SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

BEYADA WANAAGSAN IYO BARBAARINTA SUUBBAN

Mahad oo dhan Eebbe ayaa iska leh. Waan ku mahadinaynaa, waan kaalmo weydiisanaynaa, waan dembi-dhaaf weydiisanaynaa, waanan u tawbad keenaynaa. Eebbe waxan ka megan-gelaynaa nafteenna sharteeda iyo falalkeeda xunxun. Qofkuu Eebbe hanuuninayo cid lumin kartaa ma jirto, qofkuu luminayana cid hanuunin kartaa ma jirto. Waxan qirayaa Alle mooyee Ilaah kale in aanu jirin. Waxa kaloon qirayaa Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) Addoonkii Alle iyo Rasuulkiisii inu yahay. Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) munaasabado badan buu ku tilmaamay doorka bey'ada wanaagsani ku leedahay habsami u barbaarinta ubadka. 

Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxaa laga weriyay: (Dhallaan kastaa fidrada "abuurka iyo tawxiidka Eebbe ee toosan" ayuu ku dhashaa, hase yeeshee labadiisa waalid baa ama yahuudi ka dhiga, ama nasraani amaba majuusi "Dab-caabbud")[1]. Xadiithkaas waxa laga fahmayaa in haddii ubadku uu helo laba waalid oo muslin suubban ahoo mabaadida iimaanka iyo Islaamka bara uu markaas caqiidada toosan ku korayo kuna barbaarayo, waxana taas la yiraahdaa bey'ada guriga. Waxaa kaloo Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) laga weriyay: (Qofku saaxiibkiis buu ku diin yahay ee qof walba oo idinka mid ahi ha eego qofka uu la saaxiibayo)[2].

Xadiithkaas waxa ka ifaya in hadduu saaxiibku qof Alle ka baqa, xumahana ka dhawrsada yahay, uu Alle-ka-cabsiga iyo dhawrsananta ka qaadanayo, waxana taas la yiraahdaa bey'ada bulshada, dugsiga ha ahaato ama xaafadda eh. Axaadiithta caddaynaysa bey'ada wanaagsani inay raad xoog leh ku leedahay siduu qofka muslinka ahi; Alle-ka-cabsi, iimaan, caqiido iyo akhlaaq wanaagsan ugu barbaari lahaa waxaa kamid ah Xadiithkaan: 

Abuu-Saciid, Sacad bin Sinaan Al-Khudri (RC) waxaa laga weriyay: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Dadyoowgii idinka horreeyay waxa kamid ahaa nin sagaashan iyo sagaal naf intuu gooyay, dabadeed "dadkii" weydiiyay qofka uunka ugu aqoon badan. Waxa markaas la tusay raahib "wadaad", intuu u yimid buuna weydiiyay: sagaashan iyo sagaal naf baan gooyaye tawbad ma leeyahay?. Wuxuu ku yiri: maya, markaas buu isna dilay tiradiina boqol ku buuxiyay. Keddib wuxuu "dadkii" weydiiyay qofka uunka ugu aqoon badan, waxaana la tusay nin aqoon yahan ah. Wuxuu weydiiyay: sagaashan iyo sagaal naf baan gooyaye tawbad ma leeyahay?. Wuxuu yiri: haa, yaa tawbad keen kuu diidi kara. Soco oo meeshaas iyo meeshaas tag, waxana ku nool dad Alle caabbudee iyaga Alle la caabbud, dhulka tolkaana ha usoo laaban waa dhul xun eh. Ninkii intuu baxay kolkuu kala bar sii marayo bay geeridii u timid. Waxay markaas dood kululi ku dhex martay malaa'igtii naxariista "Jannada" iyo malaa'igtii cadaabta "Naarta". Malaa'igtii naxariistu waxay tiri: Isagoo tawbad keen ahoo qalbigiisa Eebbe usoo duway buu inoo yimid. Malaa'igtii cadaabtu iyaduna waxay tiri: Weligiisba wanaag ma aanu samayn. Markaas malag qof isu soo suuraadiyay baa u yimid, waxayna ka dhigteen garsoore. Wuxuu yiri: mitiriya inta labada dhul u dhaxaysa, kuu u dhowaado labadooda buuna leeyahay. Markay mitiriyeen, dhulkuu u socday inuu u dhowyahay baa usoo baxday, waxana markaas qaadatay malaa'igtii naxariista)[3]. 

Qisadaas aynu soo sheegnay waxa laga qaadanayaa in ubadku kolka uu barbaarin wacan ka helo waalid wanaagsan iyo macallin suubban, uuna helo bey'ad iyo jawi wanaagsan oo uu dhallin Alle ka cabsata kula saaxiibo, waxaan shaki ku jirin inuu ku barbaarayo iimaan, Alle-ka-cabsi, akhlaaq wanaag iyo edeb samaan. Mabaadidaas iyo tiirarkaas iyagoo ka duulaya bay dadkii hore ee suusuubbanaa ubadkooda u dooran jireen barbaariyeyaal, una diyaarin jireen jawi ay astaamo kuwa ugu habboon kula barbaaraan.  Waxaa gef aad u weyn ah dadka qaar inay u maleeyaan aadanuhu inu dhasho isagoo ma-gefe ama mooryaan ah, sida wanku baarrinimo ugu dhasho shabeelkuna bahalnimo. Waxaa gef ah in la aamino in aan mooryaannimada dadka la beddeli karin, sidoo kalena aan nafsamaanta qofka ku beeran la beddeli karin. Fikradda noocaas ahi waa mid sharci ahaan, caqli ahaan iyo tijaabo ahaan intaba ku khaldan. 

Sharci ahaan bay ku khaldan tahay, maxaa yeelay Alle wuxuu yiri:
: { } { : 10}.
(Waxana aan ku toosinnay labada jid "jidka toosan ee Jannada lagu galo iyo jidka qalloocan ee Naarta lagu galo") (Al-Balad: 10).
: { 7 8 9 } { : 6-10}.
(Waxan ku dhaaranayaa naf iyo Allihii "suuraddeeda" wanaajiyay. Dabadeed kala tusiyay wixii u daran iyo wixii u dan ah. Waa la hubaayoo waxa guulaystay qofkii "naftiisa" hufa. Waxana qasaaray qofkii "naftiisa" halleeya) (Ash-Shamsi: 6-10). 

Caqli ahaan bay u khaldan tahay, maxaa yeelay Eebbe wuxuu soo dejiyay kutub wuxuuna soo diray Rusul. Muxuu haddaba sidaas u yeelay?. Soow wanaagga dadka iyo baraarihiisa adduun iyo aakhiro ma aha. Maxay dowladuhu manaahij iyo mabaadi u dejiyeen?. Maxaa dugsiyada iyo jaamacadaha loo sameeyaa?. Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta maxaa loo sameeyaa?. Macallimiin cilmiga barbaarinta iyo bulshada ku takhasustay maxaa loo shaqaaleeyaa?. Soow ma aha sidii loo dhaqan celin lahaa loona wax bari lahaa dadka?. Sidii looga hortegi lahaa dullinimada, dibad joogga, mooryaannimada iyo caadooyinka xunxun ma aha?. Soow sidii wanaagga loo dhagax dhigi lahaa, qalloocana loo toosin lahaa ma aha?. Haddaanay sidaas ahayn muxuu Eebbe kutubta usoo dejiyay, rususha usoo diray, xeerarka iyo sharciyadana u dejiyay?. Maxay culimada barbaarintu qaban jireen maxayse qaban doonaan?. Soow waxaas oo dhami waqti lumis iyo ciyaar ma aha?. Ma sidaas baa?.

Tusaale ahaan, aan is xusuusinno dhawrkaan arrimood:

- Dadka: 
Waxaa jira qof muddo dheer dad dullaysan ku dhex noolaa, kana mid ahaa mooryaan aan cidna u aabe yeelin, bulshadana rafaad iyo rajo xumo baday. Ninkii mar uun buu nuur u ifay, qof suubban baa intuu la saaxiibay diinta ugu yeeray. Sidaas buu dullinimadii uu ku jiray intuu ka baxay daaciye diinta dadka ugu yeera noqday, shartii uu ku jirayna sharaf iyo wanaag ku beddelay. Dadka sidaas ahi dunida maanta way ku badan yihiin, cid inkiri kartaana ma jirto.

- Xayawaanka: 
Waxaa jira qaar asal ahaan duurjoog ahoo kolkay dadku jara bareen rabbaayo noqday, dadka la nool oo dabeecad yaqaan. Dadku wuxu ciyaar baray fardihii, wuxuu dhayal baray shimbirihii, wuxuuna ugaarsi baray haaddii. Haddaba kol haddii xayawaankii dugaagga iyo duurjoogta ahaa sidaas loo hoggaaminayo, maxay kula tahay dad oo hadal yari maskaxdiisa iyo maankiisa rogi karo?, miyaanay kolka tubta toosan la tuso dabeecaddiisu is beddeli karin?.

- Dhirta: 
kolka uu qofku dhul ugub ah oo bacrinsan abuur ku rido, biyo iyo carro nafaqeeyeyaalna la daba istaago, cudurrada iyo cayayaanka kala dagaallamo, laamaha u toosiyo, qodxahana ka jaro, abuurkaasi amar Alle ayuu ku mira dhalaa, qofkuna dalag ka goostaa, harkiisa harsadaa, khayrkiisana abid ku intifaacaa. Haddiise abuurkaas aan la daryeelin, carrada lagu beerayo aan la nafaqayn, aan la waraabin, laamaha loo toosin, qodxahana laga goyn, miro baahi tira ma dhalo, ubax iyo udgoon ma bixiyo, wuxuuna isu barkadaa sidii bal la daaqay ooy hadba dabayshu dhan u daadahayso. Sidaas oo kale baa nafta aadanaha hadba sidii loogu dadaalo mireheeda loo goostaa, haddii aan xil iyo xeel la iska saarin oo horteeda loo daayana wax laga faaiido iskaba daaye, dareen iyo cudur bulshada dhiba u noqotaa.

Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota United States


[1] Bukhaari (1358, 1385, 6599), Muslim (2658).
[2] Abuu-Da'uud (4833), Tirmidi (2378), Xaakim (Al-Mustadrak: 7319).
[3] Bukhaari (3470), Muslim (2766/46). Ereyadii Muslim.Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: