SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

HELLO SHEEKH XASAN HAL MA KU IRAAH


Qormadani miisaanka ay xambaarsan tahay mar waxay dhigeed tahay qormo aan horay uga qoray Sheekh Shariif ee cinwaanku ahaa hellow Sheekh Shariif hal ma ku iraah ee soo baxday 01-08-2008 dii markii isbahaysigii dib u xoraynta la isku qilaafay waayo Sheekh Shariif meeshii aan maalintaas uga digayey maantuu taagan yahay ragii aad isku aragtida ahaydeen ka tag ee kuwo aad cadowga tihiin walaal ka dhigo , masiirka umadda oo kooxi isku gooni yeesho iyo talo shisheeye u dhaga nugloow, mar waxay ku qotontaa xadiiskii nabigeeni suubana nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato ee macnihiisu ahaa”u gar gaar walaalka marka uu gar daran yahay iyo marka laga gar daran yahayba”.Marna waxay qormadu daah furaysaa murtidii ahayd “Suugaanyahankuba mar haduu saluugtamo saadaalo maqan iyo subaxaas wixii jira sawir buu ka reeba”marna anay xujo igu tahay waayo dadku way tirsanyana dayna waygu maqan yahay.

Marka hore s A/S marka xiga sheikh shayb ihi mar haduu masaalix iyo mafaasido miisaan saari waayo saluug meel walba taabta baa dadka ka soo hara ,suugaanyahankuna waxay yiraahdaan “inaad saamo jiidiyo saqar tirasho kala daa”.Hadda adiga iyo xisbigaaguba halhayskiinu waa inaad dalka gumaysi ka xoreynaysaan balse taas badalkeeda sow ma ogid in ficilka dagaal iyo hab dhaqanka ragga aad is garab sanaysan ee Alshabaab inay dalka gumaysi cusub galinayan, dib u dhuux wararka soo baxay labadii todobaad ee dagaalku socday.

Xasanow yaab yaabanoow yaab soo arkoo yaaban bay na helay waayo ILAAH waxuu quraanka ku yiri”fasaluu ahla digri”diinta aan iftidadee laga dhagaysanyn sheikh Shariif Cabdi Nuur, Sheekh cumar Faaruuq iyo guddiga musaalixada ee la qaadanayo iftida raga uu u horeeyo ninka la baxay Abuu Zubayr ee Alshabab hogaamiya waxaan shaki ku jirin hiil iyo ka garab dirir lala sameeyo ragaas in laga macaashayo qalooc diimeed iyo qaran la,aan.
Ilaah waxuu yiri”wixii aad isku qabatan sunnada iyo kitaabka ula laabta”hadda dagaalka lala galo dowlad inay diinta dhaqan galinayso sheeganaysa iyadoon madal cullimo ka garnaqayso lagu kala bixin sow keeni mayso sidii hogaamiye kooxeed loo nacay in cullimana loo naco sababtana dhinacyadiina is haya qaadaysan qaasatan dhinaciinan go,aanka guddiga musaalixadda didey. Abwaan Cabdi Muxumud Allaha u naxariiste waxuu yiri”madaxdii qumani horumarkay qayb ku leedahaye, hoggaankii qaldani dibu-dhacuu qaar ku leeyahaye, qoomkii dad xumi madax u yahay ka hare qayrkoode”.

Abwaan Bacadle ayaa waagii hogaamiye kooxeedyada waxuu yiri”nin walba hoobiyoow ridaa haybtiisna waa hogaaminaa”ciidankii isbartiibo iyo kuwii Indhacade ee aydnan isku aragti ahayn ee aad hab beeleedka kula wareegtay sow cajaladda dib u celin maayan daawo horudhicii filimka Maxamed Dheere oo masraxa ku soo laabtay walee Hawiye wadaad iyo waranlaba waa isku si bay u fakarayan.

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Bush waxuu 2001 yiri”ama anaga nala xulufo noqda ama argagaxisadda”hadafka Shabaab waa qofkii aan iyaga la xulufo ahayni waa ridoobay dib u xasuuso mowqifkii Shabaab ka istaagay ururkii dib u xoreynta ee Asmara lagu dhisey, hadiiba ay dhacdo in guul maletari soo muuqato waxaan shaki iiga jirin adna markaaga in seefta shabaab ku saari doonan , Rooboow oo baryahan gaabsadeyna waa kugu xigaa, sidaa darteed inta xoogu gacanta kuugu jiro xikmad kale la imoow hadii kale aanu mustaqabal aan fogayn sugno sansaanta aan ka digey.

Xifiltanka aad tiri anaga iyo bulshadda caalamkuu noo dhaxeeya miyaadan gararaysan ma nin Alshaabab la garab ah baa gor gortami kara oo miis wadahadal tagi kara .Qadro Daahir hees ay qaada waxaa ku jirey”cudurka gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaaraye”xalku Soomali buu u dhaxeeya shisheeye dan uma hayo.

Cadaaladda Nuuriye Cali Faaraxna dishey , sheikh Cabdiqaadir Cali Cumarna in miino lagu dilo xukmisay ee Xaabsadde sii deysay, sheekoow dulmi hadii la suulinayo taasa mudan in marka hore waranka la saaro. Bulshadda Soomaliyeed ee culimadeedi iyo cuqaashii beelaha la dhagaysan waayey carada ka dhalan doonta iyo cirib xumada siyaaso wax nin wayni ka shaqeeyo maahan ee Xasanoow hadii waano wax tarayso dadka dhagayso.

Gabagabadii Hadraawi waxuu yiri”suugaanta anagu waa tirinaa ee dadka macneeya “hadda anigoo ka mid ahaa dadkii habka ay ku dhalatay iyo habka loo agaasimay dowladda midnimo qaran aan maalin ku qancin fariintaydan qof waliba garashadiis haku miisaamo.

WQ CAANAGEEL

Mohamed Guuleed 

caanageel@hotmail.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: