SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Ha Israacdo Diidaye Ha is Raamsatee Daa

Waxaa su’aal aan jawaab loo hayn igu noqotay marka qof ajnabi ahi iwaydiiyo sababta ay isku xasuuqayaan dadka soomaaliyeed ama hadaan sida kale u dhigo waxa uu dagaalka sokeeye ee Soomaaliya salka ku hayo.

Miyaysan ummada Soomaaliyeed ahayn kuwo isku af, dub, diin iyo dalba ah, maxaa keenay hadaba nacaybka qotada dheer, xasuuqa arxan daro, iyo khilaafka aan dhamaadka lahayn.

Mararka qaar waxaan is iraahdaa FAKHRI IYO JAHLI ayaa asal u ah dhibaatada Soomaaliya, hadana markaad aragto mutacalimiintii iyo tujaartii oo safka hore kaga jira hurinta aafada iyo fidnada socota ayaan dareemaa in arinku ka wayn yahay fakhri iyo jahli.

Waxaan is iraahdaa hadii dadku Allah u soo noqon lahaa oo diinta xaniifka ah qalbiyadaan dilmay oo duloobay lagu dawayn lahaa, oo culimada cilmiga iyo cibaadada ku xeeldheer arinka loo dayn lahaa aafada Soomaaliya way soo afjarmi lahayd, hadana markaan arko culimo cimaamado guduudan oo calan giirgiiran wadata oo dagaalka safka hore kaga jirta ayaan quus istaagaa, ilayn nimaan quus aqoon naftiisaaba quus ahe.  Hadana markaan aayaadka Eebe eego ayaan arkaa in Allah uu ina amrayo inaynaan ka quusan Raxmadiisa “Laa taqnaduu min raxmati Laah”   

Hadaan Kooyay:

Markii rajo ama wax haykal dowladnimo u’eg uu shacabku arko, qalbigiisu farxo, yididiilo iyo hamina galo waxaa soo baxa dagaal oogayaal cusub, kuwaas oo ka arxan daran kuwii hore, kuwaas oo aad moodid in hadafkoodu yahay inay shacabka gaadhsiiyaan quus aan ka soo kabasho lahayn , dabargoyn aan maato iyo maxaysato naf looga tagayn , burbur iyo halaag dib u dhac ku keena midnimadii, dib u heshiisiintii iyo dhayistii qalbiyada ay qabyaalada, cadaawada iyo diifta dagaalku dilootay.

Akhristow, hadaad dib u eegno taariikhda jabhadihii dagaalka kula jiray Maamulkii uu hogaanka u hayay Maxamed Siyaad, kuwaas oo xarafka “S” sumad looga dhigay sida SSDF, SNM iyo USC.  Sadexdaas Jabhadood oo ugu cududa waynaa midba meel ayay ku danbaysay, tusaale ahaan; SNM waxaa magacoodii loo badalay Somaliland, meesha SSDF-na u xuubsiibatay Puntland, labadaas goobood (ama maamul Goboleed) kala danbayn, amni, maamul iyo maarayna ayay samaysteen. Hadaba waxaa layaab ah meesha ay USC iyo Muqdisho ku danbaysay.   Duriyad aan lagu xamdin ayaa ururkii USC-du dhalay sida caydiid, cali mahdi, caato, yalaxow, qanyare, cumar finish, maxamed dheere, daylaaf, xaaraan kunaax, cabdi waal, goobaale, indha cade iyo cirfo iwm… Muqdisho iska daa in maamul iyo haykal dowladeed (sida Somaliland iyo Puntland) laga dhisee, dhiig daadintii iyo xasuuqii la bilaabay 1991 ayaa ilaa maanta oo aynu ku jirto 2009 socda magaaladaasi.

Dad badan ayaa waxaa soo galay xoogaa rajo ah kadib markii laga awood roonaaday dagaal abaabulayaashii muqdisho oo guushii raacday Maxkamaha Islaamka ee Muqdhisho, iyadoo dad badan moodeen dhacdo soo afjari doonta bilowna u noqon karta dhamaadka dagaalada Sokeeye iyo fowdadii Koonfurta Soomaaliya.

Nasiib daro waxaa la filan waa iyo fajaciso ku noqotay Shacabka Soomaaliyeed dibad iyo gudaba kadib markii rag astaan diineed wata ay banaysteen dhig daadin, kuna dul dagaalameen shacab aan weli ka soo kaban diiftii iyo dhaawacii dagaalada 19 sanadood socday. 

Sow amxaaro ma tagin, sow Cabdulaahi isma casilin, waa maxay  qaylada iyo sawaxanku, waa maxay dagaalku, yaa lagu jihaadayaa, hadafku ma dal xorays buu ahaa mise kursi ku tartar.

Nin baa bari wuxuu yidhi hadii belo dhacdo xagee baa loo cararaa oo laga dugsadaa , kolkaas ayaa loogu jawaabay baydka Ilaahay iyo Masjidka , kolkaas ayuu yidhi hadii masjidka belo ka dhacdo xagee loo cararaa.

Fidmada xaalufisada ah oo lagu halaagsamo waa mida gasho diinta, dagaalna waxaa ugu xun mid culimo dhexmara, hadaba nimanka maanta sheeganaya in hadafkoodu yahay kalimad Ilaahay inay doonayaan inay kor u qaadaan, hadana banaysanaya dhiiga xurmada mudan ee Muslimka, rag diin sheeganaya hadana xulafaysanaya dagaal abaabulayaal ay isku isir iyo qabiil yihiin, miyaan la odhan Karin waxa socdaa waa in diintii laga dhigtay dariiq lagu gaarayo hadaf qabiil iyo shakhsiyadeed iyadoo aan loo aabayeelayn xuquuqda dhiiga Muslimka, loona turayn looma ooyaanka iyo maatada isugu jirta waayeelka, qaxootiga, dumarka iyo caruurta aan waxba galabsan.

In maanta Ina Daahir Uways garab ka dhigto Goobaale iyo Indha Cadde , Shariif Xariifna nafmoodo Maxamed Dheere, yalaxow iyo Cumar Finish, sow saacadu dib uguma noqon khadkii cagaarnaa ee Caydiid iyo Cali Mahdi.

Talo:

    Inta la haybta ah ragaas shacabka ku dulhardamaya waxaan oran lahaa isku daya wax kasta oo lagu badbaadin karo dhiig danbe oo daata, badbaadiyana maatada, meelna uga soo wada jeesta cidii musaalaxada iyo wada hadalka diida, Ogaada hooyo danbe oo gablanta, wiil danbe oo agoonooba iyo aabe danbe oo ooya midna inaynaa tabar u hayn, haraaga ka soo badbaaday 19 sano dhowra oo dhaya dhib danbena ha u gaysanina, kuwa u gaysanayana haku gargaarina dulmiga iyo dagaalka ay hurinayaan.

    Soomaali inteeda kale waxaa la gudboon inay ka tashato musalsalka ama filimka aan dhamaanka lahayn ee Muqdisho ka socda, sidoo kale inay wanaag maahee aysan fidmada ka socoto Muqdhisho faraha la gelina waa mid haboon,  19 Sanadood ayaa loo xayirnaa bal in qowmiyada deegamadaasi timahoodu dhinac uwada xiirmaan oo hogaan ay yeeshaan , heshiis iyo muwaafaqo ay kula xaajoon karaan ama maamul kula wadaagi karana Soomaali inteeda kalena yeeshaan.    Rajadaas waa lagu hungoobay,  ifafaale iyo rajo dhow oo ka soo muuqatana ma jirto, marka sheekadeenu waa nin walbow naftaa nabiyow umadaa, nin quwaax hela nin qaroon hela caro waa quud hala qarabsado.

    Qurba joogtana waxaan leeyahay 20 sanadood ayaynaan geediga caynka ka furin oo rajo ku nool iyo dowlad Soomaaliyeed baa dhalan doonta lahayn, caruurtii ku dhalatay geedigan aan nagaadka lahayn maanta caruuray dhaleen jaamacadana qaar waa ka baxay, marka geediga heeryada ka dhiga, caynkana ka fura, ogaadana dhulku waa wada dhul Ilaah, sidaa awgeed nasiib gala wadamada aad amniga, shaqada, tacliinta ,caafimaadka iyo nolosha intaba ku haystaaan, Soomaalida dhulkii ku hartayna ka daaya hardamada, laqdabada , isku dirista, la kala safashada iyo hurinta colaada aad ka soo cararteen caruurihiinii iyo naftiiniina kala soo badbaadeen, ogaada dagaal wiil ku dhinta ee wiil kuma dhasho.   Sidaa awgeed musaalaxada, nabad ku soo dabaalista , horumarka, dib u dhiska iyo gargarkaas Islaanimo iyo insaaninimo ka qab qaata, wixii maanta ka danbeeyana tolaayeey iyo war yaa reer hebala yaysan aakhiro iyo aduun idin seejin, hadaad rabtaan inaan dalkaas u gargaartaan ku dadaala tarbiyada iyo tacliinta awlaadiina, ilayn wax la tabco dad baa ugu fiicane.  Walee Dhalinta maanta dhaayo kama sokeeyaan. 

Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: