxa kale oo shabakaasi (www.un-somalia.org)
xustay in ammaanka Soomaaliya oo liita awgeed uu xafiiska UNPOS ee Qarammada
Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in uu ka hawl galo Nairobi Kenya.
Dabayaaqadii September 1995 ayaa Ergeyga Soomaaliya loo
maagacaabay Dr. Abdul Hamid Kabia oo u dhashay
Sierra Leone, isagoo xilka hayey ilaa October 1996.
November 1996 ilaa September 1997 waxaa Ergeyga
Soomaaliya ee QM hayey Felix Mosha oo u
dhashay Tanzania.
October 1997 ilaa February 2002 Ergeyga Soomaaliya waxaa
haa David Stephen oo u dhashay dalka Britain.
 
Xoghayahii Guud ee QM (1 January 1997 – 1 January 2007)
Kofi Atta Annan, oo u dhashay dalka Ghana,
ayaa February 25, 2002 waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee
Soomaaliya u magacaabay
Winston A. Tubman oo u dhashay Liberia.
Waxana uu xilkaas hayey ilaa April 2005.
 
Kofi Annan waxa markaas kaddib ergeygiisa khaaska ah ee
Soomaaliya
uu
May 3, 2005 u magacaabay François Lonseny Fall,
oo u dhashay dalka Guinea, waxa uu xilkaas hayey
ilaa September 2007. (Waxay ku beegan tahay xilligii
ciidamada Itoobiya ay galeen Muqdisho December 28, 2006
ilaa Janauary 15, 2009).
 
Xoghaha Guud ee QM (ee xilka qabtay January 1, 2007)
Ban
Ki-moon, oo u dhashay dalka South Korean,
ayaa Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu
September 12, 2007 u magacaabay Axmed Walad Cabdalla
(Ahmedou Ould-Abdallah) oo u dhashay dalka
Mauritania, oo xilkaas hadda haya, isagoo ah madaxa
xafiiska UNPOS. Walad Cabdalla waxa uu qayb weyn ka
qaatay heshiiskii Is-afgadad ee dhexmaray Kenya iyo
Soomaaliya ee ku saabsanaa badda Soomaalia. (Sida ku cad warbixinta hordhaca ah ee ka kooban
15-ka bog ee Dawladda Federaalka kumeelgaarka ah ay
u gudbisatey April 14, 2009, taas oo qayb ka ah xogta
lagu lifaaqay heshiiskii Is-afgarad ee xuduudaha badda
ee April 7, 2009 magaalada Nairobi ku dhexmaray
xukuumadda FKMG iyo Kenya, waaxaa diyaarinta
(warbixintaas) ka qayb qaaday Ergeyga Gaarka ah ee
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan
Soomaaliya. (Eeg
Bogga UN). June 3, 2010 ayaa Walad Cabdalla waxa uu
sheegay in uu xilka iska casilayo bisha July 2010.
 
Xoghaha Guud ee QM Ban Ki-moon ayaa
June 9, 2010 waxa uu xilka wakiilka UN ee Soomaaliya
u magacaabay Augustine P. Mahiga oo u dhashay
dalka Tanzania, waxana uu July 1, 2010 xilka kala
wareegay Walad Cabdalla.
Faafin: SomaliTalk.com | Updated: July 2010 |