SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA SHIIKH XASSAN DAHIR AWEYS 

Anagoo ah dhamaan jaaaliyada Soomaaliland iyo soomaaliyaba ee waqooyiga England waxannu halkan ka salaamaynaa Shiikh Xassan Dahir. 
 

Shiikh Xassan waxaa mahad leh illahii guusha ina siiyey oo mantay Xabashi dalka ka saaray.

Dhamaan intii ku dhimatayna Illahay jinnada ha ka waraabiyo, inta ku dhawacantayna Allaha caafiyo.

Intiini ku guleysateyna illahay ha waafajiyo darikha toosan iyo is afgarad

Gar ahaan sh xasan aways guushaas nin qiimo weyn ku leh ayaad tahay.waxanad leedahay taarikh wanaagsan halgankii illa xukunkii Siyaad Barre. 

Waxaannu  maanta aragna in illahay guushii ku siiyey, oo dawladfii illahay ku siiyey.

Sida daraadeed warqadaan furan waxaan kugu soo dirnay shiikhayagii mudnaayo dawladaadii aad ku soo tacabtay inaadan burburin.  

Waxaannu taa kuu leenahay, waxaa isasoo taraya qayladhaanta iyo dagaalada ka yeeraya Xamar oo nalagu leeyahay Shiikheenni weyna ayaa ka dambeeya.

Waxaanu qabnaa inay been tahay, wayo shacabku kagama baran, waxaadna tahay kii shacabka difaaci jiray.

Waxaan kaloo ka codsaneynaa Haddalada warbaahintu buunbuunineyso inaad iska ilaalisaan labadiina dhinacba sii xasarad looga fogaado. 
 

Waxaan wada ogsoonahay marxalada foosha xun ee kunfurta somaliya ku sugantahay gaar ahaan magaalada Muqdishu iyo agagaaradeedaba.

Marxaladaasi waa mid dhamaanteen sii aad ah noo taabaneysa oo anan fiirsan karin. 
 

Shiikh  Sharifna waxaan leenahay, gogol fidi oo Shiikha soo dhawee, si ixtaraam iyo qadrin badani ku jirto.

Waxaan kaloo Shiikh Shariif u Sheegeynaa kana codsaneynaa inaad dawladaada ka illaaliso insha’ Allaha in loo arko mid ku socota dariqii Allaha u naxariistee Caydiid iyo Cali mahdi. 
 

Waxaan kaloo soo jeedineynaa, inaad sameysaan dib u heshiisiin dhab ah oo aad uga dayataan tii Soomaaliland ka dhacday 1991 ee Burco lagu qabtay, sii la isu cafiyo colaadana lagu soo afjaro.

Waxaan kaloo kaa codsaneynaa inaad iska ilaalisaan siyaasadaha xasaasiga ah ee iska hor keeni kara ama ka hor imaan kara gooni isu taaga Soomaaliland. 
 

Ugu dambeyn waxaannu Illahay ka baryeynaa in dhibatada iyo colaada raagtay Illaahay ka saaro ummada Soomaaliyeed dantoodana garansiiyo. 
 
 

Wa Billahi Towfiq 
 

Somaliland Community Director

Ahmed Yusuf Canjeex

AhmedAbdi1@hotmail.co.uk 
 

South Somali Community

Ahmed W Abtidon 
 

UK/Sheffield 
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: